Home » Warar »

War-saxaafadeed: Madaxweynaha Somalia oo u hambalyeeyey Madaxweynaha Koofur Galbeed

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in madaxweynaha DFS oo booqasho ku tegey magaalada Baydhaba ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur galbeed.

Dhanka kale warsaxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa tibaaxay in “AMISOM Soo Dhaweysay Dhaarinta Madaxweynaha Kumeel Gaarka ah ee Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya.”

Sidoo kale warsaxaafadeed kasoo baxay UNSOM ayaa sheegay in “Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya u hambalyeeyay hogaamiyaha cusub ee Maamulka Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed”..

Sawir muuminaya madaxweynaha DFS oo uu garab taagan yahay askari Soomaaliyeed halka madaxweynaha Koonfur galbeed uu garab taagan yahay askari AU ah

Sawir muuminaya madaxweynaha DFS oo uu gadaal ka taagan yahay askari Soomaaliyeed, halka madaxweynaha Koonfur galbeed uu garab taagan yahay askari AU ah.

Hoos ka akhri warsaxaafadeed-yada:

3 December 2014, Baydhaba, Madaxweynaha Jamhruiyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Beydhaba uga qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed.

Khudbad uu Madaxweynuhu jeediyay wuxuu ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay labadii sano ee na dhaafay ee dhinacyada dhigidda asaaska Qaran shaqeynaya, hirgelinta unugyada asaaska u ah dib u habeynta Qaranka, horumarinta qaanuunno muhiim u ah oo kaaba shaqooyinka iyo nidaamka Qaranka, sameynta heykal dowladnimo, rasmiyeynta xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, xoojinta xiriirka aan la leennahay dalalka deriska ah, dib u habaynta hey’ado muhiim ah, hirgelinta Golayaal lagu wadahadlo, iyo in la meelmariyo hindisaha ah in la is waafajiyo kaalmada caalamiga ah ayada oo loo marayo Heshiiska cusub ee Somali Cmpact.

Madaxweynuhu wuxuu Madaxweyne Shariif ku adkeeyay in looga baahan yahay in uu ku hoggaamiyo maamulkiisa qaab muuqda oo aan bulshada Soomaaliyeed daah ka saarneyn. Iyo in uu xaqiijiyo in ay Hey’adaha Soomaalidu ay waajibkooda gutaan si loo xaqiijiyo in muwaaddinka iyo kooxuhuba ay sharciga u siman yihiin. Isla markaana ay hey’aduhu ku shaqeeyaan sida ay dantu ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay shakhsiyaadka iyo kooxuhuba ay wixii ay isku khilaafsan yihiin ay ku xalliyaan si nabad ah.

Madaxweynuhu wuxuu kula dardaarmay Madaxweyne Shariif Xasan in uu dadka uu matalo uu kala qeyb qaato nidaamka siyaasadeed ee dalka dib loogu shidayo asaga oo ka hadlay waxyaabaha ay tahay in muhiimadda la siiyo bilaha soo socda “Dowladda Federaalka waxaa laga rabaa in ay qabato howlo muhuum ah ka hor inta aanuu dhammaan Kalfadhiga Baarlamaanka ee soo socda. Waa in aan xaqiijinnaa in uu Baarlamaanku ansixiyo Guddiga Soohdimaha iyo Federaalka iyo Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka. Shuruuc muhiim ah waa in la sameeyaa. Waa in aan si deg deg ah wax uga qabannaa ku soo daridda ciidammada Gobollada si loo xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loona helo faa’iidada Federaalism-ka. Kaalinta ay Koofur Galbeed ku leedahay in howlahaasi ay guuleystaan waa mid muhiim ah.

Dhammaad

Office of the President of Somalia
media@presidency.gov.so


PRESS RELEASE

(For Immediate Release)

AMISOM oo Soo Dhaweysay Dhaarinta Madaxweynaha Kumeel Gaarka ah ee Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya.

BAYDHABO, Somalia – December 3, 2014 – Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya, Danjire Maman S. Sidikou ayaa maanta kaga qeyb galay magaalada Baydhabo ee Soomaaliya dhaarinta Madaxweynaha Kumeel gaarka ah ee Maamulka Konfur Galbeed, Sharif Xassan Sheikh Aden.

Maamulka Kumeel Gaarka ee Konfur Galbeed ayay hoos imaanayaan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose. Sameynta Maamulka Kumeel Gaarka ee Konfur Galbeed ayaa qeyb ka ah geedi socodka la wado ee lagu hirgelinayo qaabka Federalka si waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xafladii caleema saarka, ayuu yiri Danjire Sidikou: “Midowga Afrika iyo runtii shucuubta Afrika dhamaantood ee laasimka kaga dhigay wiilashooda iyo gabdhahooda inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed sidii ay ugu raaxeysan lahaayeen nabad una suura gelin lahaayeen xaqa ay u leeyihiin nolol, way sii wadi doonaan inay ku taageeraan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dalkooda booskiisii lagu faani jiray iyo sharaftiisiiba.”

Waxaa kale oo uu yiri xaqiijinta dowladda cusub iyo sidoo kale maamulkeeda kumeel gaarka ah ayaan aheyn oo kaliya guul u soo hoyatay shacabka sadexda gobol laakiinse ah udub dhexaad ay qotomisay Dowladda Federal-ka ah, dadaalkeeda ay ku xaqiijineyso ujeedooyinka aragtida sanadka 2016.

Markii uu uga mahad celinayay Madaxweyne Xassan Sheikh Moxamud taageeradiisa geedi socodkan, Danjire Sidikou wuxuu ku dhiiri geliyay Madaxweynaha Maamulka Komeel Gaarka ee Konfur Galbeed Sharif Xassan Sheikh Aden inuu sii wado geedi socodka dib u heshiisiinta, si uu aasaas adag ugu dhigo dhisida nabad waarta iyo horumarka dowladda. Wuxuu ku booriyay Madaxweynaha Maamulka Komeel Gaarka ee Konfur Galbeed inuusan balan fur ku sameynin kalsoonida ay shacabkiisu dusha u saareen.

Xaflada caleema saarka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Xassan Sheikh Moxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya, Cabdi Qaybdiid-ka Dowladda Galmudug, Cabdulkadir Maxamuud Yuusuf Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Kumeel Gaarka Jubba iyo sidoo kale wafdi ka socday Puntland. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Uqaabilsan Soomaaliya iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub iyo Wakiilka IGAD iyo sidoo kale Danjireyaasha Ethiopia, Germany, Sweden iyo Turkey ayaa dhamaanba ahaa goob joog.

Baydhabo waa Xarunta Aaga 3aad ee ay ka howl gasho AMISOM kaasoo ay masuul ka tahay Guutada Ethiopia. Guutada Ethiopia ee hoos imaato AMISOM ayaa suura gelisay taageeradii loogu baahnaa xaqiijinta geedi socodka, siina wadi doonto caawinteeda maamulka cusub iyo dowladda u hirgashay shacabka.

____________________________________
For more information, please contact; Eloi Yao, AMISOM Spokesperson,
Cell phone: (Somalia) +252 699 525 773; (Nairobi) +254 702 155 126; Email: amisommediacentre@gmail.com


Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya UNSOM)

Faafin Degdeg ah

WAR SAXAAFADEED 57/2014

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa u hambalyeeyay hogaamiyaha cusub ee Maamulka Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed

Baydhabo, 3 December 2014 – Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleema-saarka Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu caleema-saaray hogaanka Maamulka dhowaan la dhisay ee Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed (ISWA). Isagoo ka hadlaya xaflad lagu qabtay magaalada Baydhaba ayuu SRSG Kay yiri, “Waxaan ugu hambalyeeynayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan caleema-saarka la caleema saaray. Tani, maanta waa talaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday xaga dhismaha Soomaaliya oo federaal ah, mideeysan oo xoog leh sida laga dheehanayo Aragtida 2016. Waxaan soo dhoweynayaa muhiimada la siiyay ka-wada-qeybgalka iyo dib-u-heshiisiinta dhamaan dadka dega deegaanada ISWA, waxaana ku boorinayaa dhamaan dadka arrintu khuseeyso in ay sii wadaan dadaalladaas.”

“Dhisidda ISWA waxay waddada usii fureysaa dadaalada lagu dhisaayo maamul shaqeeyo oo awood u leh in uu gaarsiiyo bulshada deegaanka adeegyada aadka loogu baahanyahay,” ayuu yiri SRSG Kay. “Waxaan rajeynayaa in la dhiso hay’ado loo wada dhanyahay oo ay qeyb ka yihiin kuna jiraan haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badanyahay,”

“ISWA iyo maamul goboleedyada kale ee kumeelgaarka ah waxay leeyihiin dowr muhiim ah oo ay uga qeyb qaataan dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Kumeelgaarka ah, waxaana kamid ah diyaarinta doorashooyin iyo sameynta nidaam federaal ah, iyo weliba hirgelinta Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Waxaan mar kale ku celinayaa ballan qaadka adag ee Qaramada Midoobay ee ku aadan taageerada howlahaan iyo in la caawiyo dhismaha nabad, xasillooni iyo barwaaqo ay gaarto Soomaaliya iyo gobolka.”

###

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.