Home » Warar »

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo saxiixay heshiis dib loogu dhisayo Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud .

Mogadishu, February 02, 2015 – Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kula saxiixday heshiis Dr. Mohamed Yahya Mufarreh oo ah Gudoomiyaha hey’adda arrimaha dhismooyinka guryaha u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga oo loo yaqaan (Real Estate Union in Islamic States “REUOS”).

Heshiiska kadib , Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Gudoomiyaha REUOS , waxa ay faah faahin ka bixiyeen heshiiskaasi iyo faa’idada uu u leeyahay dalka Soomaaliya .

Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa sheegay in hey’adan hoostagta Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya dayactirka iyo dib u dhiska dhammaan hantida qaranka ee dibadda oo ay ku jiraan Safaaradaha, guryaha Safiirada iyo wixii la mid ah oo ah hanti qaran oo dalku ku leeyahay dibadda .

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa soo hadal –qaaday in Guddi ka socda hey’adda arrimaha dhismooyinka guryaha u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga ay bilaabi doonto socdaal qiimeyn ah oo ay ku soo sameyn doonaan dhammaan dhismooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay qaaradaha Afrika , Asia , Yurub iyo Ameerika .

Mashruucan dib loogu dhisayo , laguna dayac tirayo dhismooyinka qaranka ee dibadda ayaa waxa uu gaar u yahay Safaaradaha , Qunsuliyadaha guud , Guryaha Safiirada iyo wixii la mid ah oo qaranku ku leeyahay dibadda .

Dhankiisa , Dr. Mohamed Yahya Mufarreh oo ah Gudoomiyaha hey’adda arrimaha dhismooyinka guryaha u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay maqaamka ay dunida ku laheyd , taasina ay ku timid dadaalada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqaaqday, isagoo sheegay in heshiiska uu maanta saxiixay uu ka dhigan yahay tallaabo dhiirigelin u ah horukaca dhaqaalaha iyo horumarka la hiigsanayo mustaqbalka .

Dr. Mohamed Yahya ayaa sheegay in mashruucan laba bilood kadib si rasmi ah u shaqa –gali doono , ayna ka bilaabi doonaan dib u dhiska hantida dowladda , dalka Djibouti oo qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay 16 dhismo .image

Arrintan ayaa ah bilowga guulaha la filayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga dib ugu habeyso habka shaqo iyo shaqaale ee ergadeeda dibadda , si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee dowladda iyo shacabka ay u hayaan , waxa ay sidoo kale ay tirxraac u tahay Shirar Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh kula yeeshay sanadkii hore Magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia Xoghayah guud Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Gudoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.