Home » Warar »

SHIRWEYNE LAGU QABTAY MUQDISHO OO LAGU DAAHFUREY DHISMAHA JIDKA ISKU XIRA MUQDISHO IYO HOBYO.

Shirweyne ay ka soo qey galeen in ka badan 200 ruux oo isugu jira, Siyaasiyiinta, Dhaqanka, Culimada, Dhalinayarada iyo Haweenka beesha Muddulood ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho,Shirkaas oo ay qabanqaabiyeen siyaasiyiinta beeshaasi ayna gogoshiisa dhigeen hogaamiyeyaasha dhaqanka ayaa looga dhawaaqay mashruuc muddo dheer soo socday oo lagu dhisayo wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Hobyo, waxaana ugu horeyn shirka furay Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo sheegay in dhismaha jidka isku xirta Muqdisho iyo Hobyo uu yahay mashruuc baahi weyn loo qabo oo dan u ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

“Anigu waan bilaabeynaa, cid uun ayaa bilaabi lahayd, laakiin jidku waa jid Soomaaliyeed, waxaana qof waliba laga rabaa inay gacan ka geysato” ayuu yiri Imaamka oo ugu duceeyay mashruuca iyo dadka kasoo shaqeeyay inay guuleystaan, howshaasina Alle la garab galo.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo isna shirweynaha ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha jidka isku xira Muqdisho-Hobyo uu yahay mid ka mida mashaariicda lagu horumarinayo umadda, lagana helayo ajar fara badan,. “Fekerka arrintan waxay ka timid salaadiinta beesha, kadibna waxay u yeereen siyaasiyiinta, aqoonyahanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada maanta ayay suuragashay inaan isla helno” ayuu yiri ugaaska.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas wuxuu sheegay in dhibaato weyn ka tagan tahay jidka, dadkuna ku cadiban yhiin maritaankiisa, “Jidkaan waxaa mara oo kaliya baabuur la yiraahdo TM oo qof xanuunsan, haween foolaneysa, xamuul iyo qof kasta lagu soo qaado, wuxuuna hadda jidku halis ugu jiraa inuu gebi ahaanba xirmo lana mari waayo” ayuu markale yiri Ugaaska oo u mahad celiyay Injineeradii soo qiimeeyay ee waqtigooda u huray inay keenaan qaabka dhismaha jidka.

Ugaasku wuxuu caddeeyay in la furi doono Xisaab Bankiyeed dadka oo dhan lacagta dhismaha jidka ku soo shubi karaan, lana sameyn doono guddi lagu kalsoon yahay oo maamula howshaasi, wuxuuna ugu baaqay dadka ku abtirsada beesha iyo Soomaalida kale ee gudaha iyo dibadda ku nool inay wixii ay heli karaan ugu deeqaan dhismaha jidkaasi, iyadoo la balan qaadayo in shilin kasta oo lagu deeqo la soo bandhigi doono laguna bixin doono sidii loogu talogalay.

Ugaas C/llaahi Ugaas Saalax, Suldaan Maxamed Cabdi Shido, Ugaas Cusmaan Ugaas Cilmi iyo Claahi Geedi Shadoor oo iyaguna ku hadlay magaca dhaqanka beesha ayaa tilmaamay in dhismaha jidkaasi uu yahay mid Soomaali weyn ka dhaxeeya, laakiin beesha Mudulood ay bilaabeyso oo kaliya, wuxuuna u furan yahay ayay yiraaheen cid kasta oo Soomaaliyeed, dowladda oo kaalinteeda laga rabo, beesha caalamka iyo cid kasta oo wax tari karta dhismaha jidka.

Imaan Maxamed Cali oo ku hadlayay magaca ganacsatada Beesha Muddulood ayaa isna shirweynaha ka balanqaaday inay kaalin weyn ka geysan doonaan dhismaha jidka isku xira Muqdisho-Hobyo ee mara xeebta oo dhibaatadiisu wax badan soo taagneyd; wuxuuna intaas ku daray in jidkaasi uu anfici doono cid kasta oo marta. “Waxaan aaminsahahay inaan dhisi karno jidka haddii aan is kaashano, cid kasta meesha ay ka degto haddii ay dhisto jidkaas waa dhismayaa” ayuu yiri Ganacsade Imaan Maxamed Cali.

Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse oo isna ereyo ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dhismaha jidka isku xira Muqisho-Hobyo ku dhismi karo oo kaliya haddii la is kaashado, qof waliba oo beesha ka midana ayu dhiibto 100-200 doolar. “Dhulka Muqdisho-Hobyo ma dheera, madaxweynaha ayaa ku baaqay in la dhiso , dowladda waxaan ugu baaqeynaa inay doorkeeda qaadato” ayuu yiri Ismaaciil Macalin Muuse oo intaas sii raaciyay in dhismaha jidka dhaqaalaha ku baxaya laga rabo Soomaali oo dhan, wuxuuna soo jeediyay in dadka aan lacag caddaan ah heli Karin, laga soo ururiyo xoolo.

Culimaa’udiin ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali Dheer, Sheekh Xasan Sheekh Axmed Siyaar, Sheekh Daa’uud Sheekh ayaa iyaguna ka hadlay shirka oo faahfaahiyay faa’iidada aduun iyo aakhiro laga helayo dhismaha jidadka, waxayna sheegeen inay tahay nafci adduunyo iyo sadaqo socota ah ilaa qiyaamaha, waxayna dadka gaar ahaan jaaliyadda dibadda ugu baaqeen inay ka qeyb qaataan dhismaha jidkaasi.

Dhinaca haweenka beesha waxaa shirk aka hadlay Caasha Omar Geesdiir oo ka socotay Sweden,Shamso Cali Macalin, Nadiifo Sheekh Cali Tuur iyo xubno kale oo dhinacooda balanqaaday inay gacan weyn ka geysan doonaan dhismaha jidka isku xira Muqdisho-Hobyo, isla markaana ay ragga uga hormari doonaan dhaqaale ururinta.

Dhinaca siyaasiyiinta waxaa shirka ka hadlay xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Xildhibaan C/raxmaan Ibraahim Shiiraar oo sheegay in ay daraasad ku sameeyeen jidkaasi, kadib markii ay arkeen dhibaatada ka taaganna ay u istaageen sidii wax looga qaban lahaa, waxayna balanqaadeen inay hormuud u noqon doonaan dhismaha jidka.
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ku dhawaaqay in dhismaha jidka isku xira Muqdisho-ilaa Hobyo uu yahay mashruuc Qaran oo bilow ka ah horumarka dalka, oo salkiisu yahay nabadgelyada la helay.

Cali Geedi wuxuu intaas ku daray in qomiyada Muddulood oo ah gogoshii dowladnimada ay mashruucan bilowday, “Waan hubaa inay Soomaali oo dhan ugu hanbalyeyn doonto, kuna soo biiri doonto dhismaha jidkan, anaga bilowgiisa ayaan leenahay, laakiin jidku waa jid Qaran, kamana hareyno ilaa uu ka dhismo” ayuuna sii raaciyay.

Wuxuu baaq u jeediyay dadweynaha Muddulood ee ku nool dalalka dibadda isagoo ugu baaqay inay dhaqaale ugu yaboohaan mashruucan balaaran ee muhiimka ah, wuxuuna kula dardaarmay in baaqan la gaarsiiyo guri kasta iyo qoys kasta si loogu guuleysto dhismaha jidka baahida weyn loo qabo. Cali Maxamed Geedi wuxuu kaloo beesha caalamka ugu baaqay inay taageero ka geysato dhismaha jidka, wuxuu sidoo kale dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan dhismaha jidkan.

Intii uu shirka socday waxay Injineerada soo qiimeeyay dhismaha wadadda isku xirta Muqdisho-Hobyo ee dhinaca xeebta soo jeediyaan daraasad ku saabsan xaaladda jidka iyo baahida dhaqaale ee la doonayo si loo dhiso. Waxay soo bandhigeen qorshe lagu dhisayo wejiga koowaad 300KM oo carro kaawo ah, waxayna sheegeen in dhisma jidka halkii KM ay ku baxeyso dhaqaale dhan $250,000. Waxay Injineeradu caddeeeyeen in caadiyaan 1km oo jid ah lagu dhiso Hal Milyan oo doolar, balse ay iyagu isku tashanayaan wax faa’iido ahna aysan ka rabin.

Intii uu shirka socday waxaa la soo xiriiray jaaliyada beesha Muddulood ee dalalka Koonfurta Suudaan, Koonfur Afrika, Kenya, Mareykanka iyo kuwo kale oo balanqaaday inay gacan weyn ka geysan doonaan dhismaha jidka.

Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa shirka u yimid inuu ka sheego farriin uu ka siday Beeshiisa oo ahayd inay ka qeyb qaadanayaan dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Hobyo, wuxuuna balanqaaday inay dhinacooda ay diyaar u yihiin taageerada jidkaasi.
Xaaji Cabdi Iimaan ayaa isna shirka uga dhawaaqay in Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ku yaboobay dhaqaale dhan 20,000 Doolar oo dhismaha jidka uu ku darsaday, taasoo noqoneysa dhaqaalihii ugu horeeyay ee dhismaha jidka u soo xerooda.

Waxaa shirka mar kale soo gunaanaday Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ugu danbeytii u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qeyb qaatay shirka iyo intii waqtigooda gelisay mashruuca dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Hobyo.
image
Guddiga Warfaafinta Dhismaha Jidka isku xira Muqdisho-Hobyo
Muqdisho-Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " SHIRWEYNE LAGU QABTAY MUQDISHO OO LAGU DAAHFUREY DHISMAHA JIDKA ISKU XIRA MUQDISHO IYO HOBYO. "

  1. Masha Allah Waa arin lagu farxo RUNTII in la hada la bilaaway wixii mudo lagu haminayay ee ah Dhisida iyo isku xirka Magalada xudunta u ah Wadanka iyo Caasimadda Wadanka. Waana soo dhaweyneynaa in mashruucaasi la bilaawo. Waxaana leenahay Alle ha idiin fududeeyo Cidkasta oo ka qeyb qaadatana dhisida wadadaasi, Alle ha uga dhigo ( Saqadu Jaariyah ). oo ah Camal aan weligiis kaa go;eyn.

    dhisidda wadadaasi waxay qeyb weyn ka qaadan kartaa, si habsami ahna u fududeyn kartaa isku socodka Goboladda dhexe ee wadanka iyo Caasimadda WAdanka.

    Waxaan leenahay DADAALKAASI ha laga dhabeeyo oo ha noqdo mid si habsami ah u hirgala.

    Insha Allah

    QURAANSHO ARUURTEY BULAC WAA JIIDA = HADDII LA ISKU KEENO FIKIR,DADAAL IYO MAAL WAXAA SUURO GAL NOQON KARA IN WAX WALBA OO WANAAG AH EE LAGU HAMINAYO SI WADAJIR AH LOO GAARO. DADKANA AMA JIILKA DAMBENA LOOGA TAXO WAX DHAXAL GAL AH OO AY KU AMAANAN WAALIDIINTII KAHOREYSAY.

    DADAALA WAA GAARAA..

    WADDDO HIGHWAY AH FROM MUGDISHO 2 HOBYO CIT = 4 HOURS. WILL BE A FABILOUS JOURNEY.

    WE ARE WELCOMING ANY EFFORTS THAT CONTRIBUTES THE IMPLEMENTATION TO THIS PROJECT.

    THANKS 4 ALL

    SOMALIA HA NOOLAATO

    Mida kale waxaan ugu baaqaya umadda soomaaliyeed in la kordhiyo mashaariicda waa weyn ee hal bolwaha u ah ( INFRUSTRUCTUR KA ) wadanka. sababtoo ah waxay qeyb ka tahay HORUMARKA WADANKA.

    HOBYO IYO MUQDISHO oo la isku xiraa waxaa ku jira Faaidooyin aad u tiro badan oo aan la soo koobi karin.

    Waxaan leenahay waa bilow wanaagsan. waxaana u rajeynaynaa in sidii loogu tala galey u dhamaado mashruucaasi la isugu xirayo 2da magaalo ee dalka.