Home » Faallo »

Summadaha Siyaasiga – WQ. Xiddig

xiddigQore: Abdirahman Maxammed (Xiddig)

Xiddig@gmail.com

“Maasha’allah, masaajidkan oo kale masaajid la mid ah weligey ma arkin. Waa in aan hadda ka dib ka mid noqdaa dadka ku xiran ee ku tukada masaajidka”, ayuu ku yiri gacan-yarihiisii Colaad oo garab socdey.

Magaciisa waxaa la yiraahda Burhaan. Waa markii ugu horeysey oo uu soo galo masjidka. Dadka ku tukanayey masjidka badidooda wey garanayeen isaga. Oo wejigiisa dadka kuma cusbeyn. Waa siyaasi ruug caddaa ah. Waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtey dawladihii soo marey dalka, haddana waxaa soo dhow doorashadii madaxweyna-nimada oo waxa uu raajicinayaa madaxweyne in uu ka noqdo dalka. Waxa uu ku jiraa ololaha doorashada madaxweyno-nimo.

“Sidan oo kale masaajidka haddii aan u imaanno, waxaan heleynaa dadka taageeradooda,” ayuu yiri Colaad. Soomaalida xagga diinta iyo culummada haddii laga soo galo qalbigooda waan kasban karnaa.”

Burhaan waxa uu fiirshey gacan-yarihiisii Colaad. Waana uu dhoolacadeeyey.

“Adigu hadda ayaad ila fahantey shaxda iyo sheekada aan damacsanahay”, ayuu yiri Burhaan. “Aniguse taladan mar hore ayaan indha-indheeyey. Waa wadada keliya oo aan ku gaari karno ujeedkeena sababta oo ah wadaadada awood ayeey ku dhex leeyihiin bulshada dhexdeeda. Si fudud ayaana loo heli karaa kalsoonidooda iyo taageeradooda. Waxaa nugu filan oo keliya in aan ka ak dhawaano iyaga.”

Burhaan dhowr usbuuc ayuu masaajidka ku soo tukanayey. Waxa ay is barteen in badan oo ka mid ah dadka masaajidka ku xiran, kuna tukada. Waxa ay is barteen wadaadada intooda badan. Ilaa qaarkood saaxiibo hoose uu la sii noqdey. Oo xiriir gaar ah uu la sii yeeshey.

Habeenkii dambe ayuu Burhaan waxa uu u sameeyey casho sharaf dhammaan wadaadadii iyo raggii ku xirnaa masaajidka. Wey wada yimaadeen iyaga oo aan cidina ka maqneyn.

Burhaan gacan-yarihiisii Colaad ayuu si hoose ula faqey intii la cashaynayey. “Inta aan cashada ku jirno, dhowr sawir naga qaad si aan website-ka u gashano, oo hadhow ayidaad ay noogu noqdaan” ayuuna ku yiri.

Colaad kaamiradiisa ayuu la soo baxey. Ka dibna waxa uu bilaabey in uu sawiro ka qaado Burhaan iyo wadaadada oo wada cashaynaya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay sida aad iiga aqbasheen codsigayga,” ayuu ku yiri Burhaan wadaadadii. “Waxaan jeclahay in aan idin la socodsiiyo hadafkeyga siyaasadeed sababta oo ah haddii aan xiriir fiican la yeesho culummadayda, waxaan xiriir fiican la yeelanayaa bulshada oo dhan. Sidoo kale, waad ogtihiin anigu in aan ka mid ahay xerta masaajidka. Waxaan kaloo siyaasadda u galayaa si loo ogaado in ay wadaadadu ama ehlu diinku siyaasadda geli karaan. Waxaana balan ah in aan shareecada Islaamka ku xukumo dalka haddii aan ku guuleysto doorashada. Sidoo kale, waxaan dooranayaa rag culummada ka mid ah in ay la taliyayaal ii noqdaan.”

Culummadii aad bey ugu riyaaqeen hadalkii Burhaan. Waxa ayna u sheegeen in ay taageersanyihiin, guulna wey u rajeeyeen. Waxa ayna uga mahad celiyeen cashadii uu u sameeyey iyaga.

“Caawa hadafkeenii waan gaarney,” ayuu Burhaan ku yiri gacan-yarihiisii Colaad markii ay soo baxeen. “Wadaadadu gacanta ayeey noogu jiraan. Oo barnaamijkeenii waan ka gadney.”

“Wax badan baan fursaddan oo kale raadinayney. Wadaadadu waa dadka ugu fudud ee aad barnaamijkaaga ka gadi kartid sababta oo ah waa dad daacad ah oo wax walba “haa” ku dhahaya.”

Maalintii xigtey, Burhaan waxa uu qado sharaf u sameeyey odayaashii reerkii uu ka dhashey. Odayaashii oo dhan baa u yimid.

“Maanta aniga ayaa halkan idinku casuumey,” ayuu yiri Burhaan isaga oo hadalka ku taak-taaksanaya. “Wax badan baa rabey casumaadan oo kale in aan idiin sameeyo. Balse wakhtiga ayaa ii saamixi waayey. Waxaan idiin sheegayaa in aan jagada madaxweyno-nimo ee dalka aan isku soo sharaxayo. Marka hore, waxaan u baahnahay ducadiina iyo taakuleyntiina. Marka labaad, hawlaha ugu waaweyn ee aan u galayo siyaasadda waxaa ka mid ah in aan magac iyo maamuus u soo hoyo reerka sababta oo ah cidina siyaasadda nooguma jirto. Marka saddexaad, waa in wax nalaga weydiiyo arrimaha dalka. Waa in talada dalka aan wax ku lahaano. Waa in aan marwalba ka muuqano jagooyinka muhiimka ah. Waa in aan cadkeena goosano oo naloo arko dad wax ah. Waa in codkeena la maqlo oo nala qadariyo.”

Burhaan waxa uu u jeediyey odayaashii khudbad kulul oo xamaasad xambaarsan. Waxa uu khudbaddiisii dhameystey isaga oo indhuhu ay casaadeen. Waxa wejigiisa ka da’ayey dhibco waaweyn oo dhidid ah. Waa uu qiireysnaa oo caro iyo ciilbaa wejigiisii qariyey. Murugo nin ay dabooshey ayuu u ekaa.

Isla markiiba, waxaa istaagey oo makarafoonka qabsadey Duq-Jamaal oo aad u xamaasadaysan, lana dhacsan hadalkii uu yiri Burhaan.

“Allaha kheyr iyo wanaag ha ku siiyo,” ayuu yiri Duq-Jamaal. “Allaah adduun iyo aakhiraba ha kugu guuleeysiiyo. Annaga waad ogtahay oo aqoon-yahankeena ayaad tahay. Waxaan kuu sheegeynaa haddii reerku heli lahaayeen toban adiga oo kale ah, Soomaali oo dhan waan qabsan lahayn. Sida aan u badannahay iyo sida aan u tayo yarnahay ismalahan. Annagu waa duqowney, idinka ayaa ah dhalinyaradii reerka. Idinka ayaa la rabaa in aad magaca iyo maamuuska reerka kor u qaadaan. Waxaad u fekereysaa sidii nin rag ah. Aabahaa ayaa xiniinyo lahaa oo halkaas ayaad ka keentey. Saaxiibo ayaan ahayn aabahaa oo waxa uu ahaa nin-nin dhaafey. Maalintii uu dhintey ninbaa naga baxey. Maalintaas reerka oo dhan baa baroordiiq galey. ”

Duq-Jamaal waxa uu u sheegey Burhaan in ay hiil iyo hooba diyaar u yihiin. Waxa uu ku booriyey dhammaan odayaashii ka soo qaybgaley shirka in ay ayidaan Burhaan si magaca reerka kor uu u noqdo.

Odayaashii si fiican bey u soo dhaweeyeen Burhaan. Wey wada sheekeysteen. Wey u duceeyeen. Waxa ayna u sheegeen Burhaan oo kale in aysan weligood arkin.

Iyada oo kulanku meel fiican marayo oo si fiican-na loo sheekeysanayo ayuu Colaad waxa uu la soo baxey kaamiradiisii si uu u qaado sawiro Burhaan iyo odayaasha oo wada qadaynaya.

Burhaan waxa uu arkey Colaad oo kaamiradii la dhex qaadey odayaashii.

Burhaan si degdeg ah ayuu u soo aadey halkii uu Colaad istaagsanaa.

“War Kaamirada naga dhig, gurigaa ba’yaye”, ayuu Burhaan ku yiri Colaad. “Kulankan oo kale sawiro lama qaado. Waa kulan gaar ah, oo odayaasha reerka ayaan ugu talagalney. Siyaasadda oo dhanbaa naga fashilmeyso haddii aan shaac bixino annaga oo la kulmeyno odayaasha reerka. Dadka oo dhanbaa naga aamin baxaya. Marka kulankan waa kulan albaabada ay u xiranyihiin.”

Colaad si deg deg ah ayuu u dhigey kaamiradii. Sidoo kalena, waxa uu si deg deg ah u tirtirey sawiradii uu qaadey oo dhan.

Dhamaadkii kulanka, Burhaan odayaashii madasha yimid waxa uu ka safey bashqado. Bashqadaha waxaa ku jirtey lacago gacan maris ah.

“Wallaahi odayaashii iyo wadaadadii waan ku guuleysaney,” ayuu Burhaan ku yiri gacan-yarihiisiiColaad isaga oo muusoonaya. “Balse ma dhawin weli dad badan baa noo sii dhiman.”

Subixii dambe, Burhaan iyo gacan-yarihiisii Colaad waxa ay soo fadhiisteen maqaaxi lugu shaaheeyo. Waxa ay si qoto dheer leh uga fekereen, una falanqeeyeen sidii ay bulshada ku kasban lahaayeen si danahooda siyaasadeed ay u gaaraan.

“Waxaan balaminaynaa bulshada rayidka ah,” ayuu yiri Burhaan feker dheer ka dib. “Haddii aan bulshada rayidka ah gacanta ku dhigno waxaan hubnaa in aan meel fiican ka gaareeyno ololaha aan wadno.”

“Taladaas waa talo iga maqneyd,” ayuu yiri Colaad isaga oo la riyaaqsan fekerka uu soo jeediyey Burhaan. “Balse waa talo loo baahanyahay in aan ku tallaabsanno sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Burhaan waxa uu maalintii xigtey qado sharaf u sameeyey ururada bulshada rayidka ah. Waxa iskugu yimid dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ay ka koobanyihiin. Goobtu waxa ay ahayd hoolka shirarka ee hoteelka ugu weyn ee magaalada. Hoolku waxa u ahaa hool weyn oo dad badan ay fadhiisan karaan. Qaabka loo qurxixeyna waa qaab indhaha soo jiidanayey.

Burhaan waxa uu sidoo kale uu u yeerey saxaafadda. T.V.-yada iyo website-yada ugu waaweyn dalka ayuu casumey.

“Mudanayaal iyo marwooyin iyo saxaafadda sharafta leh waan idin salaamey. Waxaan idinku salaamey salaanta Islaamka ah, As Salaamu Calykum,” ayuu Burhaan si farxadi ay ku jirto ugu yiri dadweynihii dhageysanayey. “Aniga ayaa maanta idin casuumey. Waxaan rabey in aan si fiican isku baranno. Oo aan dadka iska sii baranno. Wax badan ayaan rabey in aan idin la kulmo, balse wakhtiga ayaa ii saamixi waayey.Anigu waxaan weligey ka mid ahaan jirey ururada bulshada rayidka ah. Haddana magaciina ayaan ku galayaa ololaha doorashada madaxweyno-nimo. Runtii, shaqada aad ku jirtaan waa shaqo adag. U adeega bulshada si loo helo cadaalad, sinnaan iyo kala dambeyn waa arin muqaddas ah. Hawshaas adag oo aad ku jirtaan aad baan idinkaga mahad celinayaa. Waana idinla garab galayaa arinkaas. Intaas ka dib, dadka ugu muhiimsan oo aan la tashanayo ayaad ka mid noqon doontaan haddii aan madaxweyne ka noqdo dalka. Go’aan walba oo aan qaadanayo haddii aan ku guuleysto doorashada madaxweyno-nimo qayb baad ka tihiin.”

Burhaan hadalkiisii markii uu dhamaystey, Farxaan oo ka mid ahaa hawlwadeenada ururada bulshada rayidka ah ayaa makarafoonka qabsadey.

Waxa uuna yiri, “aad baan kaaga mahad celinaynaa Burhaanow qadada aad noo sameysey. Waa runtaa waa in aan iska baranno dadka kale. Hadda ka dibna waan iskaga dhownahay dadka intooda kale. Hiil iyo hooba waan kula garab taagannahay. Annaga sida aad sheegtey waxaan u istaagsannahay cadaalad, sinnaan iyo kaladambeyn loo helo dhammaan dadka oo dhan. Waxaan u istaagsannahay dadka masaakiinta ah in aan la xaqirin oo aan xaqooda la duudsiin. Waxaan u istaagsannahay dadka laga badanyahay in aan u doodno. Annaga waan ognahay nin karti leh oo dadka la liido xaqooda siinayo in aad tahay. Annagu boqolkiiba boqol waan ku taageersannahay. Codkeenana waan ku siiney. Waan ognahay hormar iyo hanaan cusub in aad ku soo kordhinaysid dalka.”

Heshiis iyo afgarad ayuu ku dhamaadey kulankii Burhaan iyo ururada bulshada rayidka ah ay yeesheen. Waxa ayna u sheegeen in ay taageero maal, maskax iyo muruqba ay siinayaan Burhaan.

Burhaan waxa uu bilaabey in uu gacan qaado marti sharaftii ka soo qayb gashey kulanka. Waxa uu salaamayey raggii soo qaban-qaabiyey shirka. Saxaafaduna waxa ay marba dhinac kala dhacaysey sawirka. Sawirada waxa ay ku dhacayeen mar isaga oo istaagsan, mar isaga oo fadhiya, mar isaga oo hadlaya, iyo marar badan isaga oo qoslaya.

Burhaan iyo kalkaaliyihiisa Colaad waxa ay aad ula dhaceen qaabkii uu u dhacay shirkii ay la yeesheen ururada bulshada rayidka ah. Waxa ayna isku waafaqeen in uu guul ku dhamaadey.

Isla usbuucii, Burhaan waxa uu go’aansadey in uu la kulmo ururada haweenka ee magaalada ka dhisan si uu dar-dargaliyo ololihiisa siyaasadeed. Kulan weyn oo balaaran ayuu u qabtey dhamaan ururada haweenka. Waxa uuna ku qabtey hoteel qurux badan oo cusub oo mardhow laga furey magaalada. Hoteelka waxa uu leeyahay hool weyn oo dad badani ay fadhiisan karaan.

Mar labaad waxa uu balamiyey saxaafadda. Si gaar ah waxa uu balamiyey Website-yada iyo T.V.-yada ugu caansan magaalada.

Burhaan waxa uu kulan gooni ah la qaatey saxaafadda ka hor inta uusan shirka bilaabin.

“Waxaan rabaa shaqo shaqadii hore ka fiican in aad qabataan,” ayuu ku yiri Burhaan saxaafadda. “Sawiro badan baa rabaa in aad qaadaan markan. Muuqaalo qurux badan baan rabaa in aad duubtaan. Meel walba oo aan istaago in aad ila socotaan ayaan rabaa. Waxaan rabaa isla caawo in aad warbixin fiican ka qortaan oo la soo galiyo website-yada, lagana soo daayo T.V.-yada. Waa in aan adduunka oo dhan gaarsiino ololaheena siyaasadeed.”

Dhammaan saxaafaddii ka soo qayb gashey waxa ay u balan qaadeen in ay soo daynayaan, website-yada iyo T.V.-yadana ay galinayaan warbixinta shirka inta uusan shirka dhamaanba ka hor.

Ismahaan oo ka mid ahayd dadkii abaabulaysey shirka ayaa makarafoonka qaadatey si ay u soo dhaweyso Burhaan.

“Marwooyinka sharafta leh ee caawa iskugu yimaadey xafladan waxaan soo dhaweyneynaa musharax madaxweyne Burhaan. Burhaan waxa uu ka mid yahay ragga ugu cad-cad ee madaxweyno-nimada isku soo sharaxey. Waa nin hawlkar ah oo hadaf leh. Waa nin daacad ah oo aan ka daalin wax qabadka dadkiisa. Waa nin aqoonyahan ah oo aragti-dheer leh. Waa nin caqli iyo cilmi uu Alle siiyey. Waa nin qiimo iyo qadarin ku leh bulshada dhexdeeda. Waa nin yaqaana maamulka iyo maareynta. Waa nin yaqaana sharciga iyo kala dambaynta. Waa nin isaga oo kale aan la heli karin maanta. Fadlan ila soo dhaweeya musharax madaxweyne mudane Burhaan.”

Ismahaan intaas markii ay tiri, waxaa isqabsadey sacab iyo alalaas gees ka gees madashii oo dhan.

Waxaa kor loo qaadayey boorar ay ku xardhanyihiin, “Madaxweyne Burhaan,” “Madaxweynaha Dalka iyo Dadka,” “Madaxweyne Daacad ah,” “Madaxweyne u Roon Dumarka,” “Madaxweyne Isbadal Doon ah,” iyo halkudhigyo kaloo badan.

Isla markiiba waxaa soo istaagey Burhaan iyadoo weli loo sacabtumayo. Kaamirada waxa ay uga dhacaysey midig iyo bidix ilbiriqsi walba.

“Marwooyinka sharafta leh ee caawa iskugu yimaadey kulankan, marka hore waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u aqbasheen codsigayga,” ayuu yiri Burhaan. “Magacaygu waa Burhaan oo intiina badan waad I taqaanaan. Sababta aan idinkugu yeerey caawa waa in aan taageero hiil iyo hooba aan idinka helo. Aniga iyo ururada haweenka waxaan leenahay xiriir soo jireen ah oo wanaagsan. Waxaan ka mid ahaa dadkii marwalba garab istaagi jirey ururada haweenka ah oo difaaci jirey. Qorshahayga koowaad markii aan madaxweyno noqdana waa in aan dumarka xuquuqdooda oo buuxda aan siiyo. Waxaan kaloo idiin sheegayaa go’aan walba oo aan qaadanayo taladiisa in aad qayb ku lahaataan. Waxaan kaloo idiin sheegayaa dumarku in ay u badnaan doonaan wasiiradayda.”

Burhaan hadalkiisii markii u dhameystey, waxaa istaagtey Marwo Xaliimo oo ka mid aheyd mas’uuliyiinta ururada haweenka ah ee magaalada ka dhisan.

“Waan ku soo dhaweynaynaa, oo hiil iyo hooba waan ku siinaynaa”, ayeey tiri Marwo Xaliimo. “Wax badan baan ku rajo qabney in uu soo bixi doono madaxweyne xilkas ah oo adiga oo kale ah. Waad ogtahay haweenku in ay ayagu u riteen dhammaan mas’uuliyadii bulshada. Iyagaa carruurta koriya, iyagaa carruurta u soo shaqeeya, iyagaa carruurta waxbarashada geeya, iyagaa carruurta ka warhaya. Guriga oo dhan iyaga ayuu ku dhisanyahay. Marka waa nasiib darro in la ilaawo iyaga oo aan waxba laga soo qaadin. balse waxaan rajaynayaa madaxweyne xuquuqdooda siinaya in uu soo baxay hadda. Waxaan kuu sheegaynaa in aan ku taageersannahay oo codkeena aan ku siiney. Waxaan ku leenahay guuleyso. ”

Burhaan iyo gacan-yarihiisii Colaad waxa ay ka soo baxeen kulankii iyaga oo aad u maqsuudsan, una riyaaqey qaabkii uu kulanka ugu dhamaadey.

Subaxii xigey ayeey isku balansadeen maqaaxidii shaaha oo ay qorshayaasha iyo hawlaha ku lafa-guri jireen.

“Ololaha siyaasadeed meel fiican buu noo marayaa,” ayuu yiri Burhaan.

“Sax, meel fiican ayuu noo marayaa,” ayuu yiri Colaad. “Dhamaan ururada aan la kulannay aad bey noo soo dhaweeyeen.”

“Yaad isleedahay wey noo dhimanyihiin?” ayuu weydiiyey Burhaan.

“Ururada dhalinyarada,” ayuu la soo boodey Colaad feker dheer ka dib. “Ururada dhalinyarada weyba naga hoos bixi lahaayeen. Waa ururka ugu awooda badan ee magaalada ka jira hadda. Haddii aan raggooda ugu firfircoon la hadalno oo aan la fadhiisano, waxaan is leeyahay wax weynbey idinla qaban karaan.”

“Maash’Allah, arin muhiim ah ayaad ka dhawaajisey,” ayuu yiri Burhaan. “Dhalinyaradu waa dad muruq iyo maskaxba kugu soo kordhin kara, waana dad aan u baahannahay sida ugu dhaqsiyaha badan in aan ula fadhiisano.”

Maalintii xigtey Colaad waxa uu wacey Warsame iyo Hinda oo ka mid ah dhalinyarada magaalada kuwa ugu firfircoon. Warsame iyo Hinda waxa ay saaxiib la yihiin dhammaan dhalinyarada magaalada. Kuwa ciyaalka xaafadda ah, kuwa banooniga ciyaara iyo kuwa wadaadada ahba xiriir fiican bey la leeyihiin.

Colaad waxa uu u sheegey Warsame iyo Hinda danta ay ka leeyihiin. Warsame iyo Hinda waxa ay u balanqaadeen in ay la shaqaynayaan.

Waxa la balamey habeenka jimcada oo labo habeen ka dib ah in hoteelka magaalada ugu weyn ay iskugu yimaadaan, wakhtiga marka uu yahay todobada fiidnimo, dhammaan dhalinyarada oo dhanna casho lacag la’aan ah ayaa loo sameynayo.

Burhaan waxa uu balamiyey saxaafadda sidii lugu yaqiiney, weliba T.V.-yada caanka ah ayuu si gooni ah u sii balamiyey.

Burhaan iyo Colaad waxa ay yimaadeen hoolkii shirka saacad ka hor si ay isku sii diyaariyaan.

Hoolkii aad baa loo soo buuxiyey ilaa la heli waayey meel la fadhiisto.

Waxaa bilowdey shirkii.

“Dhammaan dhalinyarada sharafta leh ee caawa iskugu imaatey halkan waxaan idinku salaamaynaa salaanta islaamka, As Salaamu Calaykum”, ayuu yiri Warsame. “Caawa waxaa nala jooga musharax madaxweyne Burhaan. Sida aad ogtihiin, Burhaan waa nin xushmo weyn ku dhex leh bulshada dhexdeeda. Burhaan waa aqoonyahan Soomaaliyeed. Burhaan waa nin bulshada magac iyo maamuus ku dhex leh. Burhaan waa nin hawlkar ah, hadafna leh. Waxa uu keenayaa hormar. Waa nin la dagaalamayaa musuq-maasuqa oo dhan. Waxaan caawa halkan u nimid in aan soo dhaweyno oo aan wakhti la qaadano musharax madaxweyne Burhaan.”

Makarafoonka waxaa qabsatey Hinda.

“Musharax madaxweyne Burhaan waa nin dhalinyarada saaxiib la ah” ayeey tiri Hinda. “Waa nin barnaamijyo dhalinyarada u samaynayaa. Shaqo abuuris ayuu u samaynayaa dhalinyarada. Dhalinyaradu waa mustaqbalka dalka. Waxaana loo baahanyahay in xoog badan la galiyo si ay u noqdaan hogaamiyayaasha mustaqbalka. Caawa waxaan iskugu nimaaney in aan hiil iyo hooba aan siinno musharax madaxweyne Burhaan. Fadlan ila soo dhaweeya musharax madaxwene mudane Burhaan.”

Sacab ayaa is qabsadey hoolkii shirarka halmar. “Burhaan, Burhaan, Burhaan, Burhaan”, ayaa afarta gees ka yeertey.

Burhaan ayaa makarafoonka qabsadey. “Waxaan salaamayaa dhammaan dhalinyarada caawa iskugu timaadey halkan”, ayuu yiri Burhaan. “Caawa waxa ay ii tahay farxad weyn. Waa habeen taariikhi ah. Waxaan idiin sheegayaa aniga in aan dhalinyarada ka mid ahay sababta oo ah saaxiibo badan ayaa ku leeyahay dhalinyarada. Qaarkood waxaan nahay saaxiib qaali ah. Waxaan idiin sheegayaa dhalinyaradu in ay ka mid noqon doonaan ajandayaasha ugu waaweyn ee dawladayda haddii aan ku guuleysto madaxtinimada dalka. Waxaan idiin sheegayaa in aan shaqo abuuris u samaynayo dhalinyarada. Waxaan idiin sheegayaa tababaro iyo xirfado ay ku shaqaystaan in aan u samaynayo dhalinyarada. Dhalinyarada waxa ay ka mid noqon doonaan xubnaha ugu muhiimsan ee dawladayda.”

Burhan markii uu hadalkiisii dhamaystey ayaa Makarafoonka waxaa mar labaad qabsadey Warsame.

“Mar labaad, aad baan ugu faraxsannahay in uu Burhaan na marti qaadey caawa,” ayuu yiri Warsame. “Anniga oo ku hadlaya afka ururka dhalinyarada, waxaan ka cadaynayaa halkan caawa in aan Burhaan taageero buuxda aan siiney. Haddana waxaan ku wareejinayaa Makrafoonka Hinda oo noo soo xireysa shirka caawa.”

“Caawa waa habeen taariikhi ah,” ayeey tiri Hinda. “Sababta oo ah waxa nala jooga nin ay taariikhdu xusi doonto. Waa musharax madexweyne Burhaan. Waxaan ku leenahay ‘Guuleyso’. Waxaan-na kuu rajeynaynaa guul.”

Burhaan waxa uu bilaabey in uu salaamo dhalinyaradii iskugu timid madasha. Waa uu dhoola-cadaynayey oo waa uu faraxsanaa. Waxaa daba socdey dhowr nin oo kaamiriistayaal ah. Kaamirada waxa ay uga dhacaysey hore iyo gadaal, midig iyo bidix.

Xoogaa ka dib cashadii baa la keeney. Casho fudud oo waafi ah ayeey aheyd. Si fiican ayeey uga heleen dhalinyaradii. Intii la cashaynayey oo la sheekeysanayey saacad iyo xoogaa ayeey sii qaadatey.

Burhaan iyo gacan-yarihiisii Colaad waxa ay macsalaameeyeen dhammaan dhalinyaradii. Wax ayna u sii rawaxeen gurigoodii.

Subixii xigey, Burhaan iyo gacan-yarihiisii Colaad waxa ay yimaadeen aroortii maqaaxidii ay ku lafa guri jireen siyaasadooda. Waxa ay aad iskugu raaceen in guul weyn uu ka soo hoydey shirkii ay la qaateen ururada dhalinyarada.

“Waxaa inoo dhiman hal meel in aan tagno,” ayuu yiri Colaad. “Waa in aan sida ugu dhaqsiyaha badan u tagno saxaafadda oo wareysi lugula yeesho.”

“Arinkaas wax badan baan ka fakaraayey,” ayuu yiri Burhaan. “Waxaadba u malaysaa maskaxdeyda in aad ku dhex jirtid. Waa in aan raadino T.V ga ugu afka dheer ee saxaafadda Soomaalida. ”

Burhaan waxa uu u tegey T.V ga ugu afka dheer magaalada. Waraysi xiiso leh oo uu ka hadlayo barnaamijkiisa siyaasadeed ayuu soo bandhigey.

Waraysiga waxaa laga fiirsadey dacalada adduunka oo dhan. Waxa uu ahaa mid dadka dareenkooda aad u soo jiitey.

Waxaa la gaarey xiligii doorashada. Burhaan waxa uu ku soo jirey ololaha doorashada in ku dhow labo sano. Labadaas sano dadku ayuu is barayey oo barnaamijkiisa siyaasadeed ayuu dadka ka gadayey. Waxa uu la kulmey qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxa uuna tagey madal walba oo ay iskugu yimaadaan dad weynaha. Dadku badanaa wey ku qanceen, weyna aamineen barnaamijka siyaasadeed oo uu soo bandhigey Burhaan.

Waxaa timid maalintii doorashada. Musharaxiintu waa toban nin. Dadku waxa ay u dareereen goobaha lugu codeynayo.

Natiijadii waxa ay soo baxdey maalintii xigtey. Guddiga doorashada waxa ay ku dhawaaqeen codadka boqolkiiba kontan in uu heley Burhaan.

Burhaan waxa uu qabtey shir jaraa’id isaga oo u mahad celiyey dhammaan dadkii ka qayb qaatey doorashadiisii gaar ahaan dadkii taageerey oo hiil iyo hooba siiyey.

Usbuuc ka dib, Burhaan waxa uu ku dhawaaqey madaxweyne ku xigeenkiisii. Amakaag yaab ayuu ku noqdey dadkii qofkii loo doortey madaxweyne ku xigeenka. Burhaan cidina kalama uusan tashan markii uu magacaabayey madaxweyne ku xigeenka.

Usbuuc kale ka dib, haddana waxa uu magacaabey golihiisii wasiirada. Dadweynihii haddana dhakafaar iyo dhabanna-hays ayeey ku noqdeen dadkii Burhaan uu u magacaabey wasiirada. Cid uu kala tashtey ama uu weydiiyey ma lahayn magacaabidda golaha wasiirada.

Qaybihii kala duwanaa ee bulshada ee Burhaan hiil iyo hooba siiyey ayaa bilaabey in ay is weydiiyeen sababaha uu iyaga ula tashan waayey haddana uu ugu soo dari waayey cid iyaga ka mid ah dowladda maadaama Burhaan uu horey u balanqaadey in uu la tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada, sidoo kalena uu u sheegey in ay dawladda qayb ka noqonayaan.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.