Home » Warar »

Munaasabad lagu Daahfurayey Urur loogu Magacdarey Dib u Dhiska Soomaaliya (SRO ) oo lagu qabtey Muqdisho.

Waxaa Hotelk Maka Al-Mukarama lagu qabtey Munaasabad lagu Daahfurayey Ururka Dib u dhiska Soomaaliya (Somali Rebuilding Organization marka la soo Gaabiyo loo yaqaan (SRO), Ururkaas oo hore looga furey Magaalada Minneapolis ee Cariga Mareykanka ayaa waxaa ka qayb galey Xildhibaano, Siiyaasiyiin, Ganacsato, Aqoonyahano,Dhalinyaro, Haween, Waxgarada, Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Madaxda Ururka iyo Marti Sharaf kale.

Cumar Yuusuf Nuur oo ah Gudoomiyaha Ururka Dib u dhiska Soomaaliya SRO ayaa waxa sheegay asbaabta loo unkay Ururkaan inuu yahay sidii wax badan loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dhinaca dib u dhiska isagoo sheegey in ,qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ahna u furan yahay ka qayb qaadashadiisa waxaan uu sii raaciyey “ Muddo 23 sano ayaa ku jirney Burbur marka waxaan dooneynaa in aan ka qayb qaadano Dib u dhiska Dalka isla markaana waxaan Xafiisyo ka furan doonaa dhamaan Gobolada Soomaaliya ”

Mudane Cumar Yuusuf waxaa uu sheegey in ururka uu wax ka qabanayo arrimaha Waxbarashada gaar ahaan ku dhiira gelinta dhalinyarada dhinaca waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha , Adeegayada kale ee Bulshada wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay iyaga wax qabsadaan oo aysan u indha taagin Gacan shisheeye

Xubnihi kale ee halkaa ka hadley waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee Mamu;ka Goblka Banaadir Maxamed Amiin Shiikh Cilmi oo sheegey in Maamul ahaan ay soo dhaweynyaan ururka Dib u dhiska Soomaaliya sidoo kale waxaa uu ku booriyey Masuuliyiinta ururkaan in ay Xooga saaraan Baahida Bulshada gaar ahaan adeegyada Bulshada maadama adeegyadaas Xiligaan ay yihiin kuwa Gaabis ah

Munasabadaas lagu Daahfurayey Ururka Dib u dhiska Soomaaliya (SRO) ayaa waxaa kaloo ka Hadley Agaasimaha Rugta Ganacsaiga Soomaaliya Cabdi Abshir Dhoore waxaa uu sheegey in Rug ahaan ay Gacmo furan ku soo dhaweynayaan Ururkaan hase yeeshee waxaa uu Xubnaha ururka uga digey in ururka laga dareemo wax uu ugu yeerey Qabiil ama Ururka reer leeyahay sidoo kale waxa uu u soo jeediyey in ay Daraasad ku sameeyan baahida Bulshada ee ay qabaan .

Xasan Axmed Sadiiq oo ku hadlayey Magaca Bulshda Rayidka ayaa waxaa uu sheegey in ay si weyn u soo dhaweynayaan Ururka Dib dhiska Soomaaliya isagoo ku tilmaamey Uurrkaan mid ka qayb qaadanaya ama Daboolaya Baahida Bulshada Somaaliyeed oo uu sheeey in ay Muddo dheer ku soo jireen Burbur iyo Dagaalo Sokeeye , wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Qaybaheeda kala duwan in ay is garab taagaan Ururkaas .

Sidoo Kale Waxaa Kulankaas ka Hadley Gudoomiyaha ururka Awoodsiinta Naaafada Soomaaliyeed Maxamed Cali Faarax oo sheegey in si diiran u soo dhaweynayaan Ururka Dib u dhiska Somaaliya madaama uu yahay ururka Gacan ka geysnaya Caawinta Dadka Naafada ah oo uu sheegey in ay qabaan dhibaatooyin fara badan

“Dhismaha Ururkaan waxaa uu ku soo beegmey Xili loo baahnaa waayo Ummada Waqtigaan waxay u baahan tahay Dib u dhis” ayuu yiri Shiikh Cali Wajiis oo sheegey in Dhinacooda ay ka qayb qaadanayaan wixii Qaaraan ah uu u baahan yahay Ururka sidoo kale waxaa u soo jeediyey Qaybaha kale duwan ee Bulshda in ay ka qayb qaataan Ururkaas oo uu sheegey in ay Hogaaminayaan Dad Bulshada Dhexdeeda ku leh Sumcad iyo Sharaf image

Ugaas Bile oo isna halkaas ka Hadley ayaa sheegey in aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qayb galo urur ka qayb qaadanayo Dib u dhiska Soomaaliya wuxuuna intaa raaciyey “ Waxaan Muddo joogey Maamulka Soomaaliland dadkaas waa dad isku tashadey oo in badan ka maarmey Kaalmo Shisheeye marka waxaa leeyahay Ururka Dib u dhiska Soomaalya in uu Bulshada u horseedo sidii ay u iloobi lahaayeen Gacan Shisheeye “

Ugu Dambeyntii waxaa Kulankas ka Hadley Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa waxaa uu sheegey in Ururkaan Madaxda Hogaamineysa ay yihiin kuwa uu yaqaan islamarakaana ah dad ka soo bixi kara Howshaas, sidoo kale waxaa sheegey in ay yihiin kuwa Wadaniyiiin oo si weyn uga damqadeyDhibataada haysata ummada Soomaaliyeed , wuxuuna u soo jeediyey Ummada Soomaalieed in ay garab istaagaan Ururkaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.