Home » Warar »

Minneapolis: Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya oo ka hadlay Caddaalad darida, muqusmaasuqa, kufsiga ka jira Soomaaliya iyo xabsiyada oo…

Waxaa fiidkii Dec 20, 2014 kulan lagu qabtay Ramada Hotel ee magaalada Minneapolis hadal ka jeediyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir.

Kulankaas oo looga hadlay “Caddaalada iyo saraynta sharciga – justice & rule of law” waxaa ugu horayn ka hadlay Sheikh Cabdirahman Sh. Cumar, iimaamka masjidka Abuubakar ee Minneapolis, oo ku xeel dheeraaday Muhiimada caddaalada iyo in – Dawlad dulmi ku dhisan Allah ma baaqi yeelo. Waxana uu yiri Nuxurka dhibka Soomaaliya waa caddaalad daro dadka oo dhami ka cabanayaan. Dulmi badan ayaa ka dhacay Soomaaliya waxaana lagu hagaajin karaa caddaalada iyo xukunka Allah. Dastuurka Soomaaliya waxaa ku qoran in lagu saleeyo shareecada Islaamka ee waa in taas la hir geliyo.

Waxaa kale oo warbixin kooban jeediyey Cabdirashiid Aabi, waxana uu xooga saaray in qof kasta isu xilqaamo wuxuu qaban karo, dadkaaga ku hami, ayuu yiri. Helitaanka qaranka waxaa asaas u noqon kara caddaalada. Iyo in danta guud laga wada shaqeeyo. Waxana uu madasha xusuusiyey hal hayskii madaxweynihii Maraykanka ee Kennedy oo ahaa ha-is-weydiin waxa dalkaagu kuu qaban karo ee isweydii waxaad adigu u qaban kartid dalkaaga “ask not what your country can do for you, ask what you can do for your country.”

Eng. Jibriil Afyare ayaa isaguna erayo kooban ka jeediyey kuna adkeeyey muhiimadda caddaalada, isagoo sheegay caddaalada dalkeena si wax loola qabto waa in aan ka wada shaqeyno.

Kulanka oo xiriiriye ka ahaa Saadiq Warfaa Waxana uu xusay in jaamacada Harvard ee kamid ah kuwa ugu qadiimsan Maraykanka in irrida laga galo derbigeeda (ku aadan kulliyadda sharciga) ay ku qoran yihiin aayado Qur’aan ah oo ka hadlaya caddaaladda.

Sidan ayaa ku qoran:

Qur’an (622 CE) “O ye who believe! Stand out firmly for justice, as witnesses To Allah, even as against Yourselves, or your parents, Or your kin, and whether It be (against) rich or poor: For Allah can best protect both.”

  • Waa Suuradda An-Nisaa aayadeeda 135-aad : kuwa (Xaqa) rumeeyow noqda kuwo u istaaga Caddaalad oo ah marag Eebe, naftiinnaba ha ahaato ama waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama faqiir Eebaa u mudnaansho badan ……

Waxaa kale oo kulanka ka hadashay Saciido oo ayadoo qiiraysan sheegtay in caddaalad aysan ahayn in gabdhaheena ajnabi ku kufsadaan xamar.

Raaxo Warsame oo madax ka ah somali confederation oo sheegtay in ay tahay in laga gudbo qofka waan aqaan oo isku beel ayaan nahay oo looga gudbo inlagu qiimeeyo waxqabadkiisa, waana in aan taageero oo garab istaano qofkii wax qabanaya.

Sh. Xasan Jaamici oo kulanka hadal kooban ka jeediyey ayaa xeer ilaaliyaha Soomaaliya waxa uu ku ammaaanay in uu yahay xeer ilaaliye ugu horeeyey ee soo saaray in wasiiro lala xisaabo oo aysan dalka ka bixi karin la xisaabtan la’aan. Isagoo ka waramaya caddaalad darrida kajirta Soomaaliya waxa uu xusay mar uu booqday xabsi kuyaal Muqdisho oo kula kulmay wiil yar oo sheegay in loo soo xiray inuu alshaab ahaa, markaan weydiiyey inuu yahay alshaab wuxuu yiri “ma ahi ee waa la igu badsanayaa tirada dadkii lasoo xirxirayey”, arrintaas oo dawladu markii dambe wax ka qabatay, ayuu yiri. Waxana uu xusay Weriyaal xiran, kufsiga Amisom, Dulmiga shisheeyaha, Dulmiga dawladu ka geleyso ummada iyo Dulmiga dadka dhexdiisa ee dhulka lakala haysto.

Hadalkii Xeer Ilaaliyaha

xeeriliilin

Waxaa kaddib kulanka hadal ka jeediyey Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Dr.Axmed Cali Daahir oo ugu horayn sheegay “Wadankii waxaa kajira ifafaale wanaagsan, indhahii caalamka ayaa kusoo jeedo, waana in aan ka faa,iidaysano.”

Mar uu ka hadlay ciidamada Amisom waxa uu yiri, ciidamada shisheeye waxaa lagu aaminaa meel aan qofka Soomaaliga lagu aamini karin. Hal baaq oo laga soo saaro ayey ku baxayaan.

Isagoo hadalkiiisii sii watey waxa uu yiri: Qurba joogta dalka ku laabatay wax weyn ayey ka bedeleen kuna soo kordhiyeen. Dalkuna ma rajo xuma waayo waxaa isugu tegey oo iska kaashaday qurba joogta iyo diinta oo lagu soo barbaariyey jiilka cusub ee dalka ku sugan.

Marka maxaa hortaagan:

Caqabadaha hortaagan waxaa kamid ah musuqmaasuqa, wuxuu qiray warbixintii caalamaka ee sheegtay in Soomaaliya kow ka galay musuqmaasuqa. Waxaa kale oo hortaagan in dhammaan kaabayaasha/ infrastructure uu burburay, akhlaaqda dadka oo liidata, aqoon darro madaxda ama karti darro ragaadinaya horumarka.

Xafiiska aan dhaxlay

Mar uu ka hadlayey xafiiska uu dhaxlay sida uu u dayacnaa waxa uu yiri waxaan dhaxlay xafiis eber ah, waxaa yaaley olivetti type writer, xeer ilaaliayaha xafiiskiisa waraaqahu waxay u rasays naayeen dhulka oo armaajo ma lahayn. Waxaa xafiisku lahaa 13 kuxigeen oo 5 kamid ah aysan u qalmin inay ka shaqeeyaan shaqada ayaan markiiba ka fariisiyey shantaas oo waxaan soo reebay 8. Xeer ilaaliye kasta shaabad ayuu jeebka ku watay.

Waxaa dhacday ayuu yiri in gabar xafiiska ka shaqaysa u dirsaday waraaq in ay fayl iiga soo saarto, markaan daahsaday ayaan u tegey ayaado warqadii gacanta ku haysa oo weli baaraysa waayo wax ma akhrin taqaan, mana garanayso warqadii ay gacanta ku haysay. Markaan weydiiyey waxay tiri sidaas ayaa laygu shaqaalaysiiyey waxaana u shaqeeyaa oo break-winner u ahay 17 qof oo aabahood dhintay ee haddaad shaqada iga eryeysid adiga-lee-waaye. Shaqadii kama eryin xafiiska iska joog ayaan iri waxaana shaqaalaysiiyey qof labaad oo hawsha qabta.

Miisaaniyada loo qorsheeyey xafiiska xeer ilaaliyaha

Waxa uu sheegay in lacagta loo qorsheeyey in dhammaan hawlaha xafiiska lagu fuliyo waa 298kun doolar oo keliya in uu ku fuliyo sannadka oo dhan. Halka xafiiska ra’iisul wasaaraha loo qorsheeyey 9.7millian doolar – waa xafiiska raiisul wasaaraha oo keliya, taas oo, ayuu yiri sannadkii oo aan dhammaaan ayey intay gebi ahaan lacagtaas kharash gareeyeen waxay markaas qaateen deyn ah 3.7million doolar dheeraad ah.

Waxa kale oo uu sheegay in ay baarlamaanka Soomaaliya ku baxdo 14million oo doolar. Waxana uu xusay in laba bilood saacadaha uu shaqeeyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu ka badan yahay inta saacadood ee sannadka oo dhan uu shaqeeyo baarlamaanku.

Waxa kale oo uu xusay in sannad gudihiis 23 xeer ilaaliye la diley, taas oo uu ku muujinayey halista jirta.

Waa hagaajiney xafiiska, ayuu yiri oo hadda waraaqaha dhulka ma yaaliin, xafiisyo qalabaysan ayey leeyihiin ku xigeenadu, Olivetti waxaa lagu bedeley computero. Sannadka cusub 25 xeer ilaaliyey ayaa la shaqaalaysiinayaa, waxaan 10 gobol ka fureynaa xafiisyo xeer ilaalinta.

Kufsiga ka dhaca Soomaaliya

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya waxa uu ka hadlay in kufsi aad u badan uu ka dhaco Soomaaliya, balse tiro yar ay sheegtaan in la kufsaday oo soo dacwoodaan. Waxaa dhacda in gabar ay sheegto in la kufsaday, ninkii ay soo eedaysana uu yiraahdo ma kufsan, markhaantina aan la hayn, mana jiraan qalab casri ah oo lagu ogaan karo, ama qaab loo cadayn karo speciement.

Marka jaaliyadda Soomaaliyeed ee qurbaha waxaan ugu baaqayaa in ay dalka ka caawiyaan sidii qalabkaas loo keeni lahaa dalka iyo farsamada si sahlan loogu ogaan karo ama lagu baari karo gabdhaha haddii la kufsado (rape kit http://en.wikipedia.org/wiki/Rape_kit)

Waxaa dhacda ayuu yiri in nin lagu soo eedeeyey in uu gabar kufsaday ay soo raacaan Ugaaskii reerkiisa iyo ninkii reerkaas Baarlamaanka ugu jirey oo ninkii kufsiga ku eedeysnaa ka bixinayaan recommendation.

Joornaalistiyaasha Xiran

Xeer ilaaliyaha wuxuu ka hadlay in warbaahinta looga baahan yahay in ay masuuliyad iska saaraan waxa ay baahinayaan, waxana uu tusaale usoo qaatay: Muqdisho waxaa ka shaqeeya ilaa 30 idaacadood. Waxaana dhacda in ay dhehaan hebel ayagoo qof magacaabaya ayaa gabar kusaday, reer hebelow kaca oo dagaalama, iwm… is that a freedom of press, ayuu ingiriisi ku yiri (taasi ma xornimo saxaafadeedbaa), waxana uu raaciyey ma ah ee”it is a violation” waa xad gudub.

Xabsiyada oo buux dhaafay

Waxa kale oo uu ka hadlay tacadiga iyo ciriiriga ka jira xabsiyada Soomaaliya. Waxaad arkaysaa xabsiga in hal qol oo yar ay ku jiraan in ka badan 80 qof, oo ay yaallaan afar furaash, habeen qaar istaag ku dhamaystaan.

Waxaa uu sheegay in uu maalin dhaweyd tegey Baydhabo, oo markuu tegey la yiri labadaas qof oo la aasayo xabsiga ayey xalay ku dhex dhinteen sidey u taagnaayeen waayo ciriiri awgiis meel ay fariirsaan ma bannaanayn.

Waxa uu yiri dadka waxaan u dirnaa xabsi, waana in aan naqaan xabsiga aan u direyno sida uu yahay.. hadalkaas markuu yiri illin ayaa indhahiisa ku soo istaagtey waana uu qiirooday.

Waxa kale oo uu xusay in xamar laga dhisi doono xabsi weyn oo ay ku baxayso 20 million oo doolar

Nin qofkii layiri wuu dilay uu nool yahay

Isagoo sii watay sida caddaalad darada ah ee dhacday waxa uu sheegay in nin u yimid oo yiri waxaan ahay nin hebel oo toogasho ku xukuman qofka la yiri wuu diley waa aniga, arrintaasina waxay ahayd shirqool aan u dhignay oo maxkamadu caddaalad daro kukacday, hadda anigu waa i kan oo ma dhiman, waana toobad keenay ee ninkaas dartay u xiran halasoo daayo.

Caddaalad darada markaan arkay waxaan hakad geliyey in la fuliyo dad dil hore loogu xukumay ilaa la hubinayo. Dad badan ayaa dil maxkadi ugu xukuntay oo aan weli lafulin dilkaas hakad ayaan geliyey ayuu yiri, waxana uu xusay in maxkamada milatarigu ay ayadu markasta fuliso dilalka.

Dhulka la kala haysto

Dhulka lakala haysto waxaan ku talinayaa in hakad la geliyo dacwadahooda waayo dhibka qofka soo dacwooday ka gaaraya ayaa badan, waxaana jiro maxkamado dad si khaldan dhul ugu sharciyeeyey, marka dacwadahaas waa in la hakiyo inta laga taagayo garsoor caddaalad ah ayuu yiri.

Waxa kale oo uu ka hadlay arrinta badda Soomaaliya, wixii uu ka yiri kala soco qoraalada dambe insha Allah.

Abuu Cabdiraxmaan
SomaliTalk Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.