Home » Warar »

Minnesota: Wiil 13-jir ayaa Dhintay kaddib markii walaalkiis Xabbad kaga fakatay

Booliska magaalada Eagan (oo kaabiga ku haysa Minneapolis) ayaa sheegay in wiil 13-sano-jir ah uu dhintay kaddib markii xabad kaga fakatay walaalkiis oo 15-sano-jir ah.

Wiilka dhintay waxaa magaciisu ahaa Suhayb Jamal Hassan.

policeeagan

Arrintan ayaa dhacday Axadii la soo dhaafay (Jan 25, 2015) kaddib markii uu barqanimadii 11:07am uu booliska soo wacay wiilka 15-jirka ah oo ku wargeliyey.

hassan-suhayb-jamal

Suhayb Jamal Hassan. Sawirka: KSTP tv

Sida uu sheegay TV-ga Minneapolis ee Channel 5, labada wiil iyo gabar walaashood ah oo 11-sano-jir ah ayaa joogey guriga, waxayna labada wiil heleen baastoolad uu aabahood lahaa. Baastoolada markii ay heleen ayey ku ciyaareen iyagoo iska dhigayey “Askari iyo tuug” oo is cayrsanaya. Markaas ayaa 15-jirka xabaddu ka fakatay oo ku dhacday 13-jirka, kagana dhacday shafka.

Gabadha yar wax ma gaarin, mana aysan arkeyn markii xabbadu dhacday sida uu TV-ga KSTP ka soo xigtey booliska.

Cidna looma xirin arrintan ayaa boolisku sheegeen, lamana filayo in cid loo xiro, ayuu yiri TV-ga Channel 5.

Wiilka dhintay, Suhayb Jamal Hassan, waxa uu ahaa fasalka 8aad ee dugsiga dhexe, waxana uu dhigan jirey iskoolka Black Hawk Middle School ee Eagan.

Xigasho: KSTP tv Channe 5, Minneapolis

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.