Home » Faallo »

Mar haddii uu Ra’isulwasaaruhu lumiyey kalsoonida sow ma haboona in uu iscasilo ?

Mar haddii uu Ra’isulwasaaruhu lumiyey kalsoonida Madaxweynihii soo magacaabay iyo Baarlamaankii ansixiyey sow ma haboona in uu iscasilo?

Waxaa meel xun marayo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Ra’isulwasaarihiisa, ka dib markii uu midba midka kale ku eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka, islmarkaana uu faraha la galay shaqo aanu lahayn.Khilaafkan ayaa noqday kii ugu adkaa ee dhexmara Madaxweyne iyo Ra’isuwasaarihiisa tan iyo markii la dhisay Dowladda Federaalka oo haatan laga joogo kudhawaad 14 Sano.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaarihiisa ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, ka dib markii uu u gudbay Golaha Baarlaamka, halkaas oo Xildhibaano badan ay Mooshin ka keeneen Ra’isulwasaaraha Iyagoo ku eedeynayo in uu ku guuldareysay in uu wax ka qabto howlihii loo igmaday.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku kala qeybsamay mooshin laga keeney Ra’isulwasaaraha, Maxaa yeelay waxa ay qaar ku doodeen in mooshinkaasi laga soo abaabulay Xarunta Madaxtooyada, halka qaarna qabaan in Mooshinkaasi Sharci yahay mar hadii ay soo gudbiyeen cadadkii looga baahnaa mooshin. Ma mooshin unbaa lagu jiriyaa yaab badanaa.

Iskudayo badan oo ay sameeyeeyn dhinacyo kala duwan oo ay ugu horeyso Beesha Caalamka, ayaa fashilmay ka dib markii uu dhinac walba ku adkaystay ra’yigiisa, tusaale ahaan Madaxweynaha ayaa ku adkaystay in uu aanu la shaqeyn Karin Ra’isulwasaaraha mar hadaanu tixgilineyn wadashaqeyntii lagu balamay, halka Ra’isuwlwasaaruhuna uu ku adkaystay in aanu cidina u dabafadhiisaneyn shaqadiisa.

Waxkasta oo ay tahayba, Waxa uu xaalku soo gaaray in ay Ra’isulwasaaraha ka codsadaan qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada in uu iscasilo mar haddii uu waayey kalsoonida Madaxweyniiisa Isaga soo magacaabay iyo Baarlamaankii ansixiyeyba, si hori loogu sii socdo, Islamarkaana looga faa’iideysto waqtiga haray laakiin Ra’isulwasaaruhu taa ma yeelin.

Khilaafka labad Nin, ayaa u muuqda mid aan dhamaaneyn waqti dhow haddaanan tanaasul la helin, maxaa yeelay mid kastaba waxa uu doonayaa in uu ka taqluso midka kale, tusaaale ahaan Madaxweynaha ayaa isticmaalayo saameynta uu ku leeyahay Xildhibaanada qaar si ay mooshin uga keenaan Ra’isulwasaaraha, halka Ra’isulwasaaruhuna uu isticmaalo Xildhibaano kale si ay u difaacaan.

Ismariwaagga u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha, ayaa banaanka u soo saaray waxyaabo badan oo qarsoonaa sida kartida iyo nuxurka Baarlamaanka hadda jira iyo waliba Gudoonkooda ka dib markii uu ku guuleysan waayey in uu si wanaagsan u maareeyo mooshinkii laga keenay Ra’isulwasaaraha,Waxa ayna taasi ku tuseysaa in uusan Baarlamaankani wax badan ka duwneyn Baarlamaanadii hore.

Ra’isulwasaare Cabdiwali ayaad mooddaa inaanu wax badan ka aqoonin siyaasadda, maxaa yeelay waxa uu doortay in uu si toos ah uga horyimaado Madaxweyniihii Isaga soo magacaabay, islamarkaana siiyey fursadan qaaliga ah ee uu ugu shaqeynayo dalkii Isaga soo koriyey islamarkaana wax soo baray,Waxaana taa ka garan kartaa sida uu u dhamayo ee uu marba geed madax ugu dhufanayo isagoo doonayo in uu sii xajisto korsigiisa.

Maadaama aanu Isagu ahayn shaqsigii la soo doortay, waxa ay ahayd in uu fuliyo Barnaamijka Madaxweynaha, islamarkaana uu Madaxweynaha kala tashto talaabo kasta oo uu qaadayo, si ay u sii socoto wadashaqeynta kala dhaxeysa Madaxweynaha laakiin nasiibdaro waxaad mooddaa in uu ku mashquulay qodobka 100 ee Dastuurka islamarkaana uu iska ilaaway wixii kale.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku guuldareystay, in uu isafgarad la gaaro Madaxweynaha, islamarkaana uu ka qanciyo waxa uu ka tabanayo si loo wadashaqeeyo laakiin nasiibdaro taasi ma dhicin, Waxa ayna ugu danbeyn keentay in uu Ra’isulwasaaraha ku soo dhaco meel cidla ah, tusaale ahaan waxa uu waayey Kalsoonida Madaxweynihii soo magacaabay,Waxa uu sidoo kale waayey Kalsoonida inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka (140 xildhibaan),taas waxaa ka daran waxaa ka hormiyid Golihiisa Wasiirada Iyagoo ugu baaqay in uu iscasilo.fashil iga dheh.

Mar haddii uu Ra’isulwasaaruhu waayey kalsoonida Madaxweynihii soo magacaabay iyo waliba inta badan Golihiisii Wasiirada, Baarlamaankiina lala horfadhiyo heestii Soomaaliyey toosooy hadaba sow ma haboona in uu is casilo inta aanu marada ka dhicin yacni aanu meesha ku ceeboobin ?

Jawaabtu waa haa, maxaa yeelay ma haysto taageerada Golayaashii shaqada kaaladhaxeysay sida Golaha Baarlamaanka oo kale, taas waxaa ka daran tan Madaxweynaha oo ah ninkii saxiixi lahaa ama xalaaleyn lahaa dhamaan waxyaabaha ka soo baxa Xukuumadda; hadaba maxay qiimo leedahay joogistiisa meesha ? sow waqti dhumis ma’ahan ?

Inkasta oo uu Dastuur baaskan qeyb ka yahay khilaafkan, hadana waxa ay ahayd in uu Ra’isulwasaaruhu ku dadaalo in markasta uu la tashto Madaxweynaha si marwalba loo wadashaqeeyo islamarkaana hori loogu sii socdo laakiin waxaad moodda in aysan taasi dhicin, waana sababta keentay in uu Madaxweynaha caroodo sidoo kalena uu meel adag istaago.

Calaa kulixaal, mar hadii xaal halkan marayo dalkiina uu u xiran yahay xalinta khilaafkan oo ay waxbadan ku dhumayaan, sow uma haboona Ra’isulwasaaraha in uu Isagu tanaasulo si loo badbaadiyo rajaddii yareyd ee la qabay mise waxaa fiican in lagu kor dagaalamo masaakiintan dhiban ee uu cadowgoodu daraf kastaaba ku dhagan yahay ?

Anigu, waxaan qabaa Ra’isulwasaare Cabdiwali Isagoo ku mahadsan wixii uu qabtay, in uu u u tanaasulo dalkiisa iyo dadkiisa sida ay sameeyeenba raggii Isaga ka horeeyey sida Farmaajo oo kale,Waxaana kula talinayaa markale in uu iscasilo mar haddii uu lumiyey kalsoonida Madaxweynihii iyo Baarlamaankiiba,Islmarkaana uu fiiriyo marxaladda lagu jiro iyo dhibaatada haysata Shacabka Soomnaaliyeed ee dhiban.

Midda kale, maxaa diiday in la dib loo fiiriyo Dastuur baaskan, islamarkaana la kala cadeeyo awoodaha Madaxweynaha iyo tan Ra’isulwasaaraha si uusan khilaafkan u soo noqon mise dadkaba xor ahayn oo ku qasban in ay sidan ku jiraan ilaa qiyaama saac.Anigu waxaan la yaabahnahay ragga maalin kasta u taagan sharaxaad oo aan ficilba lahayn hadana dowladnimaan raadineynaa ku dhahaayo.!!

Arinta kale ee yaabka leh waxaa weeye, maxaa ku koobay jagooyinkan Koonfurta oo kaliya aaway dadkii Waqooyi ? Ma sidaas baa la rabaa in dal lagu mideeyo ? Anigu waxaan qabaa in dalkan uu ka kooban yahay Koonfur iyo Waqooyi sidaa daraadeedna loo baahan yahay in Jagooyinka sare loo qeybiyo si cadaalad ah. Waa haddii la rabo dal soomaaliyeed oo mid ah islamarkaana degan.

Midda kale waa in laga guuraa isjiidjiidkan u dhaxeeya beelaha, oo loo guuraa sidii loo dhisi lahaa Qaran Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, si looga baxo ceebtan iyo foolxumadan na haysata.Maxaa noo diiday in aan qeyrkeena ku dayano mise ceebtaa nala dhalatay ? aaway Islaanimadeenii iyo dhaqankeenii suubanaa ?

Dalkan waxa uu u baahan yahay rag iyo dumar u istaaga badbaadintiisa inta ay goorigoor tahay, haddii kale waxaa imaan doonta maalin ay adag tahay in wax la qabto. waxaana sidan oo kale runtii ku tagay dalal badan, tusaale ahaan aaway dhulkii la dhihi jiray Undulus ? Runtii Soomaaliya waxa ay saran tahay tareen ay wadaan dad hurdaya oo waliba isuhaysta in ay soo jeedaan.

Ugu danbeyntii, waxaan leeyahy haddii ay arintan ku soo dhamaato in uu meesha ka baxo Ra’isulwasaare Cabdiwali, waxaan qabaa in Jagadaasi la siiyo Walaalaheena reer Waqooyi, Islamarkaana loogu daro Wasaaradaha ugu muhiimsan ee Dowladda si loo helo dowlad loo wadadhan yahay oo xoog leh si loo soo celiyo sharaftii iyo karamadii luntay. Waxaana gunaanudkii ka codsanayaa Ra’isulwasaare Cabdiwali in uu tanaasulo mar haddii la waayey kalsoonidii u dhaxeysay Isaga iyo Madaxweynaha.

W/Q:Cabdullahi Ibrahim C
Abdull2006@hotmail.com
cabdiwali

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.