Home » Maqaallo »

Somaaliya ma aha Jarmal!

 

Qoraa Soomaaliyeed oo dhaliilsanaa siyaasadihii ee mid kamida xukuumadihii rayidka ahaa ee dalka ka jiray 1960-1969 ayaa qoray maqaal duur-xul ahaa, nuxurka maqaalkuna waxa uu ahaa sidan “ Wasiir kamida xukuumadda ayaa booqasho ku tagay dalka Jarmalka (Galbeed) kadibna waxa aad u soo jiitay bilicda dalka iyo dhismayaashiisa casriga ah, isaga oo maanka ku hayay sida dalkiisu ugu baahan yahay dhismayaal casri ah. Intii booqashadii lagu jiray ayuu weydiiyay wasiirkii dhigiisa ahaa ee uu martida u ahaa sida ay ugu suuro gashay hirgelinta dhismayaashan casriga ah ee bilicda san, wasiirkiina waxa uu u sheegay in dalkiisu uu la dagaalamay ciidamadii dalalka huwanta ahaa oo uu Maraykanku kamidka ahaa, markii dalkiisu dagaalkii ku jabayna uu Maraykanku dib ugu dhis u sameeyay, gacanna ka siiyay inay ka soo kabsadaan dhibaatooyinkii ka soo gaaray dagaalka”.

 

Qoraaga oo hadalkiisa sii wada ayaa xusay “in markii wasiirku dalka ku soo laabtay uu xukuumaddii u soo jeediyay qorshe ku aadan in la abaabulo duullaan lagu qaado dalka Maraykanka, kasoo ujeedadiisu tahay in marka ay naga adkaadaan oo dalkeena burburiyaan ay dhismayaal casri ah oo bilcsan noo sameeyaan. Xukuumaddii ayaa soo jeedintii wasiirka la dhacday waxayna hor dhigtay baarlamaankii xilligaa jiray si loo ansixiyo qorshaha duullaanka, dood dheer kadibna gudoomiyihii baarlamaanka ayaa soo jeediyay in loo codeeyo soo jeedinta xukuumadda ee ku aadan in dagaal lagu qaado Maraykanka!, haseyeeshee intii aan codayntii la guda gelin ayaa mudane ka tirsanaa baarlamaanka codsaday in fursad la siiyo inta aan la codayn, kadibna waxa uu mudanayaashii baarlamaanka weydiiyay: garanay in haddii ay naga adkaadaan ay dalka noo dhisayaan, haddiise aan innagu ka adkaano Maraykanka oo aan jabino awood ma u leenahay inaan dalkooda dib ugu dhisno?!. Su’aashaa ayaana baarlamaanka ka joojisay ansixinta qorshihii duullaanka”.

 

Muqaalo la mida nuxurka qormadan ayaa soo if baxa markasta oo xasarado siyaasadeed ay soo waajahaan geeddi socodka dib u dhiska qaranimada dalka, iyadoo waxgaradka soomaaliyeed qaarkii ay xal ka raadiyaan in qalaalasaha siyaasadeed ee ka jira dalkeena loo helo gacan shisheeye oo wax ka qabata, iyaga oo si garasho ama garasho lahaan meesha uga saaraya in shisheeyaha ay u baaqayaan ay intii muddo ahba qeyb ka ahaayeen siyaasadda dalka, waxa meesha ka maqan oo la tabayana ay tahay kaalinta dadkii dalka iska lahaa!, Soomaalina waa tii horay u tiri “ Sac ninkii lahaa saynta uga fadhiyo ma kaco”.

 

Tan iyo maalinkii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 24 sano ka hor waxa is daba socday gurmadyo siyaasadeed iyo kuwa millatari oo ka imanayay beesha caalamka iyo dalalka deriska. UNOSOM, UNITAF, UNOSOMII, Itoobiya, AMISOM, Kenya, IGAD, UNPOS, UNSOM waxa ay ahaayeen qeybo kamida gurmadyadii shisheeye ee isku dayay in siyaasadda Soomaaliya jaha yeelato, mararka qaarna waxa dhacaysay in gurmadyadan gaar ahaan kuwii millateri ay xoojinayeen oo gacan siinayeen – si dadban- cidda loo malaynayay -markii hore- in ay u yimaadeen in ay awoodeeda xadeeyaan amaba ay meesha ka saaraan, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa Jeneraal Caydiid iyo UNOSOMII 1993-1995, iyo Sheekh Shariif iyo Itoobiya 2006-2009, oo labadan hogaamiyaba awoodadu waxa ay noqotay mid wax badan ka saraysa tii ay lahaayeen inta aanay ciidamadaan shisheeye ku qaadin dagaal aad u ba’an oo dhiig badani ku daatay, halka qolyihii ay is hayeen ay meesha ka bexeen ama ay awoodoodii siyaasadeed hoos u dhacday.

 

Waxa muuqanaysa in aragtida ku aadan in xalka qalaalasaha Soomaaliya uu ku xiran yahay in la kordhiyo farogelinta shisheeye ay tahay mid xalka ka raadinaysa meel dhow, isla markaana is halmaasiinaysa khibradihii laga dhaxlay dhacdooyinkii na soo maray 10kii sano ee uu dambeeyay.

 

Gurmadyada shisheeye waa mid aan wax weyn ka badalaynin culeysyada siyaasadeed ee jira, haddii aanay jirin rabitaan iyo dedaal wada socda oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay si wadajir ah xal ugu raadinayaan, waayoo waxa meesha ka maqan hanaan siyaadeed oo heshiis lagu wada yahay, diyaarna loo yahay in la wada difaacdo, marar badanna waxaad maqalaysaa qolyo ku doodaya dastuurka ku meel gaarka waxbaa laga badalay oo qodobo la isla ogaa ayaa laga saaray qaar kalana waa lagu soo daray!, iyo iyada oo ay qolo kasta leedahay dastuurka ha la ilaaliyo hana lagu kala baxo sida dastuurku qabo!. Marka ay timaado hanaanka maamul u samaynta gobolada iyo dhismaha maamul goboleedyo xubno ka noqda qaab-dhismeedka federaalka ah, waxaad arkaysaa iyada oo si cad loo dhinac marayo qodobada ku xusan dastuurka, haddana wixii ka dhasha waa la soo dhaweynayaa oo waxa ay sharciyad ka helayaan xukuumadda iyo beesha caalamka, arrimahaasuna waxa ay dhacayaan iyada oo la leeyahay waa in dastuurka la ilaaliyo!.

 

Jiritaanka dastuur marna la baal maro marna la cuskado waxaa sabab u ah dhamaystirnaan la’aanta qaab-dhismeedka hay’adihii cadaaladda oo ilaa iyo hadda waxa aan sheegeeda la haynin maxkamddii dastuuriga ahayd ee go’aan ka gaari lahayd is qabadka u dhexeeya hay’adaha dawladda ee la xiriira dastuurka iyo shuruucda kale, taasoo hawlgelinteedu tahay hawl u taalla xukuumadda iyo baarlamaanka.

 

Dhinaca kale marka aad eegto qaabka xubnaha baarlamaanku ugu kala qaybsan yihiin mooshinka buuqa badan dhaliyay iyaga oo isugu dhafan beelo, deegaano, iyo fekrado siyaasadeed oo kala duwan , iyo qaabka qolyaha gadoodka samaynaya iyo kuwa lagu samaynayo ay golaha dhexdiisa nabad ugu wada joogaan oo aanay isugu gacan qaadaynin, waxaad dareemaysaa inuu jiro horumar aad u weyn, iyadoo sanado dhawr ah ka hor marka arrinkan oo kale uu barlamaanka yimaado feer iyo laad la iskala daali jiray. Shan sano oo keliya ayaana laga joogaa markii xubno maanta baarlamaanka kuwada jira ay dhufays isugu jireen oo rasaas iyo madaafiic isku garaacayeen.

 

Haddaba in dhiigii sanado ka hor daadanayay joogsado, baarlamaankii feerka iyo laadka isla dhacayayna ay soo gaaraan heer ay cabashadooda jiib iyo jaan ku gudbiyaan waa tallaabo horay loo qaaday, sida keliya ee lagu dhamaystiri karo hanaanka dawladeed ee qabyada ahna waa in ilaalo laga hayo hay’adaha dastuuriga ah ee curdanka ah, iyo dimuquraadiyadda billawga ah, isla markaana loo dulqaato kufaa kacooda ilaa ay gaaraan wacyi iyo bisayl ka sareeya kan maanta ay soo gaareen.

 

Hanaanka baarlamaanku u shaqaynayo marxaladdan waxa ay muujisay in xildhibaan kasta uu dantiisa raacday, kadibna uu la bahoobay intii ay isku danta ahaayeen isaga oo aanan eegin deegaan, beel, iyo feker siyaasadeed, taasoo u gogol xaaraysa hanaqaadka ururo iyo isbahaysiyo siyaasadeed oo ku dhisan dano, wuxuuna arrinkaasu astaan u yahay in dalku caagta saaray wadadii uu kaga badbaadi lahaa xagjirnimo beeleed, mid diineed iyo mid deegaaneed.

 

Ugu dambayntiina xal waara oo loo helo mashaakilkeenna kuma xirna kordhinta farogelinta shisheeye ee waxaa saldhig u ah kobcinta kalsoonida dhexdeena ah, taakulaynta hay’adaheena dastuuriga ah, iyo sare u qaadida wacyiga siyaasadeed ee muwaadinka si uu ula xisaabtamo hay’adaha siyaasadeed iyo siyaasiyiinta hormuudka ka ah.

 

Maxamed Axmed Sheekh Cali

dodishe76@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.