Home » Maqaallo »

Khilaafka Madaxda Soomaaliya, Khalad aan wax laga baran!!

Hadal heynta ugu badan ee arimaha soomaaliya ayaa noqotay khilaafka madaxdad soomaaliya gaar ahaana madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Shacabka, warbaahinta iyo xittaa hay’adaha dawladda sida baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa la kala saftay madaxda is qabatay. Madaxda is qabatay midkasta wuxuu ku doodayaa anigaa waddo sharci ah ku taagan, waxay kale oo ku doodayaan inay diyaar u yihiin in sharciga dalka u degsan lagu kala baxo.

Dadka soomaaliyeed ee wax qoraa meelo badan ayay ka eegeen. Qaar waxay leeyihiin Dastuurka ayaa dhib ka jira, qaar waxay khaladka saarayaan mid ka mid ah madaxda qaranka ee iskhilaafay iwm

Balse su’aasha dhabta ah ee in al is weydiiyo ay tahay waxay tahay maxaa keenay in madaxda soomaaliya 14 sano la soo dhaafay ay markasta is qabtaan?

Inta aanan su’aashaas ka jawaabin waxaan ku bilabayaa khilaafku iyo kala aragti duwanaantu waa wax ka md ah abuurka Alle iyo dabeecada uu dadka ku abuuray. Sababtoo ah waxaan ahay abuur alle oo kala dabeecad ah, guryo kala duwan ku soo Korey, qaab kala duwan wax u soo bartay maskax kala duwanna saran tahay.

Dhanka kalana Khilaafku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Allaah dadka ku ciqaabo, cawaaqib xumo aan laga soo kabana wuu leeyahay, marka hoggaanka ummaddu is qabtana kuma sii jirto!

Noocyada Khilaafka.

Culimmada Islaamku beri hore ayay wax ka qoreen Khilaafka. Waxay sheegeen in ay jiraan sadex nooc oo khilaaf ah. Kan koowaad waa kala aragti duwaanasho (Ikhtilaaf) waa wax dabiici ah oo macnaheedu waa labo qof oo arin si kala duwan u arka. Waxaaba la oran karaa haddii kala aragti duwanaanshaha lagu eego maskax caafimaad qabta waxay keeni kartaa kobac iyo hor’umar guud oo qof kasta laga yaabo sida uu wax u arkayo inuu ummada wax ugu kordhiyo ama qofka ka aragti duwan uu wax dadka anfacaya kala baxo. Nooca labaad e Khilaafku waa Muran/Dood (Jadal ). Inta badan hadafkiisu waa inaad ku guuleysato doodaada iyo yaan lagaa badin. Kan ugu dambeeya noocyada Khilaafku waa kan ugu xun waxaana lagu macneeyaa kala tag (Shiqaaq). Khilaafka noocaan ah wuxuu keena qalbiyada oo kala xirma, isku dhac aan laga heshiin Karin iyo inuu sabab u noqdo dagaal.

Waxaa la dhihi karaa Khilaafka xiligaan ka dhex taagan madaxda dawladda soomaaliya wuxuu soo maray sadexda qayboodba. Wuxuuna hadda marayaa nooca ugu dambeeya oo aan waxba la iskula hareyn.

Xagge sartu ka quruntay

Sidaan kor ku xusayba arinta doodad, daraasadda iyo Maskaxda u baahan maahan maxay isku hayaan Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’isul wasaare C/wali ee waxay tahay maxaa keenay Khilaafka soo noqnoqday ee madaxda sare ee dalka gaar ahaan hogaanka laanta fulinta tan iyo 2000. Haddaan arinatas aragtidayda ka dhiibto.

Tan iyo markay dhacday dawladdii dhexe ee soomaaliya waxaa jiray isku deyyo lagu soo celinayay dawladnimaddii soomaaliya. Shirkii ugu horeeyay ee dawlad lagu dhiso wuxuu ahaa shir magaalada Carta ee Dalka Jabuuti. Shirkaas natiijada ka soo baxday ka sakow waxaa lagu go’aamiyay qaab dhismeedka dawladnimo ee Soomaaliya. Waxaa la yiri Soomaalidu qabaa’il bay isu dishay, waa kala aamin baxday waxaana horey usoo dilooday nadaam kaligi talis ah sidaaas darteed waa in la dhisaa nadaam dawladeed oo awoodda isu dheeli tira. Waxaa la dhisay Baarlamaan ku dhisan nadaam beeleedka 4.5 (Beelaha dagaalamay iyo inta nabadda jecel!!). waxaa lagu go’aamiyay in dalku yeesho Madaxweyne iyo Ra’isul wasaare qabiil ku salaysan (inkasta oo labadii qabiil ee dalka dumisay lagu soo koobay) waxaa lagu dhisay gole xukuumadeed oo hab beeleedka 4.5. ku qaybsan (inkasta oo kan hadda jira 5 beelood loo qaybsaday).

Intii ka dambeeysay Shirkii Carta waxa ku soo kordhay geedisocda dhismaha dawladnimo ee soomaaliya labo arimood oo kala ah nadaamka federalka (shirkii Nairobi 2004) iyo in la qaato nadaam baarlamaani ah (parliamentary system) shirkii Garoowe 2012.  Aragtidayda waxaa xiriir toos ah ka dhexeeyaa qaab dhismeedka dawladda iyo khilaafka madaxda ee soo noqnoqday.

Qaab dhismeedkaan wuxuu hogaanka iyo maamulka laanta fulinta (executive department) u dhiibay labo mas’uul oo aan isku xisbi ka imaan sidaas darted afkaar mideyn, dastuurku awoodooda iyo shaqadooda si cad u kala saarin islamarkaasna ujeedadu tahay inay is ilaaliyaan ee aysan ahayn inay wada shaqeeyaan taas oo keenta in markaba bilaabato xulufo abuurasho xukuumadda ka dhex bilaabata sin in kasta ciddii ka ilaalin lahayd u sameysto.

Waxaa laga yaabaa in la yiraahdo dastuurka ayay ku caddahay qof kasta shaqadiisu laakiin waxaa aaminsanahay in dastuurku dawladda uu sharxayo iyo xiliga la joogo aysan is lahayn. Dastuurku wuxuu qeexayaa Ra’isul wasaare ku yimid nadaam baarlamaani ah oo la soo doortay, awoodna u leh fulinta hawlaha dawladda maadaama uu haysto sharciyadda shacabka isla markaasna haysta aqlabiyad baarlamaan. Hasayeeshee maantay waxaan joognaa heer madaxweyne magacaabayo ra’isul wasaare. Malaha waxaa dhaftay qoladii dastuurka iyo nadaamka inoo diyaarisay in la yiraahdo Ra’isul wasaaraha waxaa dooranaya baarlamaanka oo waa loo tartamayaa sida madaxweynaha? Markaas wuxuu lahaan lahaa awood sharci ah oo uu ku qaato go’aan kaligi ah.

 

Maxaa Xal ah?

Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye.(Abwaan Hadrawi)

Bini’adamka waxaa Allah caqliga u siiyay inuu ku garto waxa maslaxadiisu tahay. Dhanka kale nadaam kasta oo la dejiyo ama lagu heshiiyo wuxuu u baahan yahay dib u fiirin marka cilladihiisa la fahmo. Tusaale ahaan markuu geeriyooday Nabi Muxamed (SCW) waxaa la magacaabay Abu Bakar Sadiiq oo loo bixiyay Khaliifu Rasuulillah. Haseyeeshee markii uu geeriyooday abu Bakar magacii waxaa loo bedelay Amiir’ul Mu’miniin maadaama ay adkaatay in la yiraahdo Khaliifkii Khaliifka rasuulka. Taas waxay ku tusaysaa maskax caafimaad qabta oo nadaamkeeda dib u eegis ku samaysay. Waxaa kale oo la wada ogyahay in dhammaan dawlahada dunidu sidaas oo kale dib u fiiriyaan nadaamkooda dawladnimo wax aka shaqaynaya iyo waxa aan shaqeynayn. Tusaale ahaan dalka Turkiga waxaa hadda ka socota dood ku saabsan in dalku ahaado nadaam baarlamaani iyo in loo bedalo nadaamka madaxweynenimada (presidential system). Haddaba aragtidayda waxaa u baahan in dib u eegis lagu sameeyo inta aan la gaarin 2016 qaab dhismeedaka dawladnimo ee dalka iyo awoodaha madaxda. Waxaan isleeyahay waxaa furan dhawr qaab midkood in laqaato

  • In dalku yeesho madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen. Musharax kastana marka uu tartamayo la yimaado cidda ku xigeen u noqonaysa.
  • In madaxweyne awood leh (waliba siyaasada arimaha dibadda iyo amnigu asaga hoos yimaadaan) iyo Ra’isul wasaare siyaasada gudaha hogaamiya la sameeyo (semi-presidential system)
  • In Ra’isul wasaaraha baarlamaanku doorto meeshii madaxweyne ka magacaabi lahaa inta laga gaarayo in shacab wax doorto, laakiin awooddooda si cad loo kala saaro.
  • In shardi laga dhigo in madaxweynuhu magacaabo qof ay isku xisbi yihiin siyaasad ahaana isku aragti yihiin si ay u wada shaqeeyaan

Intaas haddaan la yeelayn waxaan soo jeedinayaa in hogaanka dalka laga leexiyo qabaa’ilka hadda haya (Hawiye iyo Daarood) isla markaasna loo dhiibo soomaalidda nabadda jecel sida Jareer, Raxanweyn Reer Xamar IWM.

 

Waxaa Qorey

C/wali Maxamud Qurux

Qurux09@hotmail.com

Southampton UK

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.