Home » Warar »

Xisbi Siyaasadeed oo uu Hormuud u yahay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho oo looga Dhawaaqey Muqdisho.

Tarsan “Xisbgaan Koox Gaar ah ma laha , Qabiil gaar ahna ma laha, waxaa Xisbi ay u Dhan yihiin Ummada Soomaaliyeed”

Iyadoo Sannadka 2016 la filayo in Soomaaliya laga qabto Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya, oo ay ka qayb geli doonaan Xisbiyada Siyaasada Dalka ayaa waxaa Maanta oo ay Bishu tahay 27 -11-2014 Magaalada Muqdisho looga dhawaaqey Xisbi SIyaasadeed oo loogu Magacdarey Xisbiga Cadaalada Bulshada (Social Justice Party ) SJP.

Munaasabada lagu Daahfurayey Xisbigaas Cusub ayaa waxay ka dhacdey Magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galey Qaybaha kala duwan ee Bulshada , Qaar ka mid ah Xildhibaano, Wasiiro, Madaxda Xisbiyada Siyaasada Dalka , Odoyaasha Dhaqanka , Culimada’udiin, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale,

Xisbigaan oo uu Garwadeen uu ka yahay Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) waxaa ugu horeyntii ka Hadley Maxamuud Daahir Cadaani oo ka mid ahaa Gudigi qabanqaabada waxaa uu faahfaahin ka bixiyey Sababahii loo aas-aasey Xisbiga Cadaaladda Bulshada ,waxaa uu sheegey in Dhismaha Xisbiga uu ku yimid markii la tashi lala sameeyey inta badan Bulshada Soomaaliyeed waxaa uu sii raaciyey

“Xisbiga Mabaa’iidiisa waa ku dhaqan Shareecada Islaamka , Difaaca Xaquuqda Muwaadinka Xoriyadiisa Asaasiga, Sugida Amniga Bulshada iyo Sare u qaadida Nolosha Qoyska Soomaaliyeed , La Dagaalanka Musuqmaasuqa, Cadaalad-darada , Eexda, Qabyaalada , Jahliga iyo Faqriga, Dhiiragelinta Haweenka iyo Dhalinyarada si ay kaalin muuqata uga qaataan Horumarka, Dib u dhiska Siyaasada, Hogaanka Dalka iyo Dhismaha Garsoor Hufan oo u Cadaalad fala Bulshada Soomaaliyeed “

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Xisbiga Daryeel Qaran Shiikh Cabdirashiid waxaa uu sheegey in Xisbigisa uu soo dhaweynayo Xisbiga Cadaalada Bulshada isagoo sheegey in Tarsan uu yahay qof ay Bulshada Soomaaliyeed hore u soo tijaabisey gaar ahaan Waxqabadkiisa wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Xisbigaas.

Waxaa kale oo Munaasbadaas lagu daahfurayey Xisbigaas ka Hadley Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi waxayna sheegtey mar ay la dardaarmeysey Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxay u soo jeedisey in uu Xisbiga guud ahaan la gaarsiiyo Gobolada Dalka Xafiisyana looga furo.

Raage Xasan Cali oo ku hadlyey Magaca Puntland ayaa waxaa uu sheegey in Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu yahay Shaqsi Abaal weyn u haya Bulshada ku nool Maamulka Puntland ka dib markii uu ka qayb qaatey u Gurmadshadii Dadka ku waxyeeloobey Duufaantii Deegaanada Bari wuxuu u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay Garab Istaagaan Xisbiga Cadaalada Bulshada

Gabagabadii Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka Hadley Munaasabadaas ayaa waxaa uu yiri “ Sababtaan u dooraney Cadaalada waxay tahay Xaqiiqdii Dhibaatooyinkii ka dhacay Dalka waxaa Sabab u ahaa Cadaalodaro Baahsan marka Xisbigeenna waxaa uu Xooga saari doonaa Cadaalada’ waxaa uu sii raaciyey Mudane Tarsan

“Xisbgaan Koox Gaar ah ma laha, Qabiil gaar ahna ma laha waa Xisbi ay u dhan yihiin Ummada Soomaaliyeed, Cid waliba waa u furan yahay, waana Xisbiga mar kasta diyaar la ah in uu la tashado Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka iyo Dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada Soomaaliyeed “ . waxaa uu soo badhigey Siyaasada Mustaqbalka Xisbigooda wuxuuna Tibaaxay in ay Siyaasad cad u dejinayaan Sidii Dalka ku yeelan lahaa Hagaan nadiif ah oo ka hufan Musqmaasuq iyo Wixii la halmaala, Mudane Tarsan oo dhaliiley Siyaasada Dowladda ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqey in ay dejinayaan Siyaasad Dhaqaale iyo mid Amni oo uu ku hagaamiyo Xisbigisa Dalka Soomaaliya

waxaana intii ay socotey Munaasbadaas lagu daahfurayey Xisbigaas dadka waxaa Maaweelinayey Fanaaniin Soomaaliyeed

xisbi76

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.