Home » Warar »

CUMAR CABDIRASHIIDOW XALAAL BARQAA LA QASHAA !!

Soomaalidu waxay tiraahdaa “GURBAAN MAXAA HABEENKII LOO TUMAA HADDII AYSAN LAQDABO KU JIRIN” , marka aan sidaa leeyahaay dadka Soomaaliyeed waxay la yaaban yihiin Labadii Gole Wasiir ee ay kala soo magacaabeen Cadbiweli Shiikh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarka lagu dhawaaqey Waqti Ummada Soomaaliyeed ay Hurdaan oo cid soo jeeda aaney jirin marka waxaana ku tilmaami karaa Wax Cusub oo ku soo kordhey Siyaasada Somaaliya waayo ma waxaa Fursad loo waayey in Maalin Cad oo Ummada Soo jeeda lagu Dhawaaqo Golaha Wasiirada

Weli aduunka kama dhicin Waqti ay Ummadooda Hurdaan lagu dhawaaqo Gole Wasiir ama la qabto Barnaamij Siyaasaded marka Cabdi weli iyo Cumar Cabdirashiid waxaan dhihi karaa waxay Dhigeen Rikoor Siyaasdeed oo Caalamka Horey uga dhicin Xaqiiqdii Golihii Wasiirada ee uu Dhawaan uu la laabtey Cumar Cabdirashiid waxaan maqley aniga oo saaran Gaari kuwa Dadweynaha oo dadka Gaarigaas saaran ay ku murmayaan Hebel baa wasiir laga dhigey iyo hebel Baa Wasiir waayey inta yaaban ayaa nin odey ah oo agteyda Fadhiyey weydiiyey Su’aal ahayd “ Adeer ma saakay ayaa Wasiiradii ina Cabdirashiid lagu dhawaaqey “ inta i soo fiiriyey ayuu yiri. “ Adeer saakey laguma dhawaaqin ee Xal Waqti dambe ayaa lagu dhawaaqey oo Cid soo jeedaa aaney jirin’ inta yaaban ayaa hoosta ka iri “ Walee Gole Wasiiro oo waqti dadka ay hurdaan lagu dhawaaqo kama marna Khilaaf

Aan dib u qoorasano Golahii Wasiirada ee uu Ra’iisull Wasaarihii hore Cabdiweli Shiikh Axmed waxaa la isla gaarey Waqti dambe iyadoo la isku dhagan yahay oo la iska Daba jiitamayo oo la leeyahay kan tir kan ku dar ,Cabdiweli oo ay ka muuqato Dhafar iyo Diif ayuu ku dhawaaqey Golihiisa Wasiirada markaas ayaa waxaa weydiiyey nin odey ah oo la socda Siyaasada Soomaaliya waxaa uu yiri” In Xili Dambe la isla gaaro waxay ku tusineysaa in aysan marnaba meesha ka marneyn Khilaafka Madaxda Dowladda waayo haddii heshiis lagu yahay Magacaabista Golaha Wasiirada waxaa lagu Dhaqaaqi karaa Maalin cad marka Magaacbista Waqtiga habeenkii waliba saqde Dhexe waxay Calaamad u tahay Khilaaf weyn oo jira Marka Khilaafkii Dhex marey Xasan Shiikh iyo Cabdiweli Shiikh Axmed waxaa uu bilowdey Habeenkaas “ waxaa uu intaas ku darey

“ Markii aan maqley in Goilihii Wasiirada ee Xukumada Cumar Cabdirashiid in lagu dhawaaqey SIdeed Saac Habeenimo waxaa Durbadiiba ii soo, baxay in Khilaaf uu jiro sidaa darteed maba sii dheeraan oo Afar beri ma sii jirn Xukuumadiisa,ka dib markii cumar Cabdirashiid uu ogaadey in aysan Xukuumadiisa Dhaafi Karin Baarlamaanka sidoo kale waxaa qabaa in uu Culeyska ka yimid Shacabka iyo Beesha Caalamka ay arrintaas ugu wacneyd ,waxaan aaminsanahy in Haddii Cumar Cabdirashiid uu Golahaas magacaabi lahaa Maalin cad in ay Xukuumadiisu gudbi lahayd marka waxaan leeyahay Cumar Cabdirashiid haddii aad dooneyso in Xukuumadaada meel marto ha ku dhawaaqin waqti ay dadka Hurdaan”

Mid ka mid ah Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabey Cumar Cabdirashiid ayaa mar aan wax ka weydiiyey sida uu arko kala dirista Cumar Cabdirashiid uu kala direy Golahiisa Wasiirada ayaa yiri” Saaxiib ma kala jecli hadii aan waayo mida soo socota waxaan kuu sheegeyaa in taariikhda ama CV-ga ii gashey in aan noqdey Wasiir” waxaan u sii daba dhigey “ Ma afar maalmood miyaa Wasiir lagu noqdaa “ waxaa uu yii “ Saacad ayaa wasiir lagu noqon karaa marka saaxiib Taariikda ha iga haleyn waayo waxaan dadka u sheegayaa in aan mar Wasiir ka soo noqdey Xukuumadii Cumar Cabdirashiid ee la kala direy marka waa taariikh Dhaxal gal ah “

“Cumar Cabdirashiid Waa Siyaasi Siyaasi dhaley marka waan ognahay in Caqabadi kaa haysato Dhinaca Baarlamaanka oo ka dhigtey Golaha Xukuumada Maqaayad iyaga iska leeyahy Waxaa mararka qaar aan la yaabaa Dhacdooyin ka dhacay Baarlamaanka Gudihiisa oo Xitaa uu raali ku noqdey Gudoomiye Jawaari oo ah Xubin Baarlamaan marka uu helo meel ka dhaadhac ka wanaagsan Golaha Baarlamaanka u Booskiisii uu sii yaho Wiilkiisa ama Walaakiis marka Cumarow in aad Qoorta ugu Jirto Xildhibaanada Noocaas ah oo aan marnaba wax u ogoleyn Dadkooda in ay adkaan doonto in Xukuumadaada ay sii jirto sidaa darteed waxaa kuu furan laba midood in aad sida ay yihiin ula dhaqanto ama aad isaga tagto “ sidaa waxaa yiri nin Odey ah oo aad uga soo horjeeda Dhaqamada Xildhiaanada

Isku soo duuboo waxaan sugnaaba waa Golaha Wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabi doono Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, haddii Golaha Wasiirada uu Cumar uu ku dhawaaqo Waqti habeen ama fiid ha noqoto ama Saq dhexe waxaa uu shacabka hoosta ka Xariiqayaa in uu weli jiro Khilaaf, Hadii uu Cumar uu ku dhawaaqo Maalin cad oo ay dadka indhihiisu Shanta yihiin waxaa Dhici kara in Xukuumadiisu ay ka badbaado Khilaaf marka waxaan ku soo Gunaanadayaa Murtidii ahayd “ XALAAL BARQAA LA QASHAA “
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.