Home » Warar »

Hey’adda aqoonyahanada beeraleyda Soomaaliyeed (SATG) oo bandhig u sameystey beeraleyda Shabeelaha hoose

Xarunta cilmi baarista ee hey’ada aqoonyahanada beeraleyda Soomaaliyeed (SATG) oo ay ku leedahay degmada Afgooye ayaa lagu qabtey bandhig beereed oo socon doonaa muddo laba todobaad ah.

Furitaanka bandhigaasi waxaa lagu casumey madaxda wasaaradda beeraha oo uu hogaaminaayey mudane Cabdi Baffo wasiirka beeraha iyo wasiir kuxigeenkiisa iyo qaar ka mid ah howlwadeenada wasaaradda.

Waxaa sidoo kale bandhig beereedka ka soo qeyb galey maamulka iyo odoyaasha degmada Afgooye, beeraleyda wax ka tabcata degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda, madaxda iyo ardayda wax ka barata kulliyada beeraha ee jaamacada banaadir.

Bandhigan ee loo sameenaayeen beeraleyda, ulajeedadiisu wuxuu ahaa in beeraleyda la tuso hab casriyreedka loo tacbado beerha. Dalagyada loo bandhigey waxaa ka mid ahaa galeyda, cowska (Calafka xoolaha), digirada iyo sisinta.

Sidoo kale waxaa beeraleyda lagu tababarey sida loo isticmaalo nafaqooyinka beeraha, isticmaalka sumanka kala duuban ee beeralah iyo habka waraabinta ugu fiican.

Barnaamijkan ayaa waxaa laga hirgelinayaa degmooyink kala duuban oo ka mid ah Afgooye, Aw-dhegle iyo Balcad iyo nawaaxigooda. Wuxuuna bilowdey xilligii gu’a ee la soo dhaafey waxaana ka faa’iideystey beeraley oo tacabkooda beeraha kore u soo qaadey. Beeraleyda ka qey galey barnaamijkan ayaa sheegey in gu’ii hore uu sare u kacey badarka ay ka heleen beerihii ay tacbadeen. Wuxuuna gaarey seddex jibaar intii ay hore u heli jireen.

Hey’ada SATG ayadoo lakaashaneyso wasaaradda beeraha iyo hey’adaha ku howlan horumarinta beeraha dalaka, waxey ku talo jirtaa in habkan cusub ay ku baahiso dhamaan gobolada dalka si loo gaaro isku filaansho xagga cuntada ee dalka Somaliya.

Halkan ka daawo barnaamijka barnaamijka bandhiga:

Waxaa soo tebiyey Saalim Xaaji

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.