Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Dr. Cumar C/rashiid oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

Warsaxaafadeed

Muqdisho, December 25, 2014—— Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, waxaana munaasabadan goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
cumar84
Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan xubnihii golaha Wasiirada, waxana ugu horeyntii goobta hadal ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, wuxuuna xusay in 12 bilood ka hor uu goobtan maanta munaasabaddu ka dhaceysay uu kula wareegay xilka , xilkuna yahay meerto. Uuna maanta ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Mudane Cumar C/rashiid.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa warbixin kooban ka bixiyay waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay, isaga oo xusay in horumaro badan laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, gaar ahaana sugida amniga, dhaqaalaha, iyo hagaajinta iyo soo celinta xiriirka caalamka iyo arrimaha Federaalka oo guulo waaweyn laga soo hooyay sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan kula dardaarmayaa walaalkeey Ra’iisul Wasaaraha cusub dulqaad iyo wadashaqeyn dhow oo uu la yeesho hay’addaha dawladda, sidoo kale waxaan rabaa inaan halkan uga mahadceliyo xubnihii golaha Wasiirrada ee ila soo shaqeeyay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud fursadii uu iisiiyey in aan dalkayga iyo dadkayga u shaqeeyo iyo xulashada Mudane Cumar C/rashiid” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli .

Intaasi kadib, waxaa goobta ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay Mudane Cumar C/rashiid , isaga oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo si Dimuqraadi ah xilka kula kala wareegeysa, wuxuuna ku tilmaamay biseyl siyaasadeed iyo horumar aragtida siyaasadeed ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa u mahad-naqay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo golihiisii Wasiirada, wuxuuna caddeeyey in wax badan ay qabteen, inta hartayna ay dhameystiri doonaan.

“Waxaan halkan uga mahadcelinaya Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdiweli Shekh Axmed iyo golihiisa wasiirrada, oo runtii soo qabtay shaqooyin badan mudadii koobnayd ee ay xafiiska joogeen, waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo Xukuumadda aan soo dhisayo in ay sii xoojin doono isla markaana ay dhamaystireyso howlaha harsan” ayuu yiri R/Wasaare Sharma’arke.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa si kooban uga hadlay muhiimadda xukuumadiisa hortaala isaga oo xusay inay tahay tan koobaad Sugida Amniga iyo Xasilinta, tan labaad Garsoorka iyo Cadaalad, Aas aasida adeegyadii bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Guddiga loo xil-saaray Munaasabadda Xil-wareejinta kana soo shaqeeyey munaasabaddan isla markaana isku soo duway Documentska xafiiska, tirakoobka shaqaalaha iyo qalabka xafiisku ku shaqeeyo ayaa goobta ku soo bandhigay labo Documenti oo ka tarjumayay dhamaan Feylasha xafiiska, mashaariicdii ay xukuumadu waday, hindise sharciyeedyadii golihii wasiirada ay u gudbiyeen Golaha Baarlamaanka, tirakoobka shaqaalaha, waxana labada Ra’iisul Wasaare ay halkaasi ku saxiixeen labo Documenti, iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadduna uu goob jooge ahaan u saxiixay daraftiikiisa.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo xiray munaasabadda ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaarihii hore mudadii uu xafiiska joogay howlihii ay soo qabatay xukuumadii uu hoggaaminayey, waxana uu kula dar-daarmay Ra’iisul Wasaaraha cusub in uu sii wado inta dhiman isla markaana looga fadhiyo Xukuumadd dalka gaarsiin karta hiigsiga 2016.

Fadlan halkan kala dag Khudbadihii

–DHAMMAAD—

somali184

Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
E-mail: axmednuur59@gmail.com
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546

Waraysi VOA: Sharmaarke: Wax Khilaaf ah ma Dhici doono (Dec 25, 2014)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.