Home » Warar »

Xukuumaddi Tiro badan ee Cumar Cabdirashiid oo Codka Kalsoonida ka heshey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Kulankii Baarlamaanka ee maanta oo ku soo beegmey Xili Barqadii Muqdisho lagu diley Xildhibaan ka tirsasn Baarlamaanka …

Iyadoo Laba jeer uu Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cumur Cabdirashiid uu soo magacaabey Gole Wasiiro ayaa waxaa maanta oo ay biishu tahay 9-2-2015 uu kulan isugu yimid Golaha Baarlamaana kaasoo uu shir Gudoominayey Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari , waxaana kulanka maanta uu ahaa mid Codka Kalsoonida loogu qaadayey Xukuumada Cumar Cabdirashiid oo ka kooban 68 Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal .
image
Kulankii maanta oo uu ku soo beegmey iyadoo saakey Barqadii Degmada Xamar Jajab lagu diley Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdulaahi Qayaad Barre a ayaa kulankii maanta waxaa fadhiyey 213 Xildhibaan , sidoo kale waxaa iyana fadhiyey kulanka Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid iyo Xubno ka tirsan Wasiirada Cusub.
image
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqey Natiijadii Cod bixinta waxaana uu sheegey in 190 Xildhibaan ay ogolaadeen Xukuumada Cusub waxaa diidey 22 Xildhibaan sidaa ayey Xukuumadii Cumar Cabdirashiid ay heshey Aqlibiyaad aad u weyn iyadoo Gudoomiyaha Maxkamada sare uu halkaa ku dhaariyey Wasiirada Cuub , waxaana markiiba soo dhaweeyey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo u mahadceliyey dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.