Home » Warar »

Dhacdo Xanuun badan wax u Garaabana weysey.

Magaceeda Saxda ah waa Xaawo Yuusuf Xasan waa 27 jir Soomaali ah ku soo barbaartay Miyiga waxa ay heysataa wiil yar oo ay Miyiga uga soo tagtay hadda , hooyadeed iyo aabaheed waxa ay ku weysay dagaaladii sokooye ee ka dhacay dalka Soomaaliya waxaa la dhalatay sida ay ii sheegay labo gabdhood oo Yamen Iyo Kenya ku kala nool, marka ay magaalada soo maciin biday waxa ay u janjeersatay soo ridashada nolol maalmeedka .

nolosheeda waxa ay soo martay marxalado kala duwan ,Xaawo waxa ay Shaqo ku bilaawday Da’ aad u yar inta ay nolosheeda jirto waxa ay soo qabatay shaqooyin ay ka mid yihiin ,iibinta dharka Hudheyda ,Gadida Shidaal ,ka shaqeynta kaabo Carada laga soo saaro ,Adeegtonimo iyo shaqo kasta oo nolol maalmeedka ay ka heli karto .


Xaawo Yuusuf Xasan waxa ay dabayaaqadii sanadkii 2011 ay adeegto u noqotay qoys Soomaali ah oo ku nool dagmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho hadafka ay u doorbiday in qoys aan hankeeda aheyn u shaqeyso waxa ay aheyd in ay nooli ka hesho maadaama ay ku jirto xaalad nolol soo dhacsi ah ,

Qoyska ay adeegtada u aheyd waxa ay ka koobnaayeen labo ruux oo kala ah hooyo iyo gabar yar oo ay dhashay nolol ahaana waxa ay ku tiirsanaayeen reerka ay la joogtay qoyska ay gabadha ka dhalatay ,Xaawo waxa ay mudo joogteyba oo ay mushaarka yari ku uruursato qoyska ay adeegatada u tahay waxa ay damacday in ay dalka ka tahriibto si nolol dhaanta tan Muqdisho u hesho ,

Waxa ay wadarta qarashkii ay mudada ku shaqeynaysay weydiisatay Fardowsa oo aheyd haweenaydii ay jaariyada u aheyd ,muran dheer ka gadaal waan ku siinayaa bari ee sii joog ayaa loogu laab qaboojiyay Xaawo oo aan ku qanacsaneyn ayaa aqbashay .

“ Talo iskuma kaa sheegto ” ,waxa ay subixii bilaawaday shaqadii caadiga aheyd ee reerka u qabaneysay sida ay ii sheegtay waxa ay suuqa u kaxeysay inantii yareyd ee markaasi 3 jirka aheyd si ay adeeg u soo iibiso illeen hooyadii ayaa huruday Xaawana Ka sokow Adeegtonimadeeda hooyo labaad ayey u aheyd gabadha Yar .

markii ay Xaawo inantii yareed ula jiheystay Suuqa ayay hooyadii ka soo kacday hurdada durbana waxa ay ka daba tagtey Xaawo oo Gabadha gacanta ka haysa, ( gabadheyda isii ,waad iibsan rabtaa, qabta waa tuugo cunugta iga soo xaday waaa warey baroor iyo eray kasta oo loogu hiilin karo ayay Hooyadii guriga ku qeylisay ) ,sida Xaawo laga Soo xigtay ,Yaab iyo amakaag ayaa ku dhacay Xaawo waxaan durba qeylada ku soo baxay dadkii goobta ka dhawaa waxaana Xaawo qabtay Ciidamado u ekaa in Jarta ay haweenayda loo soo diyaariyeey sida ay sheegay waxaa loo dhaadhiciyay saldhiga dagmada karaan ee Muqdisho

waxaa saacado ka dib loo gudbiyay Saldhiga X/weyne Xaawo waa ay yaabtay Xaalada ayaa ku adkaatay ,waa walaac oo nin ayey hoos iska meersadeen oo aqal geysan rabay sida ay sheegtay .maalmo ka dib waxaa loo wareejiyay xabsiga dhexe ee Soomaalia .qolka dumarka lagu xiro ayey maciin biday

waxa ay ii sheegtay in maxkamada looga yeeray si loo xukumo ,mar waa ay faraxdey marna waa ay murugootay ,ninkii garsooraha ee xukunka riyadaha waxa uu soo jeediyay in 8 sano iyo Sideed Malyan ganaaxan tahay sababo la xiriiro dambi ah in ay cunug xaday ,

waa ay yaabtay cid u qareenta malaha cid nolosheeda ka warheysa iskaba daayee haweenay abuukaate ah ayaa u jirnaxday oo dood ka dib soo jeedisay in xariga loo qafiifiyo waxa uu markale Garsoorihii yiri. ( 3 Sano Iyo Saddex Malyan oo Shilin soomaali ah taariikhdii xukunkaasi dhacay waxa ay ahayd 17 -7-2012 ). Yaabka yaabkiisa ayay ku noqotay waxaa lagu celiyay xabsigii ,Xaawo waxa ay wehel u noqotay murug iyo aduun naceyb, waxaa koray uurkii ay laheyd ,racfaan ayey dalbatay cid ku garabsiisaana waa ay weysay ,Bilo Ka dib xabsiga ayey ku foolatey maalmo fool ka gadaalna waxa ay ku dhashay xabsiga cunugiina waa uu ka saqiiray .

ma jirin cid Bini’aadam ah oo xabsiga ku soo booqato waa ay isdhiibta una bareertay in xabsiga ay dhameysato ,

Maalin Maalmaha Ka mid ah ayaan maqlay sheekada Dhibane Xaawo runtii waan rumeysan waayey inleen ma arag adeegto Masabid dartii xabsi sanado u gashay .si jiritaanka arintan aan u ogaado waxaan goor galab ah tagay xabsiga aniga oo kaalmeysano haweenay ciidanka Astuubta ka tirso oo dhacdada ii soo sheegtay .

waxaan u tagay Xaawo oo marna murugeysan marna yaaban waxa ay iiga sheekeysay nolosheeda iyo sida ay sheekadii aan kor idiin kugu soo sheegay u dhacday waxa ay cod nuxuus ah igu tiri haddii saddexda Malyan ee ganaaxa la dhiibi waayo waxaa leygu badalayaa mar kale xarig .

ka walwal la’oow ayaan uga soo tagay waxa aan habeen iyo maalin qof ahaan u istaagay in lacag ka badan tan laga rabo aan u aruuriyo illaahey iguma dhibin waxa aan u aruuriyey lacag gaareysa 500 oo Doolar.

Markale waxa aan tagay aniga oo ay illa socoto haweenay ciidanka Asluubta ka tirsan Maxkamada Gobolka banaadir si aan lacagta ganaaxa u geyno galka dacweedkeedana aan u soo helno waxa ay aheyd bishii September 2014 kii waxaa aan dadaal u galay in laga cafiyo inta u dhiman ma aysan dhicin ..waxa aan la murugooday Xaawo oo aan laheyn cid aniga iyo hooyada ciidanka Asluubta ka tirsan oo u dhaqdhaqaada .

dhawr kol oo aan xabiga dhexe ku booqday ka dib waxa ay xoriyadeeda heshay 6 January 2015 runtii waxa aan aaminay haddii aan lacagta ganaaxa ka bixiyeen in ay sanado kale wajihi laheyd oo xariga ah sababtoo ah si wanaagsan looguma cadaaladd falin waxa ay hadda ku taameysaa in Xaawo in ganacsi yar ay sameysato ,dowladda iyo Hey’addaha cadaaladda waxa aan dhawr mar isku dayey in arintan xadgudbka muuqda ah ay wax ka qabtaan laakiin ma aysan dhicin .

WQ Nasriin Maxamed Ibraahim..
nadarwww@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dhacdo Xanuun badan wax u Garaabana weysey. "

  1. Abdikarim says:

    Asalaamu caleykum
    waraxmatulaah
    wabarakaatuhu

    walal salaanta islaanka kadib maashaa allah waxa aad sameysay wanaagi laga rabay qof islaam ah in uu sameeyo ixsaanka aad u sameysana ilaah ayaa khey kuugu bedelaya insha allah

  2. Said Yusuf says:

    Allaha kaa ajar siiyo dadaalka aad sameysay. Umadana allaha samaha tuso.