Home » Maqaallo »

Radio Muqdisho iyo Khilaafka Madaxda Dowladda.

Raadiyo Muqdisho waxaa la Aasaasay 1950-kii, tan iyo waagaas waxaa uu soo maray marxalado kala gedisan oo waxaa maamulayey dowlado iyo Xukuumado kala duwan, waxaa kaloo maamulay qaar ka mid ah Hogamiyaashii Magaalada Muqdisho sida Cali Mahdi iyo Janaraal Caydiid. Siyaasadda lagu hago Radiyo Muqdisho waxaad moodaa iney ahayd mid la isu meerin jirey, waxaan ka wadaa waxa uu had iyo jeer daacad u ahaan jirey Hogaanka markaas gacanta ku haya oo marna ma dhicin xitaa in nin mucarad ahi ka hadlo.

Tusaale, Xiliyadii kacaanka iyo kii Hogaamiye kooxeedyda isjka daa wax laga soo baran degee hadii ay ka baxdo hees aan ujeddeeda la ogayn ama kama’ ah, waxaa ugu yaraaan shaqada laga eryi jirey dadka masuulka ka ahaa siidayntaas, waxa dhacday in Radio Muqdisho Agaasime waaxeed lagu raacdeeyo wareetgo Madaxwayne. Waxaana ka sii horaysey in Madaxwayne si cad u buriyo Weriye maalin sii daayey Raadiyaha hadal uusan jeclaysan, Waxaa kaloo dhacday in Gudoomiyihii Ururka USC loo diidey inuu ka hadlo Radio Muqdisho maadaama la ogaa inuu ka soo horjeedey Siyaasadii Madxwaynihii waqtigaas.

Dhibaatada ugu darani waxay dhacdaa markay is Khilaafaan Madaxda ugu saraysa dowlada sida mida iminka taagan, hore waxa la xasuustaaa isku dhicii Madaxwayne Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihiisii Cabdiweli Gaas, waxaa xiligasi dhacday in Raysulwasaare Gaas uu dacaayaddiisa ka sii daysan waayo Radio Muqdisho maadaama uu ahaa Musharax u taagan qabashada xilka Madaxwaynaha khilaafna kala dhexeeyey Madaxwayne Shariif, waxay arintaasi iyo kuwo la mid ahi ahaayeen kuwo caadi ah oo la yaab ma lahayn in Raysulwasaarihii wadanku aanu ka hadli karin Raadiyihii Qaranka oo waxa la rumaysnaa in mar walba Radio Muqdisho ay ka socon karto oo kaliya siyaasada madaxwaynaha iyo cidda taabacsan.

Wasaaradda Warfafinta iyo xukunka Radio Muqdisho waxaa soo maray 30 Wasiir oo uu ugu danbeeyo Wasiirka haatan Mdane Mustaf Dhuxuloow, waxa uu la soo baxay siyaasad ka duwan sidii ewel lagu maamuli jirey Radio Muqdisho iyo SNTV marka ay isqabtaan Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaraha, waxaana daliil u ah, waxaa Raadiyaha Qaranka ka baxa siyaasadda labada Nin oo hadana is diidan, tusaale fiican, waxaa habeen ka baxay Raadiyaha iyo SNTV oo ah Telefishinka Qaranka Wareegto xilal Wasiiro laysku shaandheeyey oo ka soo baxday xafiiska Raysulwasaaraha waxaan warkaas xigey war ka soo baxay xafiiska Madaxwaynaha oo wax kama jiraan ku tilmaamay warkii ka soo yeeray Rysulwasaaraha, waana waxa loo baahan yahay sida ay dad badani qabaan.

Hadaba maxaa lagu macnayn karaa siyaasadda cusub ee uu la soo shaac baxay Radio Muqdsiho iyo SNTV oo ay dowladu maamusho, mala dhihi karaa waxa uu cagta saaray wadadii saxda ahayd ee ay shacabku ka dhur sugayeen tan iyo markii la Aasaasay? Aniga waxay ila tahay in Madane Mustaf dhuxuloow uu ka dhabeeyey dhaartii uu maray, sababta aan sidaa u leeyahay waxay weeye ,waxaan hada ka hor waydiiyey cidda Radio Muqdisho maamulaysa hadii ay is qabtaan Madaxwaynaha iyo Raysulwasarihiisa, waxaana uuna ii sheegay in aanu Raadiyihu magan u noqonayn cid gooni hadiiba ay dhacdo iney madaxdu is-khilaafaan, markaana Mr Dhuxuloow waxa uu xafiiska hayey wax ka yar lix bilood. Waxay kaloo ila tahay in Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Mr Cabdiraxmaan Al-Cadaala uu wax badan ka soo kororsaday safarkii uu ku tegey dalka Finland maadaama uu soo arkay sida uu u shaqeeyo TV-ga iyo Radiyaha Finland oo aanay kala xigin Muxaafid iyo Mucaarad.

Isku soo wada duub, Radio Muqdisho waxa uu hayaa wadadii in badan dadku tebayey laakiin waxaan leeyahay arintu waa faanoole fari kama qodna oo waxa la rabaa inuu si dhaba uga hadlo khilaafka madaxda dowlada si ay shacabku u ogaadan waxa dhabta ah oo ay labada nin isku hayaan, waxaa kaloo laga doonyaa iney ka hadlaan dhibaatooyinka muwadiniinta ka haysta dhinaca Garsoorka iyo xukumada la ridayo maalin walba oo ay qayla dhaantu daba socoto, waxaa kaloo looga fadhiya ka hadlida xabsiyda qarsoosiga ah ee ku yaala Magalada Muqdisho iyo weliba iney tebiyaan sida aanay marnaba munaasab u ahayn in Askari Maasgraati ah ama weji duuban uu baaro Muwaadin hoygiisa.

W/Q. Cabdinaasir Xirsi Iidle.
E-Mail:- Naasirx1@gmail.com
00252-615503978.
iidle

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.