Home » Warar »

Magaalada Istanbul uu ka furmayo Shirkii Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland

Waxaa Dalka Turkiga Caasamadiisa Stanbul maalinta beri oo taariikdu tahay 26-2-2015 uu Shir ugu furmaya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland , Shirkaas ayaa waxaa uu soo marey heerar kala duwan yadoo kulnakii ugu dambeeyey Magaalada Jabuuti isku arkey Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Mxamuud Siilaanyo.
image
Waxaa Magaalada Stanbuul gaarey Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland kawaa oo ka qayb galaya sidii mar kale loo dhaqaajin lahaa wixii hore uga soo baxay shirkii Jabuuti ee Sannadkii tagey, waxaana dadka odorosa Siyaasada Soomaaliya ay ku tilmaameen Shrarka u socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland mid Gacmo Daalis ah

Qodobada lagu heshiiyay shirkii Jabuuti ee Sannadkii hore aan dib u Milicsano waxaa ka mid ah:-

1- In la dar dargeliyo wada hadalada labada dhinac, isla markaana waqti lagu jaangooyo.

2- In arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii horey loogu heshiiyay.

3- In laga fogaado wax kastoo wada hadallada carqalad gelin kara

4- In aan la siyaasadeyn deeqaha beni’aadannimo, maashaariicda dib u dhiska lana dhiirageliyo.

5- In la fuliyo heshiiskii hawada ee labada dhinac u dhaxeeyey, iyadoo hab farsamo lagu saleeyo.

6- In Wada hadalada laga qeyb geliyo dowladda Jabuuti, marka loo baahdo.

7- In si wadadjir ah looga wada qeyb-galo wada hadallada labada dhinac u dhaxeeya, iyadoo khubarro farsamo iyo dowlado saaxiibo ah oo ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland loo saaro arrintaan

8- In wada hadalada xiga ay dhacaan 26-27-ka ee bisha February ee sanadka soo socda laguna qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, si arrimahaan loo sii ambaqaado.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Wararka kale ee maanta

War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)

Mogadishu, February 25, 2015 – Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweysay Magacaabista H.E. Katherine Simonds Dhanani inay noqoto Danjirihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo loo soo magacaabo Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991, tani waxa ay cadeyn u tahay xiriirka fidaya ee labada dowladood iyo labada shacab u dhaxeeya.

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir dhinacyo badan leh oo uu ka mid yahay iskaashi mira-dhalay oo ku qotama dhinacyada horumarinta si gaar ah qeybta ammaanka , la dagaalanka argagaxisada caalamiga , burcad badeeda iyo xad-uyeelidda saboolnimada . labada dowladood waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah oo qeyb ka ah xiriirka labada shacab , iyadoo Soomaali – Mareykan aad u tira badan ay degan yihiin dalka Mareykanka..

Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya waxa ay sii ahaan doonaan saaxiibada iyo isbaheysiyo lagu kalsoon yahay , iyadoo la xoojinayo xiriirka iyo marinada rasmiga ah ee diblomaasiyadeed ee labada dal , taasoo sii adkeyn karta xiriirka taariikhiga ah.

DHAMMAAD

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada

Section of Press and Public Relations ( PPR)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.