Home » Warar »

Ambasadoor Cabdiraxmaan Diinaari “Dadka ku nool Gobolada Dhexe waxaan u hayaa oo Deeq Caddaalad haddii ay i doortaan”

“Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ii sheegey in hadii Xal loo helo Gobolada Dhexe Xal loo helyo Dalka oo dhan”

Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ( Diinaari) oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweyninimo ee Maamulka loo sameynayo Gobolada dhexe oo u waramayey Warbaahinta qaar ayaa ugu horeyn waxaa la weydiiyey sababta ku kaliftey in uu u Tartamo Xilkaas ? wuxuuna ku jawaabey “Muddo Afar ilaa Shan sanno ah ayaa waxaa ku jirey arrimaha Dibolomaasiyada islamarkaana aan ku shaqeynayey si Mutadawacnimo, sidaa darteed waxaan Goostey in aan iyana si Matadawacnimo aan ugu adeego dadka degan Deegaanka aan ka soo jeedo ee Gobolada Dhexe maadaama ay ka hareen marka la fiiriyo Dhinaca Horumarka iyo dib u dhiska Maamulada kale ee Dalka.”

Waxaa kaloo la weydiiyey marka hore ma ka fekertey in inta aadan Musharax noqon Dhiibaatooyinka ka jira Gobolada Dhexe? wuxuuna ku jawaabey “ Dabcan hadaan ka Fekerin Musharax ma noqdeen waxaan aaminsanahay in Waaya-ragnimadeyda aan ka bartey in marka dadka aad u Cadaalad fasho aad ka heleysid Taageero, waayo meelo badan oo aan ka soo shaqeeyey markii aad cadaalad sameysid Bulshada taageero ayaad ka heleysaa sidaa darteed dadka waxay u baahan yihin Hogaan Daacad ah “

Ambasadoor Diinaari mar wax laga weydiiyey Dhibaatooyinka ka jira Gobolda Dhexe sida Colaadaha iyo Abaaraha soo noq noqda wuxuu yiri “ Marka hore Abaarta Allaa wada hase yeeshee Colaadaha mar waliba ka dhaca Gobolada Dhexe waxaa keeney marka hore Dowladihii soo marey dalka ayaa Gobolkaan Dayacay , waxaan aaminsanahay Labadaan Gobol in ay yihiin kuwa Qani oo ay ku jiraan Macaadiin, Shidaal, Beero , Xoolo iyo Kaluumeysi isagoo leh Khayraadkaas ayaa si aad ah loo dayacay Gobolka ma laha Wadooyin , Isbitaalo, Dugsiyo iyo adeegyada kale Bulshada, waxaan isleeyahay in Maamul Goboleedyada ay keenayaan in Gobolada ay tashadaan islamarkaan dadka u dhashey ay wax u qabtaan ”

Waxaa la weydiiyey Su’aal ahayd marka Mudug la maqlo waxaa kuugu soo dhacaya in ay tahay Xudunta Colaada Soomaaliya marka reer Mudug ma tashan karaan? waxaa uu ku jawaabey “ waxaan aaaminsanahay in dadka ku nool Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay yihiin dad firficoon, mar aniga oo Wariye ah aan wareystey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu igu yiri ” waxaan hubaa in hadii dadka degen Mudug iyo Galgaduud ay heshiiyaan ay sidaas oo kale Xaalada Soomaaliya wax badan ay ka hagaagayaan marka dadka wax kiciya waa Cadaalodarada sidaa darteed dadkaas hadii ay helaan Hogaan u Cadaalad fala waxaan rumeysanahay in ay wax badan qabsan karaan”image

Waxaa la weydiiyey Su’aal ahayd qof keligiis iskama socda qof buu ku tiirsan yahay ha noqoto Wadamada reer Galbeedka, Mareykanka, qof baa dalalka deriska ku tiirsan marka Cabdiraxmaan Diinaari yaa dabadda ka riixaya? waxaa uu ku jawaabey isaga oo Dhoola Cadeynaya “Waxaa kuu sheegayaa in Shacabka ku nool Goboladaas ay i riixayaan, waxaana doonayaa in aan Xiriir wanaagsan la yeesho Beesha Caalamka iyo Dalaka Deriska la ah Soomaaliya marka Cid i wadato ma jirto laakiin dadka la wato waa kuwa Lacagaha faraha badan daadinayaa ama qubaya hase yeeshee lacagta aan aniga ku tala galayo waa lacag ka timid dadka Shacabka, aniga Hay’ad kuma xirni , Urur diini ah kama Xirni dalka kalena kuma xirni “
image
Waxaa la weydiiyey aragtidiisa ku aadan Halka Shirka lagu qabanayo maadaama ay jiraan Is jiid jiid ku aadan halka Gogosha la dhigayo? wuxuuna ku jawaabey “ Meesha lagu qabanayo dadka ku nool Gobolada dhexe ayey ka go’daa, waxaase Muhiim ah oo aan doonayaa in aan ka dhawaajiyo dadka ku nool Mudug iyo Galgaduud Colaad baa dhex martey marka waxaan soo jeedinayaa in marka hore dadkaas loo qabto Gogol Dib u heshiisiineed waxaana arrintaan qaba Beelo fara badan oo ku nool Goboladaas , sababtuna waxaa weeye dadka waa dirireen oo hadda ayaa Colaad jirtaa marka waa in marka hore dadkaas loo qabto Shir dib u heshisiineed markii la heshiisiiyo ayaa dadku go’aaminayaan halka lagu qabanayo shirka ama halka laga dhigayo Caasimadda, sidoo kale waxaa soo jeedinyaa in la isku tanaasulo taas ayaana lagu dhisi karaa Maamul loo dhan yahay

Wareysiga waxaa igu wehliyey
Idaacadaha Goob-Joog iyo Bar-Kulan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.