Home » Warar »

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xafiiska Ku Qaabilay Safiirka Sweden iyo Ergeyga QM ee Soomaaliya

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa
magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya
Soomaaliya iyo Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire
Niclos Key.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn waxa uu maanta xafiiska ku
qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael
Lindvall ayadoo kulankii xigayna uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay
Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niklos Key
waxaana uu wadajir kala hadlay xaaladda dalka iyo sidii ay kusoo
gebageboobeen kulammadii Baarlamaanka.
image
Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindval iyo
Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key
waxa ay si wadajir ah u ammaaneen sida ay kusoo gebageboobeen doodihii
Baarlamaanka iyo kulankii codeynta mooshinka kalsoonida uu Baarlamaanka
kala laabtay Xukuumadda Ra’isulwasaare C/weli waxaana ay dhanka kale
wadajir u ballan qaadeen iney sii wadi doonaan taageerrada ay la garab
taagan yihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka
taageerrada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo sidii ay u
tixgeliyeen codsigiisii la xiriiray in hay’adaha Dowladda Federaalka
Soomaaliya loo siiyo fursad iney arrimahooda xal ka gaaraan oo aanan lagu
faragelin.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.