Home » Warar »

Ridwaan Xirsi oo sheegey in Wasiirada soo jeediyey in Raiisul Wasaaraha uu Iscasilo uusan Saameyn ku yeelan doonin Howlahooda

Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta ay bishu tahay 18-11-2014 waxaa uu ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha CabdiweliShiikh Axmed waxaana Shika Shir Gdoominayey Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa ugu horeyntii waxaa warbixin looga dhagaystay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg kaasoo ka hadlay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmahan is bedel weyn laga dareemayo.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Ridwaan Xirsi Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta kaasoo sheegay in shirka waxyaabihii looga hadlay ay ka mid ahaayeen Wasiiradii dhawaanta Ra’iisul Wasaaraha ugu yeeray inuu is casilo isagoona hoosta ka xarriiqay in arrintaas wax saamayn ah ku yeelan hawlihii Golaha Wasiirada jawaabtii arrintaa ku habooneedna uu maalintii shalay Ra’iisul Wasaaraha ka jawaabay.
image
Kulanka maanta ee Golaha wasiirada oo Todobaadkiiba maalinta Khamiista la qaban jiray ayaa maanta la soo hor mariyay si loo muujiyo in xukuumadda Ra’iisulwasaaraha ay shaqaynayso weli.iyadoo kulankii Maanta uu ku soo beegmey Xili maanta Wasiiro dawlayaal iyo Wasiiro ku xigeeno hor leh iyaguna ay ku baaqeen in Ra’’isulwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed uu xilka iska casilo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.