Home » Maqaallo »

Sirta iyo Siyaasada ka Dambeysa Musuq Maasuqa lagu Eedeeyay Wasaarado badan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Sida cid kasta u muuqata, Soomaaliya waxaa hareeyay Musuqmaasuq kaas oo sababay in hadafka ah horumar uu gaaro dalku uu gaabis galo, waxaana warbixin ay soo saartay hey’ada u xilsaaran dabagalka musuqa ay sheegtay in sida waayihii danbe caadada aheyd Soomaaliya ay gashay kaalinta koowaad ee wax isdaba marinta dalalka caalamka oo dhan, waxaana iyada oo taasi ay jirtay 5-tii December markii shaqada baarlamaanku ka eryeen R.wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed in xafiiska xeer-ilaalinta dalka uu kasoo baxay amar la dul dhigay wasiirada shaqada ka tegaya oo ah in aysan dalka ka bixi Karin iyaga oo aan fasax ka heysan Madaxweynaha.

Si amarkaasi kasoo baxay Xeer-ilaalinta meel ay ugu saleeyaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay u yeereen Xeer ilaaliyaha qaranka, Axmed Cali Daahir, oo sanadkaan gudihiisa uun loo magacaabay xilkaasi, waxaana isaga oo ka jawaabaya su’aala ay baarlamaanku weydiiyeen uu sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 19 wasaaradood iyo 3-dax hey’adood ay ku keceen falal musuq la laxaiira, sidaa darteedna ay muhiim tahay in lala xisaabtamo, waxa uuna intaa ku daray in musuqa ay galeen uu ka koobanyahay hanta lalunsaday iyo awood lagu takri falay. Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in wasaaradaha kale ay baaritaan ku wadaan, hadii magacyada wasaarahadaha looga baahdana ay soo bandhigayaan si wax kasta u cadaadaan.\

Hufnaanta Xeer ilaalinta\

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed, Axmad Cali Daahir oo uu madaxweynaha Soomaaliya magacaaby 26-07-2014-ka ayaan la’ogeyn sida uu dhex-dhexaad uga yahay siyaasada cakiran ee dalka taas oo xadigeedu weynaaday markii ay is-qabteen R.wasaarihii la riday ee Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xassan xilligaas oo lasoo tebinayay in uu dhacay musuqii ugu weynaa maadaama xildhibaanno lagu siinayay lacago badan in ay taageeraan Mowshinkii R.wasaaraha laga geeyay baarlamaanka, arintaas oo ay hadleen Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub. Ma jirto cid damaanad qaadi karta in uu Dhex-dhexaad ka ahaa arinta Xeer-ilaaliyuhu maadaama xariirka madaxtooyada kala dhexeeya uu yahay mid sal-balaaran.

Arimaha ay suuragalka tahay in eedeyntu salka ku heyso

Iyada oo tilaaba kasta oo la qaado ay u jeedo leedahay ayaa hadana eedeyntaan oo lagu soo beegay maalintii xukuumada la riday waxaa suuragal ah in ay ku qotonto 3-dax qodob oo kala ah:

A) In la ciqaabo wasiiradii la saftay Raiisul .Wasaare Cabdi weli xilligii Madaxweynaha ay is-khilaafeen, kuwaas oo hor-seeday in waqti dheer ay qaadato kalsooni kala noqoshada baarlamaanku ku sameeyay xukuumada.

B) In loo digo wasiirada xukuumada la dhisi doono si aysan ula safan R.wasaaraha hadii ay dhacdo in ay madaxweynaha is-qabtaan, iyaga oo tusaale ka dhiganaya wasiiradaan hada loo eedeeyay fikirkooda iyo dhinaca ay mareen aawadeed

.C) In qaar kamid wasiirada madaxweynaha lasafnaa oo balan qaad heestay loogu diido kasoo muuqashada xukuumada soo geleysa iyada oo marmarsiyo looga dhiganayo in musuq lagu helay sidaa darted aysan suuragal aheyn soo laabashadooda.

Talo bixin

Waa iska cadahay in Soomaaliya uu musuq la degay, sidoo kalana loo baahanyahay in loo istaago qaabkii lagu yareyn lahaa, waxaasa muhiimadu tahay in la hubiyo hufnaanta cida loo xilsaarayo in ay howshaasi gudato iyo sida ay siyaasad uga madax-banaantahay si baaritaanada la sameynayo ee la xariira wax isdaba marinta aan loogu sameyn dano shaqsi ama mid urur gaar ah.

W/Q: Cabdifitaax Xaashi Nuur
E-Mails: Nuurbiin78@gmail.com;
Nuurbiin78@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.