Home » Warar »

R/Wasaare Cumar ayaa saaka booqday dhaawacyadii ku jiray Isbitaal Digfeer

Muqdisho, Feb 23, 2015…… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa saaka booqday Isbitaal Digfeer oo ay ku jiraan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii 20-kii bisha ay kooxda arxan laawayaasha ee Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Central .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaal Digfeer, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu u rajeeyey dadka dhaawaca qaba in Ilaahay siiyo caafimaad taam ah, isgoona markale u tacsiyeeyey Qoysaskii ay dadku uga geeriyoodeen.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu mahadceliyey dowladda Turkiga sida ay umadda Soomaaliyeed ugu hagar baxday una dhistay Isbitaal noocaan ah oo leh dhamaan qaybaha kala duwan ee adeegyada caafimaadka,wuxuuna xusay Ra’iisul Wasaaruhu iney qorshaha ugu jirto sidii labada maalmood ee soo socota loogu qaadi lahaa isbitaal dibadda ah dhaawacyada culus

Ugu danbayntii Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Saxaafadda la hadlay booqashada kadib ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa saaka booqasho ugu yimid dadkii 20-kii bisha ku waxyeeloobay weerarkii waxashnimada ahaa ee dhagar-qabayaashu ku qaadeen Hotel Central, xaaladooda caafimaadna waa wanaagsanayd, inkasta oo uu dhib soo gaaray, waxaan uga mahadcelinaynaa maamulka Isbitaalka Digfeer dadaalka ay galiyeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhaawacyada”.

Halkan kala dag codka

—DHAMAAD—-
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Twitter: @SomaliPM, @axmednuur

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.