Home » Warar »

Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha iyo Xubnaha Baarlamaanka ee kasoo horjeeda mooshinka ayaa ku dhamaadey is afgaranwaa

Iyo Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka oo ku hanjabey in Maalinta Isniinta ay halkii ka sii wadi doonaan Heestii Somaaliyeey Toosa.

Iyadoo Weli uu taagan yahay Khilaafka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed kaasoo soo jiitamayey muddo ku dhow Laba bilood, waxaana Khilaafkaas uu sababay in Gabi ahaanba ay istaagaan dhamaan Howlahii Shaqo ee Dowladda Fedraalka iyadoo taasi ay jirto ayaa la filayaa in maalinta Isniinta ah Bishana tahay 24 November 2014 Xubnaha Baarlamaanka oo loo qaybiyo Mooshinkii looga soo horjeedey Raiisul Wasaaraha sida uu ka dhawaajiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari

Waxaa Magaalada Muqdisho kulan ku wada yeeshey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka la doonayo in lagu rido Raiisul Wasaaraha , waxaana la sheegey in kulankaas uu socdey Mudo Saacado iyadoo Xubnihii Baarlamaanka ay Madaxweynaha u soo jeediyey in ay heshiiyaan Raiisul Wasaaraha balse Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka dalbadey xubnahaasi in ay joojiyaan Fowdada islamarkaana ay ogolaadaan in Baarlamaanka uu Howlahiisa uu qabsado.
image
Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynha iyo Xubnahaasi ayaa waxaa la sheegey in uu ku dhamaadey is afgaranwaa sidoo kale qaar ka mid aha Odoyaashii soo xuley Xubnaha Baarlamaanka ayaa iyana Madaxweynha iyo Raiisal Wasaaraha u soo jeediyey in Khilaafkooda ku dhameeyaan si Hoose hase yeeshee dadka Siyaasada u kuurgala ayaa waxay sheegayaan in ay adag tahay in sii wada Shaqeeyaan Madaxweynha iyo Raiisul Wasaaraha

Qaarka Mid Xubnaha Baarlamaanka ee sida weyn uga soo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah Raiisul Wasaaraha Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa waxay ku hanjabeen in Maalinta Isniinta ay Xarunta Baarlamaanka ku soo geli doonaa Dekri Salaan iyo weliba in ay qaadi doonaan Heestii Soomaaliyeey Toosa-Toosa oo isku Tiirsanaada.

Sidoo kale mar aan wareystey mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeeda Mooshinka ayaa waxa uu sheegey in aysan joojin doonin Fowdada ilaa la joojiyo Mooshinka la doonayo in lagu rido Raisul Wasaaraha hadaba waxan u joognaa Maalinta Isniiinta ah iyo Kulanka Baarlamaanka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.