Home » Warar »

Bulshada sida ay u aragto Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

“Waxaa u u rajeeyey in uu Jabiyo Iskoorkii Aabihii”

“Waxaa ka cabsi qabaa in uu Muran geliyo Dhulka maadaama uu hore u Muran u geliyey Badda”

Raiisul Wasaare hore u Fashilmey in la soo celiyo waa mid aan la aqbali Karin”

“ la hel , La hel la waa ayaa u dambeysa “

Iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh uu Raiisul Wasaare u Magacaabey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ka dib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu Codka Kalsoonida ka waayey Raiisul Wasaarihii hore Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa waxaa wax ka weydiiney sida ay u arkeen Magacaabista Cumar Cabdirashiid Bulshada Soomaaliyeed waxayna ka yiraahdeen
image
“Aad baan u soo dhaweyneynaa waayo waa nin Dulqaad badan taasina waxaa ku cadeynaya markii uu iska casiley xilka Raiisul Wasaaranimo Dowladii Shiikh Shariif oo uu diidanaa in Khilaafka uu sii daba dheeraado “ sidaa waxaa yiri Cali Ciismaan oo u soo jeediyey Raiisul Wasaaraha Cusub in uu soo dhiso Dowlad loo dhan yahay oo ay ka muuqdaan dad aqoonyahano ah

“ Cumar Cabdirashiid waxaa uu hormuud u ahaa Siyaasiyiintii Muranka geliyey Badda Soomaaliya marka waxaa isleeyahay oo ujeedku yahay in hadana Dhulka uu muran geliyo sidaa darteed lagama fiirsan waxaana magacaabistiisa ka dambeeyey Dowladi shisheeye oo aan marnaba dooneyn in Soomaaliya ay Xasilooni gaarto “sidaa waxaa yiri Dalmar Cilmi oo sheegey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku deg degey Magacaabista Cumar Cabdirashiid

“ Aniga waxaan qabaa in Madaxweyne Xasan Shiikh uu il duufey waayo waa la ogaa halkii ay ku kala tageen Madaxweynihii hore ee Dowladii ku meel gaarka ee Shikh Shariif marka ma garan karo in Siyaasi hore u fashilmey in mar kale la soo celiyo , mark waxaa Baarlamaanka u soo jeedinayaa in aysan aqbalin Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo aan dhihi karo in uu Masuul ka ahaa in muran la geliyo Badda Soomaaliya “ sidaa waxa tiri Fowsiyo Cali

“ Cumar Cabdirashiid waxaa uu barbareeyey Aabihii Allaha u Naxariistee waayo Aabihi waxaa soo noqdey marna Raiisul Wasaare marna Madaxweyne halka Wiilkiisa uu laba mar uu noqdey Raiisul Wasaare waxaan rajeynayaa in uu iskoorkaas uu jebiyo oo uu noqdo Laba jeer Raiisul Wasaare iyo Madaxweyne laguna tilmaamo Siyaasiga Siyaasada Soomaaliya” sidaa waxaa yiri Faadumo Cumar oo Raiisul Wasaaraha Cusub ku boorisey in uu soo dhiso dowlada Wadaag ah

“ Anigu waxaa wel wel igu haya in Madaxweyne Xasan Shiikh waa hadii ay fursada u saamaxdo in uu noqdo Madaxwweynihii ugu horeeyey ee soo Magacaabo Afar Raiisul Wasaare intii uu xIlka hayey maadaama uu hadda marayo Saddex Raiisul Wasaare “ ayuu yiri Ismaaciil Axmed oo sheegey in Soomaalidu tiraahdo “La hel , lahel la waa baa u dambeyso marka Madaweyne Xasan Shiikh waxaa kula dardaarmayaa in dulqaad yeesho oo uu iska ilaaliyo Khilaaf kale, haddii kale adiga ayey kula tagi doontaa “.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.