Home » Warar »

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo Codka Kalsoonida ka waayey Baarlamaanka Soomaaliya

153 Xildhibaan ayaa Codka Kalsoonida kala laabatey Raisul wasaaraha Soomaaliya, waxaa diidey mooshinka 80 Xildhibaan, waxaa ka aamusey 2 Xildhibaan, sidaas ayuu xilkiisii ku waayey ra’iisul wasaaraha…

Waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya sabti December 6, 2014 ka dhacay Kulankii ku aadanaa Mooshinkii laga keeney Raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxaana Kulanka markii hore soo xaadiray 211, laakiin waxaa markii dambey tiradu gaartey 235 Xildhibaan, markii xildhibaanadu codeeyeenn bilaabatey Tirinta Codadka Xildhibaanada iyadoo loo tirinayo Saf Saf.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dheeraaday Heerarkii uu soo marey Kulmadii Baarlamaanka, waxaana uu ku dawaaqey Tirintii Codadka Xildhibaanada waxayna u dhacdey sidatan: 153 Xildhibaan ayaa Codka Kalsoonida kala laabatey Raisul wasaaraha Soomaaliya waxaa diidey 80 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 Xildhibaan.

Waxaana Gudoomiyha Baarlamaanka uu sheegey in Raiisul Wasaaraha Soomaaliya cabdiweli Shiikh Axmed uu waayey Codka Kalsoonida Baarlamaanka, waxana madaxweynaha uu ka codsadey in uu soo Magacaabo Raiisul wasaare Cusub.

Gacan Taag...

Gacan Taag…

abdiweli

Warbixin intii uu socdey kulanka hoos ka akhri

Shacabka Soomaaliyeed oo Aragtidooda ka Dhiibtey sida ay u arkaan Kulanka Baarlamaanka ee Maanta

Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli waxaa ka socda Kulanki adkaa ee ku aadana Mooshinkii laga keeney Raiisul Wasaaraha Soomaaliya iyadoo Kulankaan ay u dhagataagayaan Dhamaan Shacabka Sooomaaliyeed meel kasto joogaan “ Kuleyl iyo qabow midna iguma hayaan waayo Labadooda waxaan aaminsanahay in aysan Soomaali wax u tarin “ sidaa waxaa yiri Cali barre.

“ hadii Raiisul Wasaaraha uu helo Codka Kalsoonida waxaa adkaaneysa in ay sii wada shaqeeyaan Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha marka waa in uu mid meesha ka baxo hadii la doonayo in ay sii shaqeyso Dowladda Federaalka “ sidaa waxaa yiri Faadumo Muuse.

“Dowlada Madaxweynaha uu ka yahay Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa ka Cabsi qabaa in ay jabiso iskoorka Khilaafyada Madaxda Dowladda oo inta uu joogo Xasan sheikh waxaa laga yaabaa in Afar Raiisul Wasaare yeelato ilaa laga gaarayo 2016 marka waxaan leeyahay Kulanka maanta in ay ka soo baxaan waxa ay Soomaali ku faraxdo” sidaa waxaa yiri Avv Xuseen Yuusuf .

khilaafd

Bilowgii kulanka hoos ka akhri:

WAR DEG DEG AH :Kulankii Baarlamaanka ee Mooshinkii Raiisul Wasaaraha oo si rasmi ah u furmey.

Sabtid Dec 6, 2014: Waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waqti aan sidaa u dheereyn ka furmey Kulankii Baarlamaanka , waxaa kulankaan uu ka duwan yahay kulmadii hore waayo waxaa maanta la kala ogaan doonaa in Raiisul wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed uu dhaco ama uu sii joogo.

Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa u furey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaaroo oo sheegey in Marka hore laga doodi doono Mooshinka ka dhanka ah Raiisul wasaaraha ka dibna loo qaadi doono Codka kalsoonida , waxaana kulanka maanta uu ku furmey 211 Xildhibanaa.

Goor dhow waxaa la dhaariyey Howladeenada baarlamaanka ee Tirinaya Codadka si aysan u imaan wax isdaba marin hase yeeshee weli waxaan la isku raacin in Codadka ay noqdaan Gacantaag ama si Qarsoodi ahaan, waxaase markii dambe lagu codeeyey gacan taag.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.