Home » Warar »

RW Cabdiwali oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan hore Liibaan, una rajeyey caafimaad Xildhibaan Mayow Mustafe

Muqdisho, 04, Dec, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa cambaareeyay weerarkii foosha xumaa ee kooxaha Argagixisadu saaka ku dileen allaha u naxariistee Xildhibaan Hore Liibaan cabdullahi Nuur, una rajeeyey caafimaad Xildhibaan Mayow Mustaf Isaaq oo dhaawac soo gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falalka argagaxisadu ka gaysanayso caasimadda ay muujinayso awooda kooxaha nabad diidka oo ku soo ururtay iney fuliyaan falal gaadmo ah, waxana si aad ah u farayaa ciidamda amnigu in ay ka hortaagaan kooxahaan caadaystay laynta dadka bulshada dhexdeeda maqaamka ku leh.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, ehelkii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed dilkii saaka loo gaystay marxuum Ex- Xildhibaan hore Liibaan Cabdullahi oo kooxo hubaysan saaka ku dileen Xamar Weyne, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu jannatul Fardowso ka waraabiyo, Samir iyo Imaana ka siiyo Ehelka, Qaraabada iyo dhammaan intii jeclayd” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana Caafimaad taam ah u rajyeeyey inuu Alle siiyo Xildhibaan Mayow Mustaf dhaawaceen kooxaha nabad diidku.
image
Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho ugu tagay xildhibaanka oo qaliin looga sameynayey Isbitaal Madiina, sidoo kalana ugu baaqay laamaha amniga in ay dar-dar galiyaan howlaha lagu sugayo amniga caasimadda iyo xildhibaanada baarlamaanka.

–DHAMMAAD—

Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Tel: +252-6988-88022

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.