Home » Warar »

Xaggee ku dambeeyay Go’aankii Golaha Wasiirada ee Badda Soomaaliya iyo Law no 37

Golahii wasiirada ee xukuumaddii ka horey tan hadda ka jirta Soomaaliya ayaa go’aan taariikhi ah kasoo saaray xeerka badda Soomaaliya oo ay ku adkaynayaan sida ay u aqoonsan yihiin sharciga Law no. 37.

Laakiin dacwadda ay DFS u gudbisey Hague ee muranka gelineysa badda Soomaaliya ayaan lagu xusin go’aankaas. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah go’aankaas maxay ka rumaysan yihiin dawladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Xasan iyo ra’iisal wasaare Cabdiwali.

Go’aankaas hoos ka akhri

****

Go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee ku aadan dhererka xadka badda Soomaaliya

June 6, 2013 – Golaha Wasiiradu waxay shirkoodii todobaadlaha ahaa ee maanta ka soo sareen go’aamada hoos ku xusan ee la xiriira arrimaha badda Soomaaliya:-

1. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayana magaalada Nairobi Kenya ku saxiiiseen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).

2. Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 ee ay ku cadeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin ka dib markii Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka uu diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.

3. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.

4. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.

5. Dhanka kale dawladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay ka go’antahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee soo jireenka ahaa. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labda dawladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Phone: +252 (0) 616 44 00 28

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.