Home » Faallo »

Turkiga : Macaan iyo Qaraar.

Bishii Agoosto ee Sannadkii 2011 waxaa Magaalada Muqdisho Soo gaarey Raiisul Wasaarihii Wadanka Turkiga Ragab Dayib Ordogan oo haatan ah Madaxaweynaha Dalkaas ka dib markii uu ka damqadey Abaar ba’an oo ku dhufatey dalka .

Imaanshahiisii Soomaaliya Ordogan waxay albaabada u furtey in Madax badan iyo Ha’yado Caalamiga ay yimaadaan Soomaaliya kuwaa Gacan balaaran siiyey Dadkii Macaluusha haysey , waxaana Turkigu uu Bilaabey In uu Mashaariic Horumarineed uu ka hirgeliyo Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ka muuqatey Diiftii Dagaaladaii Sokeeye, .

Dib u dejintii dadkii abaaraha ka dib Dalka Turkiga waxaa uu Magaalada Muqdisho ka bilaabey Mashaariic fara badan waxaa uu dib u diyactirey Dugsigii Farsamada, Waxaa uu Isbitaalkii Digfeer ka dhigey Isbitaal Casri ah , sidoo kale waxaa uu dib u hagaajiyey Qaar ka mid ah Wadooyinkii Burbursanaa ee Magaalada Muqdisho , waxaa uu Garoonka Aadan Cade ka dhigey Garoon caalami ah oo la heer kuwa Caalamka , waxyaabaha kale ee lagu Xasuusto Dalka Turkiga waxaaka mid ah la wareegdii Dekeda Magaalada Muqdisho oo uu ka saarey Dhaqaale fara badan oo la iska Cuni jirey iyo Waliba Dib u dayactirida goobo kale oo Muhiim ah.

image

Intaas oo Mashaariic ah markaan ka soo gudubno waxaa dhab in dal intaas oo Mashaariic Horumarineed ah kuu sameeyey in aysan ka marneyn Dano gaar ahaaneed dalka Turkiga waxaa uu dhex galey Bulshada Soomaaliyeed isagoo ka abuuranayo Ganacsi iyo Shaqooyin waxaa arkeysaa Shaqaale Turki ah oo Dhisaya Guryaha Waaweyn , sidoo kale waxaa Muqdisho ka furtey Goobo lagu sameeyo Qalabka guryaha la dhigto iyo Xafiisyada.
image

image

image

image
Shaqaalaha Tirada Badan ee Turkiga waxay keeneen in ay is guursadaan Soomaaliya iyo Turki , sidoo kale waxaa arkeysaa Dhalinyaro fara badan oo ku hadlaya Afka Turkiga iyo Kuwa Turki ah oo ku hadlaya afka Soomaaliga , waxaa ka sii yaab badan ardey fara badan oo Turki u dhashey ay wax barasho jaamacadeed ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho waxaana Dalka Turkiga loo qaadey ilaa Saddex kun oo dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaa oo Dalkaas ka heley Deeq Waxbarasho iyadoo Shirkada Diyaaradaha ee Turki-ga ay Isbuucii Muqdisho Timaado Afar jeer .

“ Imaanshaha Turkiga ee Soomaaliya waxaa dhihi karaa oo aan ku tilmaami karaa Macaan iyo Qaraar waayo Macaankii waa la wada arkey hase yeeshee qaraarka ayaa ah in Kumaan Soomaali ah ay ku dhacdey Shaqo la’aan ka dib markii Dad Turki ay la wareegeen Xarumo fara badan oo dad Soomaali ah ka shaqeysan jireen balse Qaraarkaas waxaa Mayrey Wax qabadka Wadanka Turkiga waxaana Rajeynayaa in Ordogan oo marka uu yimaado Beri uu kordhiyo Mashaariic kale oo uu dalka ka higeliyo” sidaa waxaa yiri Xasan Jaamac oo aad ula dhacsan wax qabad Dalka Trkiga.
image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.