Home » Faallo »

“Waa in Safaaradda Itoobiya laga raro Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya, si looga hortago Khilaafka madaxda…”

Sidaas waxaa yiri Xog-ogaal, oo intaas raaciyey waa in Domain-ka .So xaruntiisa laga soo raro Japan…

Cumar Cabdirshiid waa ra’iisul wasaarahii saddexaad ee ay yeelato Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan, taas oo labadii ra’iisul wasaare ee ka horeeyey ay xil ka qaadistooda u sabab ahaayeen khilaaf.

Sidoo kale, markii uu iska casilayay xukuumadii hore DFKMG ee Sh. Shariif, waxaa Cumar Cabirashiid Sept 21, 2010 uu yiri “Waxaan isku casiley in aan badbaadiyo Dowladda Federaalka waayo haddii sii socon lahaa khilaafkeenna waxaa dhici lahayd in beesha Caalmka naga duub duubato oo faraha naga qaado”.

Cumar Cabdirashiid ayaa waraysigii ugu horeeyey ee uu bixiyey, kaddib markii mar-labaad loo magacaabay ra’iisul wasaare, waxa uu yiri “Wax Khilaaf ah ma Dhici doono”, waraysigaas oo December 25, 2014 uu siiyey VOA.

Sidoo kale December 24, 2014 kaddib markii ay baarlamaanku ansixiyeen, warsaxaafadeedkii ugu horeeyey ee kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha waxaa lagu xusay in Cumar C/Rashiid “xukuumadiisu noqon doonto mid ay kala dhaxayso wada shaqayn dhamaan Hay’adaha dowaldda, si loo helo xasilooni siyaasadeed.”

khilaafSidoo kale isla goobtii ansixinta waxaa Madaxweynaha DFS uu sheegay “in uu balan qaadayo inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto isaga iyo Ra’iisul wasaaraha tixgalina uu sii doono go’aamada golaha wasiirada isagoona sheegay inuu ku difaacayo sarreynta sharciga.”

Arrimahaas iyo taariikhda taxanaha ah ee xukuumadihii soo maray Muqdisho kaddib 1991, waxay muujinaysaa in xukuumadda cusub maanka ku hayso in khilaafka madaxda sare ay ragaadiyeen horumarkii la gaari lahaa.

In badan oo Soomaali ah ayaa rumaysan in khilaafka madaxda Soomaaliyeed ay gacan toos ah iyo mid dadban ay ku leeyihiinn dalalka deriska qaarkood oo sida ay hore u shaaciyeen aan doonayn dawlad xoog leh oo ka hana qaada Soomaaliya.

Tusaale kooban waxaa ah hadalkii 2003 ee madaxweynahii hore ee Kenya, Moi ee ahaa “dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka cabsi qabeen Soomaaliya oo dib-u-midowda oo barwaaqo ah ay dib u soo noolayn karto sheegashadoodii dhulka.”

Sidoo kale waxaa ku qeexan qoraalkii ka soobaxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya qodobka “Jihada Siyaasadda Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya” waxaa ku qoran “…nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya..”

Arrimahaas oo jira, ka warran haddii safaarada Itoobiya ku dhex taal gudaha Villa Soomaaliya oo ah meesha looga arrimiyo Soomaaliya, sidaas waxaa yiri xog-ogaal weydiistey in aan magaciisa la xusin, waxana uu intaas raaciyay:

“Safaarada Itoobiya waxay ku jirtaa Xeendaabka Xarunta Madaxtooyada, waxaa ka soo horjeeda Guriga Ra’iisul Wasaaraha, waxayna dhinaca ku haysaa Xarunta Nabadsugidda/sir-doonka Soomaaliya, waxaa Dhabarka dambe kaga dhegen wasaarada warfaafinta, Xafiiska Madaxweynaha waxaay u jirtaa Kun talaabo.”

“Waxaay safaarada Itoobiya noqatey meel ay Qiyilaad u tagaan qaar kamid ah Xildhibaanada, wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada, taas oo ka dhigaysa in safaaradaasi si toos ah ula socoto Sirta Dowladda Soomaaliya oo dhan welibana ah.”

Xog-ogaalka ayaa intaas raaciyey “in raga Itoobiyaan ay ku milmeen Nabadsugida Soomaaliya ama sir-doonka Qaranka”

“Halkaas ay Safaarada Itoobiya ku taal waa halkii laga xukamayey Dalka Soomaaliya, safaaradaha kale waa ay ka fogyiin Xarunta Madaxtooyada, tusaale Safaarada Turkiga oo ah dal Soomaalida saaxiib lah waxay ku taal lambar Afar.”

“Waagii Dowladii Maxamed Siyaad waxaa ay la socon jirtey Dhaqdhaqaaqa Safaarada dalka ku yaal, oo waxaa loo xil saarey nabadsugid la socda. Hadda haddii Xildhibaankeenii ama masuuliyiin xilal haya halkaas ku soo qayilayaan oo Safiirka ama shaqaalaha safaaradaas looga sheekeynayo arrimaha Soomaaliya maxaa dalka u qorsoon, khilaafse maka dhammaanaysaa dawladda dhexdeeda?”

“Waa in Safaaradda Itoobiya laga raro Gudaha Villa Somalia, si looga hortago Khilaafka madaxda Soomaaliyeed… waana in Domain-ka .So xaruntiisa laga soo raro Japan…”

“Marka haddii la doonayo in laga hortago khilaaf kale oo soo kala dhexgala madaxweynaha iyo ra’iisull wasaaraha, waa in dawladdu ay safaaradda Itoobiya ka dhex saarto madaxtooyada dalka looga arrimiyo,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray:

“Dhanka kale sirta dawladda Soomaaliya qaybta elektoonigu gacanta uguma jirto laga so bilaabo 2011, waayo Domain-ka Soomaaliya (.SO) ee ah kan emailadiisa ay dawladdu isticmaasho waxaa xarun u ah shirkad ajnabi ah oo xarunteedu tahay Japan. Taas oo marka laga soo tago ayadoo aan la aqoon meesha ay marto kharashka websiteyada tirada badan ee laga kiraystay, iyo ayadoo ciddii doontaa ay ka furan karto websiteyo anshax xun, waxaa dheer in xogta la marsiiyo .SO (sida emailada dawladda ee lingaxoodu yahay .GOV.SO) aysan ku kaydsanayn serverro yaal Xamar ee ay ku kaydsamayaan Japan,” ayuu yiri.

Aamin darrada shacabka Soomaaliyeed ka qabo safaaradda Itoobiya ee ku dhextaal madaxtooyada, waxaa kale oo walaac ka muujiyey siyaasi aanaan ogolaansho u haysan in aan magaciisa xusno, kaas oo markii uu soo shaac baxay khilaafkii ra’iisul wasaare C/weli iyo madaxweynaha, waxaa SomaliTalk weydiisey ka warran haddii ra’iisul wasaare laguu magacaabo, waxa uu ku jawaabay “Xasan Shiikh waa is-naqaan, oo iima magacaabayo ra’iisul wasaare inta safaaradda Itoobiya ku sugan tahay gudaha Villa Soomaaliya, aniguna ma aqbaleen magacaabistaas,” ayuu yiri.

vsom

Safaaradda Itoobiya waxaa Muqdisho laga furay bishii May ee 2007, xilligii marxuum Cabdullaahi Yuusuf (AHN) ahaa madaxweynaha.

29may9
Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar: May 27, 2007 … DAAWO SAWIRRADA

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.