Home » Maqaallo »

Magaallada Muqdisho Magaallo Fiicnaan jirtay Balse Xumaatay ???!!!!

Horudhac :

Magaallada Muqdisho oo ah Magaalladaan ku soo Koray , waxay aheyd Magaallo aad iyo aad Nabad u ah mudanna in lagu tilmaamo Magaallo Fiican ( بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ ) ,se waxay is Badashay Jan,1991 Markii uu Ka Baxay Madaxweyne Mohamed Siyaad Barre oo haatan loo xiisay se waagaas la wada Nacay.
Magaallada Muqdisho oo Quruxdeeda aan haatan ka hor ku tilmaamay Sidatan 1971 :

[ Waagaas Xamar Xamar bay aheyd Jidka Makah Mukaramah ayaa ahaa halbolwaha Caasimada ee Bari & Galbeed isku xiiriiriya, waana jidka kala badha labada xaafadood ee Waaberi & Hodan , markaad horay u raacdo oo dhanka magaallada u socoto baabuurta magaalada u socota midigta ayey ku socotaa se bilo ka hor ayaa la badalay oo waaggii hore Baabuurta magaalda u socota dhanka bidix ayey mari jireen.
Markaad ka soo daadagto Taallada dhagax tuur- oo intaan Sanad ka hor la saarin Ninka dhagaxa Tuuraaya- uu meesheeda ooli jiray dhagax weyn oo dhulka yaala, Dalcadaas markaad joogto ayaad waxaad arkaysaa Baddii oo bulug ah oo korka ay ka saarsaaran yihiin xunbo cad cad oo hirku curiyey, wax yar kadib waxaa dhanka Bidix kaa qabanaaya Dugsiga Allaahida oo korkiisa magaca Allaah oo af carabi ku qoran saaran yahay, habeenkiina asagoo nalal cagaaran ka daaran yihiin meel dheer laga arkaayo.

Marka aad soo gaarto Hoteel Shabeelle waxaa ku soo galaaya udug aan caadi aheyn tallow ma shukulaatada ceynba ceynka ah ee saaran gaari gacmeedyada Hoteelka hortiisa lagu gadaayo mise waa caf’e laatada ay shiidayso Baar Azaan baa ??? udug aan caadi aheyn baa ku soo galaaya.

Markaad jiiradaas oo Farmashi weyn ugu danbeeyo aad ka leexato waxaad hormareysaa Dukaanka weyn ee Carwada Zulfuqaar Cali Bhuto la yiraahdo.

Markaad horay u yara socoto waxaad ku tageysaa Bank of Roma iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo caan ku ah Silsilada qara waaweyn waxaana ka soo horjeeda Hoteel Savoy oo aan aheyn midkii markii danbe uu Jirdeh Husseen Gatay Allaah ha u naxariistee kadibna waxaa midigta kaa qabaneysa Sartii Caf’e Naitionaale iyo Shaneemo xamar oo isku dhagan, waxaan ka soo horjeeda sarta lixda dabaq ah ee loo yaqaano jirdeh Huseein Building.

Horay u sii soco dhanka midigta waa Masaajidka Arbaca Rukun oo la dhisay 667 Hijriyadda , horay u sii dhaaf meesha maanta laga dudumiyey Hoteel AL-curuba waxaa ku ooli jirtay Dawladii Hoose ee munishiibiyo oo ku dhagan xeebta caanka ah ee Sukundo Lido ama aan si kale u iraahdo xeebtii uu waagaas maamuli jiray JK oo ahaa wiil belo .
Horay markaad u sii yara dhaafto waa Boostaddii Hore ee Xamar iyo musiyamkii Saciid Barqash ee uu ku hor ooli jiray madfaca weyn ama kanooni .

Jiirada jidkaas badda dhinac mara markaad la leexato waa Suuqii weynaa ee kalluunka maleexaan maa rabtaa mise malaay Luunbi ??? Sarihii Jusuurta ee xamar weyne iyo suuqii koodka xandal maa rabtaa mise macsharo mise loos ama xalwo Ghazaali.
Xaafadda yar ee badda saaran waa xaafadda Aw Aweeska waxay dhahaan reer xamarku Aw awees Qarni oo fadhiya aa la arkay waa meesha ay istaaqfurowga xoolaha ku gowracaan, haddaad horay u dhaaftana waa isbitaalkii weynaa ee Martiini .
Badda haddaad meeshaas ka gasho waxaad ka bilaabeysaa mana kheyrto iyo mool Caliyoow haddii aad sii dhaaftana waa geel liq oo dhanka badweyta ay hoobaal ku hayso, dhanka fog ee bidixdaadanna waa fiinta jamal dheer oo wiilal yar yar oo reer xamar ah ay ka soo boodayaan.

Markaad kor uga soo baxdo badda geel liq oo aad soo aado jid yaraha kor loo soo fuulo ee kaa soo dhex baxaa guryaha jaasuurta xamar weyne , ilaa aad soo gaarto Sarta Weyn ee Bin Queer ee ka soo horjeeda Shaneemo Super .
Waxaa ka soo horjeedda Masaajidka weyn ee Marwaas oo uu ku dhagan tahay Baarka Caan ahaa ee 900 nova cento , hortiisa waxaa lagu xayeysiiyaa Aflaamta Hindiga ama Cowboyga maalmahaas socda Sida oggi amee domani attee, Geringo,10 dece galaltore,Killer the kid, ama Aflaamta Hindiga ah sida spy Roma, An evening Paris,night in london , Hamjoli, faris, waris, Suraj, Dhaharti , waqti, tazal manzil,mother India iwm. ]
Ama waxaad Quruxdaas ka dhageysan kartaa Heesta ( Ma ogtiiin Magaalladaa Muqdishaynu joognaa ) ee ay ku Luqeyso Hibo Nuura.

Akhristoow hal dhacdo ayaan ka soo qaadayaa Nabadda Muqdisho waa dabayaaqaddii Sannadkii 1988 ama Bilowgii 1989,waxaan deganaa Xaafadda Waxara Cadde oo markaas aheyd Xaafad Cusub oo ka tirsan Xaafadda Kaaraan .
Subax ayaa markii dadkii soo tooseen waxaa Guri Gadaashiis laga helay Gabar Meyd ah oo Meesha Habeennimadii la soo dhigay !!!! yaa Dilay ayaa la isla dhex maray waanna la garan waayey .
Muddo bil ah ayaa la hadal haayey Meydkaas oo markii Danbe la ogaaday in meesha la soo dhigay uun ee meel kale lagu soo dilay .

Magaalladdii Sidaas aheyd xagga Nabadda , xagga Quruxda,Xagga Maaciishada,Xagga Horumarka ayaa mar kaliyah isku badashay Dagaal,Bililiqeysi,Tuuganimo,Boob iyo Dhac,Afduud ,kufsi,Anshax Xumo,Caddaaad daro,Is Qarxin,is xoog,is handadaad Iwm
Muqdisho Waxay la mid aheyd Noloshii Reer Saba’ Siduu Allaah Quraankiisa noogu Sheegay :
( لَقَدْ كَانَ لِسَبَإٍ فِي مَسْكَنِهِمْ آيَةٌ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٍ وَشِمَالٍ كُلُوا مِن رِّزْقِ رَبِّكُمْ وَاشْكُرُوا لَهُ بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ وَرَبٌّ غَفُورٌ ) 34:15
Allaah wuxuu yiri :( Xaqiiqee waxaaa Reer Saba’ u ahaaday Degaankooda Aayad lagu cibro qaato Labo Beerood oo midigta iyo Bidixda ka jira,waxaanna ku Niri : Cunna Risqiga Rabigiina ,kuna Shukriya asaga ,waxaad tihiin Magaallo Wanaagsan iyo Rabi idiin Danbi Dhaafa ) 34:15.

Akhristoow Muqdisho waxaa Waqooyiba kajira Afgooye iyo balcad oo labadaba waxaa mara Wabiga Shabeelle oo dhul beereed ,khudaar iyo Cunto iyo Caws baa laga soo daabulaa oo si fudud ku yimaadda Magaallada Muqdisho .

Waxay aheyd in ay Noqoto Magaallo Fiican ( بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ )Rabbigoodna ku shukriya,se noqon weyday waxay noqotay Magaallo Xun Siduu Rabi Quraankiisa u yiri :
وَالْبَلَدُ الطَّيِّبُ يَخْرُجُ نَبَاتُهُ بِإِذْنِ رَبِّهِ وَالَّذِي خَبُثَ لاَ يَخْرُجُ إِلاَّ نَكِدًا)
Allaah Wuxuu yiri :( Magaallada Fiican waxay soo bixisaa Rabi Idinkiisa ayadoo la la qabo Abuur Fiican , se Magaallada Xun ma soo saarto wax dhib ah mooyee wax kale ).
Haddaba Waxaan maqaalkayga ku soogaba gabagabeynayaa :

Magaallada Xamar Magaallo Fiican oo Nabad ah bay ahaan jirtay intii ka horeysay 1991 ,se waxay isku badashay Magaallo xun ilaa haddana waa xun tahay,waxaanna kuugu Daliil ah Maalin kasta waa la isku gumaadayaa .

Waa inoo Qeybta labaad Insha Allaah oon ku soo qaadan doono Muqdisho iyo Markii ay Xumaatay.

MAHADSANIDIN.
SHIIKH SAAHID MOHAMED YUSUF
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com
Al-Muta Khasis filXarakaat Al-Islaamiyah

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.