Home » Warar »

December-ta 2015 maxaa la filan karaa?

Xasan Shiikh “Ma jabin doonaa Rikoorka u yaala soo Magacaabista Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya”

10-kii September 2012 –waxaa markii ugu horaysay Magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxwayne Xasan Sheikh Max’uud oo ka mid ahaa Bulshada Rayidka, waxa uuna Raii’sul wasaare u magacaabay Saacid Faarax Shirdoon waxayna ahaayeen labo nin oo aad isugu dhow marka loo eego Madaxdii iyaga ka horeeyey, waxaana sanad ka dib soo shaac baxay Khilaafkooda iyadoo Madaxwaynaha ay hore uga soo yeertay “intii aan eersani lahaa nin la ii keenay waxaan eersanayaa nin aan aqaano” waxaana dhacday in Baarlamaanku meesha ka saaro Ra’iisul Wasaare Saacid kadib markay u dulqaadan waayeen Khilaafkooda.

Waxaana durba Madaxwayne Xasan Sheikh miiska soo saaray nin ku cusub siyaasada Soomaaliya waa Raii’sul wasaare C/weli Skiikh Axmed oo la rumaysan yahay iney saaxiibadii u keeneen oo aanay aqoon dheer isu lahayn, waxaana laga soo xigtay in Madaxwaynuhu yiri “waxaan Raii’sul wasaarahan kala soo dhex baxay in ka badan 40 siyaasi.

2-dii December 2013 ayey ahayd markii Codka Kalsoonida Baarlamaanka uu ku waayey Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Farax Shidoon waxaana Gudoomiyaha Baarlamaankaa oo ku dhawaaqyey Natiijadii Cod bixintu yiri “249 xildhibaan ay codkooda dhiibteen. Waxaana in xukuumadda kalsoonida lagala laabto u codeeyey 184 xildhibaan, halka ay 64 xildhibaan codkoooda siiyeen xukuumadda, mana jirto cid ka aamustay.

Sannnad ka dib 6 December 2014 baarlamaanku wuxuu ku dhawaaqey Natiijadii Codbinta ee Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed wuxuuna yiri “153 Xildhibaan ayaa Codka Kalsoonida kala laabatey Raisul wasaaraha Soomaaliya waxaa diidey 80 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 Xildhibaan “ sidaa darteed waxaan Madaxweynaha ka codsaneynaa in muddo bil ah soo magacabo Ra’iisul Wasaare Cusub.

Waa Raiisul Wasaarihii Labaad oo muddo Sannad ah la rido sababatoo ah 2-dii December 2013 ayuu Saacid waayey Codka kalsoonida halka Cabdiweli uu waayey 6 December 2014 waa December ilaa December marka Su’aasha waxay tahay maxaa la filan karaa December-ta soo socota ee 2015.

image

Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu Xilka hayaa muddo Laba sanno waxaa uu magacabey laba Ra’iisul Wasaare , ma waxaa uu barbaro la noqon doonaa Madaxweynayaashii ka horeeyey sida Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo magacaabey min Saddex Ra’iisul Wasaare mise waxaa uu jabin doonaa Rikoorka u yaala soo Magacaabista Ra’iisul Wasaaryaasha Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.