Home » Maqaallo »

Xildhibaanada Baarlamaanka laba arrin mid ha doorteen

Yaabka Yaabkiisa horta Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha maxaa ka dhaxeeya, waxaase ka daran oo la yaab leh maxaa ka dhexeeya Xildhibaanada Baarlamaanka waa tan ay kala raacen ama ay laka safteen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waa arrin layaab leh waxaan la dhihi karaa meesha wax dan guud ah ma talo.

Xildhibaanada Baarlamaanka laba arrin mid ha doorteen :

Tan kowaad in ay Xidhibaanda Baarlamaanka ay dhex dhexaad ka noqdaan arrinta Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo weliba ay ku qasbaan in ay heshiyaan labada nin waa haddii danta guud laga shaqeeynayo.

Tan labaad oo ah Haddii ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay diidaan in ay heshiiyaan labadooda markaas waxa waajib noqoneysa in Xildhibaanada Baarlamaanka ay Cod buuxa isku raacaan in labada nin Shaqada laga ceyriyo ama la casilo labadooda maxaa yeeley wax dan guud ah iskuma heystaan ee waa laba nin oo dano gar ah isku heysto.

Digniin: Haddiise ay dhacdo in Xildhibaanada Baarlamaanka ay kala raacana ama ay la kala Saftaan labada nin waxay taasi keeni karta in Shacbiga Soomaaliyeed ay helis u noqdaan rajo xumo iyo Dowlad la, aan, taaso keeni karta in Dalka Soomaaliya u halis u noqdo in gacan gumeeysi u galo.

Ogow Wax walba danta guud ayaa ka muhiimsan ee danta guud halaga Shaqeeyo, danaha gaaarka ah hala iska daayo.

Mahad Sanadiin,

Mr. Dahir Mohammed Sheekh
Email: mr.dahir@live.com
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.