Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade

Muqdisho, Jannaayo 26, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Allaha u naxariiste Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxana Ra’iisul Wasaaruhu tacsi u diray qoyska uu ka tegay, xildhibaanada baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya, isagoo u rajeeyey in Illaah jannadiisa ka waraabiyo.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeynaya geerida xildhibaanka waxa uu yiri:

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timi Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo shalay ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan Illaah uga baryayaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka tegay.

“ Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Xaabsade waxa uu u soo shaqeeyey qaranka Soomaaliyeed xilliyo duruuftoodu kala duwan tahay, waxana uu ahaa nin si weyn u rumaysan Soomaaliya oo nabad ah oo horumartay, dadkeeduna ku nool yihiin midnimo, caddaalad iyo barwaaqo. Waxa uu ahaa geesi aan aragtidiisa la gabban oo dood-yaqaan ah marka lagu jiro baarlamanka iyo xilliyada kale ee laga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Waaxda Isgaarsiinta iyo Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM, @AbdirashidMuse

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.