Home » Faallo »

Geeridii Shariif Mukhtaar ma Noqon Doontaa Dhamaadkii Taariikhda SYL

Halyeey Weyn Ayaa Ka Dhintey Shacabka Soomaaliyeed, Halyeey Aaney Geeridiisi aan Ilaahey Ugu Baryeyno In Aaney Sabab u Noqan Halmaamidda Taariikhdii (SYL) Iyo Wadaniyaddii Shihiidey (Shuculadii) Hurisey Dhaqdhaqaaqii Gubanimadoonka Geeska Africa 1960.

waxaan u maleynayaa in halyeeyadii gobanimadoonka uu ka dambeeya Maxamuud Yuusuf Nuuro oo magaaladda Nairobi ku nool Muuro wuxuu ahaa ninkii u ekaa Cabdulaah Ciise oo labadoodu hadey wada taagan yihiin aad mataano moodid, markii Cabdulaahi Ciise loo diidey in uu aado Qaramadda Madoobey Taliyaanigii ayaa u diidey maxaa yeeley wuxuu diidanaa adoonsiga Taliyaaniga, sidaa darteed Taliyaanigu wuxuu diyaariyey Cirbad Sun ah oo Talaal ah si Cabdullahi u jirado uuna ka baaqdo Qaramadda Midoobey si uusan u daaficin Qarinimadda Soomaaliya markii la talaaley Muuro diyaaradii waxaa fuley Cabdulaahi Ciise oo u ekaa Muuro sidaasi ayaa Taliyaanigii lagu qiyaaney.

Geeridda Shariif Mukhtaar Allah ha u naxariiste dowladda maanta kama warqabto meesha ay Tacsiyooyinka uga direyso kaabo qabiilo waxayna ku mashquulsan yihiin Bil dhan mooshiin lagu ridayo Raiisul Wasaaraha, fadhigaas Baarlamaanka ee Mooshiinka lagu ridaayo waxaa ka soo u uraayey Qarmuunkii iyo Urkii Qabyaaladda,oo (SYL) la dagaalantey oo qof walboo Xisbigaas ka mid ahaa Kitaab Qur’aan lagu dhaariyey ayna Soomaalidu ahayn qabiilooyin kala sareeya.

ü Kani waa Ugaas
ü Kan waa Adoon
ü Waa in aan iloownaaye
ü Waagii horoon kala soocneyn silac ku nooleyne
ü Soomaaliyey sara joogsadda
ü Si san baan heleynaaye

ilaahey ha u naxariiste Shariif Mukhtaar Shiikh. Ibraahim wuxuu i soo xasuusiyey in markii Soomaaliya ay heshey Gobanimadii gudaha, Barasaabna waxaa uu ahaa Mario de Stefane oo ahaa sida Nicholas Kay

Cabdulaahi Ciise ilaahey ha u naxariistee markii xoriyadda Daaqiliga aan helney wuxuu dhisey 5 Wasiir, kadib wuxuu kulmiyey gudigii dhexe maalin tii labaad, Muuse Boqar oo xubin ka ahaa gudiga dhexe ee xisbiga ayaa yiri “Anigu Boqor baan ahay waxaana xaq u leeyahay in aan labo Wasiir helo” Hadalkaas oo ku noqdey fajiciso gudigii dhaxe ee Xisbiga.

Xaawo Maxamed , Otavio iyo Saciid Cabdisalaan

Cabdullaahi Ciise wuu caroodey caro waligiisa caroon shirkiina maalintii labaad ayuu dib ugu dhigey Cabdullahi Ciise fadhigii gudiga dhexe wuxuu ka sheegey in uu wasiirnimadii ka qaadey Muusa Boqar kana saarey gudigii dhexe ee (SYL), gudigii dhaxe oo dhan sacab ayey ku aqbaleen arintaas oo uu soo jeediyey,i iyadoo Cabdullahi uu soo jeediyey ay tusaale u noqotey ama duruus nin walba oo Khaa’in ah

Xusuus Cajiib ah marxuum Shariif Mukhtaar wuxuu i xasuusiyey qiso aan horey u maqley. Oo ahayd maalin maalmaha ka mid ah ayaa guriga Maxamed Axmed Otaafiyo la keeney 13 Dambiil oo ah kuwa lagu adeegto oo ay ka buuxaan Bamooyinka lagu dagaalamo

Dad badan oo aan ka mid ahayn waxay la noqdey in Dambiilaha uu Canuuni ka buuxo waxaana durbadiiba la boodey mid ka mid ah Bombooyinkii maalinkaas waxaa joogey guriga rag aan ka xusi karo Axmed Maxamuud Aloore, Maxamuud Yuusuf Muuro, Cali Shido Cabdi, ladane, iyo Cabdulqaadir Markaazi, oo gurigaas daganaa. isla markiiba dadkii ayaa iigu soo ordey igana qaadey bambadii ayagoo ka baqaayey in ay dhulka iga dhacdo oo kuwa kale Qarxaan waxaan ka naxay sababta la igu soo ordey waxaana iri “waxaan sitaa Muufo aan ka soo gatey Faadumo Geedi” oo aheyd Cusmaan Geedi Raage walaashiis waxayna ka mid aheyd gabdhihii leegadda waxeyna ahaayeen haweenkii wacyagalin Dadweynaha

waxaa jiro oo kale haween Taliyaanigu iyo Iingiriisku la shaqeyn jirey oo markii Taliyaaniga iyo Ingiriiska ay duulaan rabaan Soo sheegi jirey iyagoo shuko soo qaadan waxaana yaraa haweenka gumeysiga daacada u ahaa, waxaana kaloo jirey niman dhalinyaro ah oo Horseed kii SYL ahaa oo ka dhignaa Militeri kuwaas oo la dagaalamaayey gaalada iyo wixii la hal maala marmaar baa waxaa la qaban jirey horseedka iyo qofkastoo diida in uu qabiilkiisa sheego waana la garaaci jirey qaar waa u dhinteen qaarna Cuduro ayaa ku dhacay waxay dhibaatadaas ka door bideen in ay Qabiilkooda sheegaan

maanta maxaa dhacaya kadib 53 Sano oo aan xor nahay ? waxaa dhacayaa siyaasigii Baarlamaan ku jirey oo aan ka xishooneynin in uu qabiil sheekto,Firimbi qaato fadhigii oo socda, buuq kiciyo wanaaga iyo xumaan kala garan waayaan
Saciid Cabdisalaan
Haweeney la oran jirey Raaxo Ayaanle oo ka mid ahayd Halgamayashii ayaa tiri “Afkeyga Daloola Ilkaheyga Dahabka mudan waxaan ka door bidey dalkeyga Daaficiisa

Qoraa Sare Saciid Cabdisalaan Ismaaciil
E-Mail Saciidcabdisalaam@Hotmail.Com
Tel 00252618517969

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Geeridii Shariif Mukhtaar ma Noqon Doontaa Dhamaadkii Taariikhda SYL "

  1. Mohamed says:

    waa qoraal wax ku ool ah runtii SYL dad u dhigma maantay waa jiraan balse waxaa qariyey ceeryamada aafooyinka ragaadiyey bulshadeena guuleyso waxbadan baan ka baranay ” shalay iyo maantay kala mudan” hal-doorkii bulshada ma jiraan maantay haday jiraan waa dad yar oo fara ku tiris ah