Home » Faallo »

Booqashadii Ordogan oo kala Xayirtey Lamaane is Aroosi lahaa !!

Iyadoo weli ay Xiran yihiin Isu socodka Gaadiid yo Dadkuba ka dib markii uu Booqasho ku yimid Madaxweynaha Wadanka Turkiga Rajab Dayid Ordogan ayaa waxaa la kulmey Nin dhalinyaro oo aad u Careysan waxaana weydiiyey Sababta uu u Careysan yahay waxaa uu ku jawaabey isagoo qaylinaya kuna sugan Suuqa Bakaaraha “ Waad ii jeedaa sida aan u labisanahay maanta waxaan ahaa Oroos hase yeeshee aniga iyo Lamaanteydii waan kala Go’doonsanahay oo waxaan kaa joognaa Howlwadaag iyo Waaberi” waxaa u sii dabadhigey Su’aal ahayd

“Maxaa ku jaban Beri ayaa aqal geli kartaane” waxaa uu ku jawaabey” Waa runtaa balse waxaan kuu sheegayaa in Degmada waaberi oo ah Meeshii uu arooska ka dhacayay waxaa lagu qaley Xoolihii Martida Arooska aniga halkaan baan joogaa oo ma Gudbi kari weliba waxaa maanta hore i sii raaci lahaa Odoyaashii iyo Shiikhii igu Mehrin lahaa Gacalisadey marka dadaal kasta waa sameeyey oo Dhowr wado ayaa Cidamadu iga soo celiyeen , Xitaa waxaa ku iri Ciidamada “ War maanta aroos baan ahay Hanti baa iga Khasaareysa ee ha la i sii daayo “ waxay igu yiraahdeen “ War arooskaada ma naqaan ee meesha ka tag war waxaa uu ku hadlayo fiiri war waxaa maanta I maanaya Madaxweynihii aan jecleyn halkee buu aroos joogaa “ waxaa u sii dabadhigey Noocaan oo kale waa naqaanaa waa nooca is qarxiya”

“ Waxaan doonayey in Khamiistii aan aqal galo ma suuroobin hadana Jimce ayaa isku dayey,waxaa ugu Dambeyntii la Go’aamiyey in aan aqal galo maanta oo Axad, welibana Go’aanka maanta ma lahayn ee Dhinaca kale ayuu ka yimid ee waxaa Jeclaa in marka uu Ordogan uu dhameysto Boqashadiisa in aan aqal galno aniga iyo Gacalisadeya marka waa Lacag Calaf uu ka baxay” ayuu yiri Ninkii arooska ahaa oo diidey in aan Xuso magaciisa

Waxaan weydiiyey maxaa kaa gaarsiiyaan Ordogan ? waxaa uu ku jawaabey isagoo Murugeysan “Isaga ayey Dushiisa tahay waxaas oo Khasaaro ah waayo maanta arooskeyga igama baaqdeen ee isagaa dartiis loo xirey Wadooyinkii aan u mari lahaa gacalisadeyda marka waa maalin taariikhi ah oo ma hadho ah oo Xasuusteyda ka go’i doonin haddii uu ilaah Caruur iga siiyo Saaxiibtey waxaan kuu sheegayaa in Canuga ugu horeeyan aan u bixin doono Ordogan
image
Dhibaatooyinka ay keeneen Wadooyika Xiran waxaa ka mid ah Dhamaan waxaa istaagey Waxbarashadii , Ganacsigii, waxaa arkey Gawaari Muus Wada oo dhex taagan Xaafadah dhexdooda kuwaa oo gaari waayey Suuqaydii ay doonayeen sidoo kale waxay isheydu qabtey gaari sida dhagax oo shaqaalihii saarnaa Xaley gaari dushiIsa ku baryey ,waxay kaloo aan la sheekeystey Dhalinyaro sheegey in aysan ilaa saakey afkooda wax saarin ka dib markii ay gaari waayeen Maqaayadihii

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.