Home » Maqaallo »

Ma Ilaashan Karnaa Hanaankeena Dawladnimo ee Curdanka ah?

Bishii Julay 1960 ayeey ahayd markii Soomaaliya ay hanatay nidaam dawladeed oo madaxbanaan, kaasoo ay ku lug lahaayeen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen golihii wisaayada ee qaramada midoobay, maamulkii wisaayada ee Talyaaniga, golihii la talinta oo ka koobna diblomaasiyiin ka kala socday Masar, Kolombiya iyo Filibiin, xisbiyadii siyaasadeed, maamulkii daakhiliga ahaa, iyo dhinaca waqooyiga oo maamulkii maxmiyadda ee ingisiirska, xisbiyadii siyaasadeed, maamulkii daakhilga ahaa iyo golihii odayaasha ay gacan ka gaysteen hanashadii xorriyadda iyo midawga labadii gobol ee waqooyiga iyo koofurta.

Hawlihii gundhiga u ahaa hanashada xorriyaddu ma aysan ahayn kuwa ka maran qalalaaso iyo qaxar, iyada oo kala aragti duwanaashihii u dhaxeey xoogagii siyasadeed, deegaanada iyo beeluhuba ay saamayn badan ku lahaayeen doodihii la xiriiray qaab dhismeedka maamulkii daakhilga, qeybsiga awoodda, qorista dastuurka, luqadda dalka, mashaariicda horumarinta, tirakoobka dadka, ururinta canshuuraha, xiriirka xisbiyada iyo maamulkii wisaayada, hanaanka doorashada, habkii shaqo bixinta, heshiisyada maalgashi ee caalamiga ah…iwm.

Kala aragti duwanaanshahaa iyo doodahaa mararka qaar waxa ay sababi jireen iska hor imaadyo uu dhiig ku daato, dacwadaha iyo eed sheegashada ka dhalatana kuma ekaan jirin in loo gudbiyo xukuumaddii daakhiliga ama maamulkii wisaayada ee Talyaaniga iyo golihii la talinta ee waxaa la gaarsiin jiray ilaa iyo qaramada midoobay, iyo diblomaasiyiinta kale ee dalalkii xiriirka la lahaa xilligaa Soomaaliya. Siyaasiyiinta eedaha jeediyayna waxaa laga soo qaadan karaan Crisaaq, Sheegoow, Sheekh Maxamed, …iwm.

Sidoo kale qalalaasihii dhacay waxaa laga soo qaadan karaa kii dhacay magaalada Muqdisho bishii Nofembar 1959, maalmo ka hor doorashadii golihii sharci-dejinta ee maamulkii daakhiliyada, kaasoo dadna ku dhinteen, qaar kalana ku dhaawacmeen, siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud – oo kamid ahaa aasaasayshii SYL dhawr jeerna gudoomiye ka noqday- Xabsiga loo taxaabay.

Farxaddii iyo rayrayntii ka dhaltay xorriyaddii iyo midawga labadii gobol ee waqooyiga iyo koofurta bishii Julay 1960 waxa barbar socday shaki iyo kalsooni darro ku aadan sidii loo heli lahaa cadaalad siyaasadeed, shakigaana waxa uu aad uga muuqday aftidii loo qaaday dastuurka dalka sanadkii 1961 oo gobolkii waqooyi intiisa badan ay diidmo ugu codeeyeen, iyadoo qoristiisana aanay markii horaba talo ku lahayn, iyo sidoo kale inqilaabkii dhicisoobay oo saraakiil ka soo jeeda gobolkaa ay isla sanadkaa ku dhaqaaqeen.

Si kasta oo xaalku ahaaba dalka wax uu lahaa xilligaa xukuumad dimuquraadi ah, xisbiyo siyaasadeed, dastuur ilaalinaya xuquuqda iyo xorriyadaha muwaadinka, warbaahin madaxbanaan, garsoor madaxbanaan..iwm. Dhinaca kalna dhaqangelinta mabaad’iidaa dastuuriga ah ee qiimaha badan kama marnayn xadgudubyo iyo gaabis ku imaanyay si ula kac oo ku salaysan qabyaalad iyo musuq ama garashadii koobnayd iyo karti darro.

Gocshooyinkii laga dhaxlay xilligii daakhiliga ahaa iyo xadgudubyadii dabayiil ee xilligii xorriyadda waxa ay albaabada u fureen dhaliilo iyo faro-fiiqid baahsan oo ka imanaysay hal-abuurkii Soomaaliyeed, iyo saxaafadii madaxa banaanayd. Abwaankii Adan Carabna waa kii lahaa:

Maskab kama dhaxline wiilal baa helay macaankiiye
Kun nin baa martabadii u hadhay ama muluugtiiye
Inta kale mus ood laga rogtay meerayaan dibade.

Dhaliilihii iyo eedeymihii sida joogtada ah loogu jeedinayay xukumadihii rayidka ahaa ee xorriyadda kadib ma barbar socon dedaallo mug lah oo garaad iyo aqoon ku salaysan oo ku aadan sidii loo turxaan bixin lahaa hay’adahii siyaasadeed ee curdanka ah, habsamina loogu hirgelin lahaa dastuurkii dalka iyo hanaankii dimuquraadiga ahaa ee gundhigga u ahaa siyaasadda dalka, taasina waxa ay abuurtay nacayb badan oo loo qaaday xukuumadihii dimuquraadiga ahaa, arrinkaana waxa uu u gogol xaaray inqilaabkii milatari ee dalka ka dhacay sanadkii 1969, kaasoo oo soo afjaray hogaankii xisbigii SYL ee daadihinayay siyaasadda dalka mudadii 9 sano ahayd oo dalku xor ahaa iyo marxaladdii daakhiliyadda ee ka horaysay.

Taliskii millitarigu waxa uu xabsiga u taxaabay in badan oo kamida siyaasiyiintii SYL iyo kuwii mucaaradka ahaa, sidoo kale waxa uu laalay dastuurkii dalka, xisbiyadii, iyo saxaafaddii madaxa banaanayd, …iwm. Waxaana la baab’iyay baarlamaankii. Wax kasta oo horumar ah oo ay xukuumaddii millatarigu ku talaabsatayna waxaa hareeyay dimuquraadiyad la’aantii iyo ciriirigii ay gashay xorriyaddii iyo xuquuqdii muwaadinka taasoo ugu dambayntii sababtay in ay dhashaan xoogag siyaasadeed oo dagaal hubaysan kala hor yimid xukuumaddii milatariga. Dedaaladii lagu bixiyay in wadahadal iyo is afgarad lagu dhameeyo dagaladaana ma noqon kuwa miro dhala, ugu dambayntiina natiijadu waxa ay noqotay burburkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay sanadkii 1991.

Waxaa xusid mudan in dimuquraadiyadii ay ku burburtay gacmaha siyaasiyiintii dhagax dhigay oo hormuudka ka ahaa marxaladdaa, halka marxaladda labaad ee millatarigana ay ku burburtay gacmaha saraakiishii inqilaabka sameeyay, labada qolabana kuma aysan guulaysan badbaadinta mirihii ay abuureen!.

Maanta oo laga joogo xorriyaddii 54 sano waxa dalkeenu marayaa marxalad la muuqaal ah tii daakhilyada oo laga joogo 60 sanadood, gaar ahaan marka aad eegto:

1- Kaalinta qaramada midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba ay ku leeyihiin dib u yagleelidda hay’adaha siyaasadeed, kuwa maamul, iyo kuwa amni ee dalka.

2- Doodaha la xiriira dastuurka, qaab dhismeedka siyaasadeed ee dalka, awood qaybsiga, qaabka shaqaalaysiinta, mashaariicda horumarineed, heshiisyada maalgashiga ee caalamiga ah…iwm.

3- Cabashooyinka iyo eedeymaha loo gudbinayo hay’adaha caalamiga ah, kuwa gobolka, iyo dalalka xiriirka la leh Soomaaliya.

4- Qaska iyo qalalasaha siyasadeed ee ka taagan deegaanada qaar, kuwaasoo mararka qaar uu dhiig badan ku daato.

Haddaba su’aasha is weydiinta mudan waxa ay tahay awood ma u leenahay maanta inaan ilaashano hanaankeena dawladeed ee curdanka ah? mise mar kale ayaan ku ambanaa wadadii odayaashii naga horeeyay ee ku guul-daraystay badbaadinta mirihii ay beereen?.

Waxa ay ila tahay in jiilka maanta jooga ay awood u leeyihiin ilaalinta hanaanka dawladeed ee bilawga ah iyada oo wax laga baranayo taariikhdii aan soo marnay.

Dedaalada lagu ilaalinayo hanaanka dawladeed waxaa saldhig u noqon kara:-

1- Is tixgelin, is ixtiraam, iyo is ogoloaansho u gogol xaara in la is dhagaysto oo la wada tashado, cid kastana laga dhagaysto cabashadeeda xalna loo helo, lagana fogaado is jujuubka iyo is muquuninta.

2- In dastuurka iyo shuruucda dalku ilaaliyaan xorriyadda iyo xuquuda muwaadinka, lana dhawro hanaanka dimuquraadiyada, dastuurka iyo shuruucda kale ee dalkuna ay noqdaan kuwa laga wada tashaday oo ku salaysan heshiis bulshadeed oo cid walba dhinaceeda ay ka ilaaliso.

3- In si dhaqso ah wax looga qabto cadaaladna lagu saleeyo arrimaha la xiriira shaqaalaysiinta ( rayid iyo ciidan), hirgelinta mashaariicda horumarineed ee deegaanada kala duwan, qeybsashada dakhliga iyo qarashka…iwm.

4- In arrimaha masiiriga ah oo ay kamid yihiin nidaamka federaalka, qaabdhismeedka dawladda, awoodaha hay’adaha kala duwan, loo xulo khubaro aqoon iyo khibrad u leh oo soo dhirindhiriya una soo gudbiya hay’adaha siyasadeed.

5- In dhaqso loo hirgeliyo garsoor madaxbanaan oo xal u hela dulmiyadii dhacay iyo khilaafaadka ka dhex aloosma ha’yadaha hogaamineed ee dalka.

6- In la dhiirigeliyo saxaafadda madaxabanaan, laguna wacyi geliyo inaysan madaxbanaanideeda u adeegsan waxyeeleynta xasiloonida iyo horumarka dalka, loona sameeyo shuruuc hagta oo ka ilaalisa waxyeleynta danaha qaranka.

Marka dib loo milicsado taariikhdeena siyaasadeed waxaa muuqanaya in sababta ugu weyn oo ay wax nooga burbureen ay tahay iyada oo mid kamida xoogaga siyaasadeed ee jiray uu dedaal ku bixinayay in uu awoodda ku ururiyo gacantiisa iyo xoogaga kale oo ka hortaagnaa, iyo iyada oo lagu guulaysan waayay jaangoynta hanaan siyaasadeed oo dimuquraaddi ah oo u suurogeliya in xoogaga siyaasadeed ay si wadaag ah ama is weydaarasho ah u hantaan talada dalka. Waxaana markasta muuqanaya hanaankii SYL ee mudadii u dhaxaysay 1954-1969 iyo kii Golaha Sare ee Kacaanka 1969-1976/ Xisbbiga Hantiwadagga 1976-1991.

Ugu dambayn waxaa lama huraan ah in doodaheenna marxaladdan aan ku wajahano sidii xal aan ugu heli lahayn mashaakilka siyaasadeed ee hor taagan dawladnimadeena annaga oo madaxa ku hayna in waqti badan uu horay nooga soo lumay, duruufaha jirana aanay noo samaxaynin in waqti kale uu naga lumo. Haddii aanan annagu ilaashan dawladnimadeenana ma jirto cid kale oo aan ka sugayno in ay noo ilaaliso.

Maxamed Axmed Sheekh Cali

dodishe76@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.