Home » Maqaallo »

Siyaasiyiinta Soomaalida oo dalkii u gacan geliyey Itoobiya xilli rajo laga qabay qaran Soomaaliyeed oo mid ah islamarkaana madax banaan

Siyaasiyiinta Soomaalida, ayaa dalkii u gacan geliyey taliska Xabashida ee ay hormuudka u tahay Qowmiyadda Tigreeda xilli rajo laga qabay qaran Soomaaliyeed oo mid ah islamarkaana madax banaan.Waana waxa ay ku saabsan tahay qormadan gaaban.Itoobiya ayaa si dadban u la wareegtay dalkii, Iyadoo ka faa’iideysaneysa kala qeybsanaanta dadka Soomaalida ah iyo waliba waxtar-xumida Siyaasiyiintooda.

Maadaama ay labada dal u dhaxeyso colaad gaamurtay oo salka ku hayso muran xagaa dhulka ah iyo waliba cidda hurmuudka u noqoneysa Mandaqan Geeska Africa, ayaa waxa ay taasi keentay in labada dal uu midba midka kale u arko cadow ay qasab tahay in la burburiyo.waana siyaasadaa ay Itoobiya kula dhaqmeyso dalka Soomaaliya ilaa maanta.

Iyadoo ay Itoobiya ka duuleyso aragtida aan kor ku soo xusay oo ay waliba la qabto Walaasheeda, taas oo uu markii danbe cadeeyey Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Ara Moi sanadku markuu ahaa 2003 xilli uu khudbad ka jeedinayey Jaamacad ku taallo Dalka Maraykanka.Aragtidaas oo oroneysa Soomaaliya oo leh dowlad xoogan waxa ay qatar ku tahay jiritaanka dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Markale Iyadoo Itoobiya ka falcelineyso, weerarkii ay Soomaaliya ku qaaday Itoobiya Sanadku markuu ahaa 1977. kaas oo ugu danbeyn keenay, in ay ciidamada Soomaalida muddo gaaban gudahood ku qabsadaan dhamaan dhulkii ay Xabashidu ka haysatay dadka Soomaalida ka dib markii loo xoogsheegtay ciidamadooda.Intii waqtigaasi ka danbeeysay, Waxa ay Dowladda Itoobiya u kabagashatay sidii ay u burburin lahayd dalka Soomaaliya wadda kastaaba ha u marto.

Dagaalkii 77 ka dib, Waxa ay Itoobiya bilowday qorshe ay ku burburineyso Soomaaliya, Iyadoo isticmaaleysa jabhado Soomaali ah. Qorshahani ayaa saldhig looga dhigay siyaasadda qeybi oo xukun,Kaas oo ugu danbeyn keenay in la rido Dowladdii markaasi jirtay.
Jabhadaha SNM,SSDF,USC iyo SPM ayaa ugu danbeyntii suurtageliyey in ay fusho riyadii ay Itoobiya ku riyoon jirtay ee ah in ay aragto Soomaaliya oo burburto, Islamarkaana lagu kala carara.

Hadaba maxaa sameysay Itoobiya markii ay dhacday Dowladdii Soomaaliyeed ? ma faraha ayey kala baxday arimaha Soomaaliya mise halkeedii ayey ka sii waday faragelintii iyo fowdadii ay waday ?

Markii ay dhacday Dowladdii Dhexe ee uu Madaxweynuhu ka ahaa Maxamed Siyaad, Waxay ay Itoobiya halkeedii ka sii waday qorshaheedii burburinta ahaa,Iyadoo sii hurineysay dagaaladii sokeeye ee dalka ka socday, sidoo kalena hubeysneysey hadba qabiilka ama Jabhadda ay u aragto in uu fulinayo maslaxddeeda si uu u sii socda dagaalka iyo burburka.

Iyadoo ka duuleysa siyaasaddeeda ka kooban labada qodob ee kala ah, in marka hore la fashiliyo iskuday kasta oo lagu doonayo in lagu dhiso dowlad Soomaliyeed oo xoogan, iyo haddii uu fashilmo iskudaygaasi, in gacanta lagu dhigo shaqsiyaadka horbooda siyaasadda Soomaaliya laga bilaabo heer degmo ilaa heer qaran, taaso oo ugu danbeyn u suurtagelineysay in ay gacanta ku hayso dowlad kasta oo la dhiso.

Hadaba si ay u xaqiijiso qodobkaasi danbe waa Itoobiye, islamarkaana aysan Soomaaliya u maamulin kooxo iyo Shaqsiyaad aan Iyada xiriir la lahayn, Waxa ay qaaday duulaamo dhowr ah oo ay kula dagaalameyso ururadaasi,Waxaana ka xusi karnaa duulaamadaasi kii ay ku qaaday Maxkamadihii Islaamiga, Iyadoo markaasi ku marmarsiineysay in ay caawineyso Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf.Alla muxuu taariikh madow ka tagay

Hadaba si ay gacanta ugu dhigto maamulada dalka ka jira haday ahaan lahaayeen heer degmo,heer gobol iyo waliba heer qaran Waxa ay soo barbaarisay Siyaasiyiin Soomaali ah,kuwaas oo ugu danbeyn u suurtageliyay in ay si dadban ula wareegto dalka, Islamarkaana ay Iyadu noqoto cidda kaliya ee wax laga weydiiyo mustaqbalka Soomaaliya iyo waliba nooca dowlad ee loo dhisayo.

Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye siyaasiyiinta Soomaalidu dalkii ma u gacan geliyeen Itoobiya mise maya ? Jawaabtu waa haa maxaa yeelay, ma jiro deegaan ku yaallo Soomaaliya oo aysan Itoobiya saameyn toos ah ku lahayn marka laga reebo inta yar ee ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabab.Waan ku celinayaa mar kale ma jiro deegaan ku yaalo Soomaaliya oo aysan Itoobiya si toos ah u maamulin haday ahaan lahayd Somaliland,Puntland,Jubaland,Koonfur Galbeed iyo waliba Gobolada Dhexe.

Sidaan kor ku xusayba,Waxa ay awood u leeyihiin Sirdoonka Itoobiya in ay cidda ay rabaan ka soo qabtaan dhamaan deegaanada uu ka kooban yahay dalkan marka laga reebo deegaanada ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabab.taasna waxaan u malaynayaa in ay ila qabaan dad badan oo Soomaaliyeed oo aan xaqiiqda ka gabaneynin.Amma beenaalayaasha iyaga ayey u taal

Bal si ay u qancaan dadka Soomaaliyeed ee jecel wanaagga dalkooda, Islamarkaana ay u ogaadaan in Siyaasiyiintooda ay dalkoodii u gacan geliyeen Xabasho, Xilli laga rajo qabay qaran Soomaaliyeed oo mid ah, islamarkaana madax banaan bal aan keeno tusaalayaal dhowr ah.

1-Waxaan maalin dhexdaasi ah la hadlay, nin ka tirsan maamul ka mid ah gobolada soomaaliya,Waxaana weydiiyey goorta la dhisayo maamulka gobalka iyo degmooyinkiisa.Waxa uuna ii sheegay ninkaasi, in la sugayo ninka Itoobiya u qaabilsan gobolkaasi marka uu yimaadana la dhisi doono maamulka gobolka.Waxaan weydiiyey aaway maamul goboleedkii la sheegayey iyo Dowladdii Federaalka ? Waxa uuna iigu jawaabay Anaga Itoobiya ayaa nalaga xugumaa, Iyada ayaana sugeynaa !!

2-Waxaa maalin dhexdaasi ka dhacday Magaalada Baydhabo,rawaayad aad u qosol badan oo ay Itoobiya ku soo bandhigtay Magaalada, ka dib markii ay si qasab ah uga dhigtay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Iyadoo ganafka ku dhufatay Maamulkii ay dhisteen dadka reer koonfur Galbeeed,taaso oo runtii ku tusineysa heerka ay gaarsiisan tahay saameynta ay Itoobiya ku leedahay dalka.

3-Itoobiya, Waxa ay dhawaan heshiis ballaaran la gashay Maamulka Somaliland xilli ay dalka ka jirto Dowlad Dhexe,Taas oo muujineyso in ay Itoobiya sameyn karto waxa ay rabo, islamarkaana ka sameyn karto gobolka ay doonto, Iyadoo xitta aysan jirin cid ku canaanatay heshiiskaasi sharcidarada ah walaa Madaxweyne walaa Xildhibaan walaa Xeer-ilaaliye Qaran

Dhamaan qodobadii aan xusay iyo kuwa kale oo badanba, Waxa ay na tusayaan in siyaasiyiinta Soomaalida ah ay dalkii u gacan geliyeen Xabashi, taas oo runtii ah wax laga xumaado. tusaale ahaan waxaad arkaysaa mararka qaar siyaasiyiin ku doodayo in aysan suurtagal ahayn in xil sare laga qabto Soomaaliya hadaanan taageero laga haysan Itoobiya.

Waxyaabaha layaabka badan ee la sheega waxaa ka mid ah, in ay wasiiro ka yihiin Dowladda Federaalka ah rag ku xiran sirdoonka Itoobiya,Kuwaas oo gudbiya sirta Madaxda Soomaalida gaar ahaan Dowladda Federaalka.taas oo runtii ceeb iyo yaxyaxba ku ah dadka Soomaaliyeed ee taageera Dowladda Federaalka oo aan Aniguba ka mid ahay.

Waxaan runtii isweydiiyaa mararka qaar sida aan u taageeri karno siyaasiyiin noocan ah. tusaale ahaan waan yaxyaxaa markaan maqlo Gabre ayaa la isku cabsiyaa Xamar. ama Madaxda Somaliland iyo Puntland ayaa isku garbiyo taageerada Dowladda Itoobiya. taas waxaa ka daran markii ay ogolaadeen Siyaasiyiinta Soomaalida ah, in ay Itoobiya ka mid noqoto Howlagalka Amisom, Iyagoo og xasaasiyadda ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan ciidamada Itoobiya.

Maadaam ay jirto colaad gaamurtay u dhaxeysa labada dal, Islamarkaana uu jiro dhul ay Itoobiya ka haysato Soomaaliya, Waxa ay ahayd inaanan marna la ogolaanin, in ay ciidamado Itoobiyaan ah cagta soo dhigaan ciidda Soomaaliya daruuf kasto oo jirtaba laakiin dad ay siyaasiyiin u yihiin Cabdi wali Gaas iyo wax ka mid ah xagay gaarayaan.Midda kale haddii ay sidan noqotay Tigreedii Shalay la caawiyey sow ma mudna in la isweydiiyo in la soo dhaweysan karo Amxaar qowmiyad kastaaba ha ka soo jeedee ?

Gaba gabadii, waxaa ku leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ceebay idin ku tahay inaad dalkiina u gacan gelisaan dal cadow ku ah qaranimadiina.Sidee ku ogolaateen in la idinka xukumo caasimaddii Shalay laga burburiyey dalkiina ? Aaaway damiirkiinii sowse ma ogodiin in ay qormeyso taariikh oo la oran doono hebel waxa uu ahaa ninkii sidaas iyo sidaas sameeyey. Ma ogtihiin inaad isku darsateen karti-xumo,musuq maasuq,qabyaalad,dabadhilifnimo iyo waliba muran badan. Ilaahow kuwan naga qabo adaa qaadiree

Hadda maxaa lagu tilmaami karaa Siyaasiyiinta ku shirsan Magaalada Istanbuul ee ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Mamul Beeleedka Somaliland.Haddii ay dhab ka tahay in la wadahadlo maxaa diiday in lagu wadahadlo gudaha dalka sida Magaalooyinka Muqdisho,Hargeysa,Boosaaso iyo Baydhaba ? Dalxiis iyo tamashle iga dheh

Maadaama ay ku fashilmeen Siyaasiyiinta Soomaalida hogaaminta dalka iyo waliba dhismaha qaran Soomaaliyeed, sidoo kalena ay dalkii u gacan geliyeen cadowgii soo jireenka ahaa hadaba waxaan u soo jeedinayaa siyaasiyiinta Soomaalida ah talooyinka soo socda :-

1-In aad la timaadaan aragtidii lagu dhisi lahaa qaran Soomaaliyeed oo mid ah islamarkaana Madax banaan.

2-Hadaydan keeni Karin aragtidaas inaad Umadda ka hor leexataan si dalka loo badbaadiyo

3-in aad dalka ka saartaan dhamaan ciidamadan ka soo jeeda Dowladaha Dariska ah gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya oo runtii qatar ku ah jiritaanka qaran Soomaaliyeed oo mid ah.

Codsi: Waxaan weydiisanyaa Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan dadka aqrin doona qormadan inaan ka helo feedback si aan u ogaado in la ila wadaago aragtida aan ka qabo Siyaasiyiinta Soomalida iyo waliba saameynta ay Itoobiya ku leedahay dalkeena.

W/Q:Cabdulaahi Ibrahim Cumar
Abdull2006@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.