Home » Faallo »

Dhalinta Soomaaliyeedeey Qabyaaladi Qiil ma leh”

Waxaa maalmahaan goobaha ama baraha bulshadu ku kulanto sida facebook-ga aan ku arkayaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo isku jirta hablo iyo wiilal oo ku hadaaqaya ama ku hadlaya ficilo qabiil wax looga sheegayo ama qabiil ku faanaya dhalinta Soomaliyeed miyeysan ogayn halka ay dunidda ka joogaan miyeysan ogayn qabiil iyo qabyaalad inuu Qaxootinimo ka dhigay miyeysan ogayn qabiil ama qabyaalad inay Qaran la ‘aan ka dhigtay qabyaalad aan qiilahayn oo aan qabriga kula galayn oo aan qareen ku noqon doonin maalinta qiyaame maxaad waqtigaaga ugu lumen?..
image
Ummad waliba waxay ku hormarta guul iyo gobonimo ku gaartaa waa dhalinta xooga dal ama qaarad ama qoys waa dhalinta haddii dhalintu noqoto kuwo ku fekera hormarka iyo midnimadda ummadooda waxaa hubbaala in ummaddaasi ay gaarto guul.

Dhalintii Soomaaliyeed ee ay ku dhacday Qaran jabu waxay hooy u noqdeen ama marti u noqdeen 3dex) marxaladood oo kale duwan..

Marxlada koobaad dhalintii Soomaaliyeed wixii ka dambeeyey 1991 waxay noqdoon kuwo QAXOOTINIMO) marti u noqday waxaana qalbi jab ku noqday qaxa aan qiilahayn iyo QARAN) jab taasoo meesha ka saartay in dhalintii Soomaaliyeed inay arkaan Qaran Soomaaliyeed ayna kala garan wayaan Qaran iyo Qabiil..

Marxaladda labaad waa Khaad) dhalintii Soomaaliyeed ee joogtay dhulkii hooyo waxaa faro ba,aan ku haya maan dooriyaha Jaadka ama khaadka tasoo qaran jab kale ku ah da ‘yartii qaranka Soomaaliyeed Khaadku wuxuu dhalintii Soomaaliyeed ka dhigay kuwo ma fakaro yaala wuxu ka dhigay kuwo anlahayn tacliin waxbarasho

Marxalada sadexaad waa qabyaalad aan qiilahayn dhalinta Soomaaliyeed markii ay wayeen Qaran Soomaaliyeed waxay qiil ka dhigteen qabyaalad in kastoo qabyaaladu saamaysay dhammaan ummadda Soomaaliyeed intooda badaan laakiin jiilashii Soomaaliyeed ama da,yartii Soomaaliyeed waxay aad ugu milmeen qabyaalad.

Waxaad arkaysaa dhalinta jogta dalkii iyo kuwa joga qurbaha inay ka siman yihiin qabyaalada waxaad baraha ama goobaha bulshadu ku kulanto aad ku arkaysaa Aafkaar) ama ra,yi qaldan kuna salaysan qabyaalad qabiil iyo u qareemida marxalaad ku salaysan Qabiil dhalinta Soomaaliyeedeey fiirsha halka manta caalamku marayo eega dhalinta Aduunka wax ka barta dhalinyarooyinka aad caalmka ku aragteen iyo kuwa dariska inala ah..

Maxaan ka dhaxalay qabyaalad
Maxaan ka dhaxalay qabyaalada?waxaan ka dhaxalay ama aan ka f’aaiidnay qaraan la, aan baahsan xaqootinimo qabqable loo adeego shaqo la,aan baahsan iyo quursiga qof kula mida oo walaalkaaya waxaan ka faa’iidnay qorshe la, aan aan dhalinta Soomaaliyeed lahayn wax qorshaa oo ay ku fekerayaan walaaleyaal qabyaaladu waa qurun aan qiilahayn ee aan ka fogaan aana ku badalo inaan raadino qarankeenii Soomaaliyeed iyo isku keenida shantii Soomaaliyeed..
Dardaaran ku socda dhalinta Soomaaliyeed
Dhammaan dhalinta Soomaaliyeed ama da’ ayrta ummadda Soomaaliyed waxaan u soo jeedinaya inay iska daayaan qabyaalada iyo qabiilaysiga shaqsiga dhalin yaradaa ee jooga qurbaha waa inuu eego waxa loo yaqan maxaa laguu yaqaan? Haddii aan kaaga jawaabo waxaa laguu yaqaan Soomaali laguuma yaqaan reer hebel sidaas darted waa inaan ku fekero inaan ka fogaano qabiilaysiga iyo qabyalada aan qiilka lahayn.

Waxaan idin sheegaya dadka wawayn ee Soomaaliyeed wanaag iyo xumaanbaa waa soo qaateen waqtigoodii maantana xilku ama mas ‘uuliyadu waxay saran tahay waa da ‘yarta Soomaaliyeed waxaa la.inaga doonaya inaan ummadeenna ka saaro silica iyo dhibaatata ay ku jirto laakiin waa markee markaan ummdeena hormarin karo? Waa markii aan iska dhaafno qabyaalada waa markii aan isku duubnano kana guuro fekerka qaldan ee qabiilaysiga..

Waxaan ku soo koobayaa tixdaan uu tiriyey nin dhalinyaraa oo lagu magacaabo Abwaan Khaliif faarax xayr
Doorkeenii weyee dulmiga ma hor istaagnaa
xaq maw dagaalannaa
danta guud ma eegnaa
dabka shidaan madaminaa
ubadkeena dayacaan Daryeel mawsamaynaa?..

W/Q Cabdinuur Faarax Maxamud
EMail-guuleed72@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.