Home » Maqaallo »

Moshinkii xaaranta ahaa, oo mooshin xalaal ah dhalay

 “Aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban”

 Xildhibaanadii ku guul daraysatay moshinkii ay ka keeneen Raysal wasaaraha ayaa maanta aad uga carooday inuusan qabsoomin fadhigii baarlamaanka oo logu qaybin lahaa moshin ka dhan ah Xukuumada, shirar u socday ilaa galabta ayaa waxaa la soo wariyey iney goaan ku gaareen iney moshin ka keenaan Gudoomiye Jawaari oo xaqiiqdii muujiyey daciifnimo marka la eego qaabka loo wajahayo moshinka la keenay iyo siduusan uga qaadan go’aan geesinimo leh uu ku diido ama uu ku qaybiyo, ama uu talaabo uga qaado kuwa hor istaagay in moshinka loo qaybiyo xildhibaanada.

 Moshinka Xukuumada laga keenay inuu indho la’yahay waxaa daliil u ah hadlka ka soo yeeray mid ka mid ah xildhibaanada mooshinka geeyey Baarlamaanka, kaas oo ku sifeeyey sababta ay ku keenen moshinka” Xukumadda waxay diiday iney Shir Jaraa-id qabato si ay amarka Madaxweynaha u fuliso sidaas darteed waa rideeynaa”

Halkaan ka daawo eeda xildhibaanku u soo jeediyey Raysal Wasaaraha

http://www.kismaayo24.com/2014/11/08/daawo-fadeexad-xildhibaan-yiri-xukuumada-waxaan-u-rideyno-waa-inay-qaban-weysay-shir-jaraaid-yaab/

Wax meesha ka cad in siyaasada Soomaaliya tahay la jiifiyaana banaan, Tani waxay muujinaysaa  khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada oo soo noqo noqonayey 14-kii sano ee la soo dhaafay, uu curyaamiyey habsami u socodka dowladnimo ee Soomaaliya, horseedayna nin jeclaysi, laaluush qaadasho iyo sumcad xumo la soo darista xildhibaanada Soomaaliya iyo iney wayaan kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed.

markaan fiirino khilaafkaan u dhaxeeya Raysal Wasaare cabdiwali iyo Madaxweyne Xasan Sheikh waa ka duwan yahay dhamaan khilaafyadii ka dhex abuurmi jiray madaxda ugu sareeysa dowladihii soo maray dalka, waxaana aqoon yahanada Soomaaliyeed hoosta ka xariiqeen in khilaafkaan uusan ahayn mid dastuuri ah, balse uu yahay mid siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha, runtii marka la eego qaabka loo wajahay isku shaandhayntii yareeyd ee Reysal wasaaruhu ku sameeyey golaha Wasiiradda in aan marnaba lagu cabiri karin inuu sabab u noqdo kala fogaansho soo kala dhex gasha madaxweynaha iyo , hogaanka xukuumada.

Bishii May 2014 in ka badan 130 xildhibaan ayaa madaxeynaha ka dalbaday inuu is casilo, waxayna ku eedeeyeen wax qabad la’aan, ka bixid balamadii uu qaaday iyo inuu hareer maray Dastuurkii dalka. Xildhinaabadana ayaa ku soo ogay dacwad ka kooban 12 qodob oo waxayna ku eedeeyeen madaxweynaha inuu ka baxay balan qaadkiisa lixda tiir xiligii la doortay, iyo inuu hareer maray dastuurka dalka u yaala, waxaana ka mid ah qadobadaas:

Hoos ka daawo kulankii 130 xildhibaan ay ku yeesheen City Palace,

http://puntlandi.com/daawo-video-munaasabad-ay-xildhibaano-kor-u-dhaafay-130-ugu-baaqeen-inuu-madaxweyne-xasan-sheekh-is-casilo/

Qodobada ay madaxweynaha ku eedeyeen xildhibaanada waxaa ka mid ah kuwa hoos ku qoran:

1.      Madaxweynuhu wuxuu ku guul daraysatya Samaynta qorshe cad oo meel mar noqono kara oo dalka lagu xasilin karo, si dalka looga hirgaliyo nidaamka federaalka ah.

2.      soo noolaynta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, Biyaha, iyo Korontada

3.      Wuxuu madaxeynauhu ku guul daraystay sugida nabad galayada iyo dib u dhiska ciidan qaran, taas oo la’aanteed aysan suurta gal ahayn in dalka  uu nabad helo, taas badalkeedana waxaa ka soo cusboonayada gobolada Sh/hoose, Sh/ Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Jubada Hoose dagaal beeleedyo

4.      wuxuu kuguul daraystay inuu curiyo fikir siyaasadeed oo wada xajood lagula gali karo mucaaradka Hubaysan intooda Soomaalida ah

5.      Wuxu madaxweynuhu  ku guul daraysatay habsami u hagida maamulka lacagta, iyo la dagaalanka  musuq maaqsuuq, wuxuu u gacan galiyey ilihii dhaqaalaha dalka  shirkado shisheeye, taas oo horseedi karta in la baajiyo kaalmooyinkii caalamku siin lahaa Soomaaliya

6.      in hogaankagu ka gaabiyey ilaainta midnima qaranka, marka la fiirsho wadahadalidii dhex maray dowlada Soomaaliya iyo soomaaliland.

7.      Hogaanku  wauuxu ku guul daraysatay inuu sii wado aqoonsigii beesha caalamka sii say Soomaaliya doorashada madaxweynaha kadib, waxaa maanta Soomaaliya sii maraysaa in Diblomaasiyiin soomalaiyeed oo ka howl gala dalal shisheeye si bareer ah xabsiga loogu taxaabo

8.      Wuxuu ku guul daraysatay inuu wax ka qabto dhibaatooyinkii loogu gaysanayey dadka soomalaiyeed magaalada Nairobi.

9.      Hogaanku wuxuu ku guul daraysatay inuu dib habayn ku sameeyo Garsooka dalka, wuxuuna  baal maray fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii dib u eegista garsoorka, oo muqdisho lagu qabtay bishii Aprill 2013

10. Madaxweynuhu wuxuu ka gaabsaday fulinta qodobka No, 109, Farqadiisa 2-aad ee Dastuurka dalka u yaala ee tilmaamayaa assaaska maxkamada Dastuuriga ah, taas oo loo fasirtay inuu rabo inana lala xisaabtamin.

11. Hogaankagu wuxuu ku fashilmay samaynta gudiyadda madax banaan sida ku cad qodobka, 111 ee Dastuurka dalka u yaala xafarkiisa “C”  gaar ahaana dhismaha gudiga la dagaalanka musuq maasuqa, waxaa si bareer ah loo boobaa hantida qaranka

12. Hogaanku wuxuu ku fashilmay inuu dib u heshisiin ka dhex  abuuro umadda Soomaaliyeed iyo maamulada dalka, iyo inuu abuuro gudiga runta iyo cadaalda sida ku cad Qodobka 111 xarafkiisa” I,

13. Hogaankagu wuxuu ku fashilmay amniga kaas oo kucad Qodobka 126, iyadoo si joogta ah loo beegsado xarumaha dowaldda, sida maxkada sare, madaxtoyada, xarunta qm, baarlamaanka iyo beegsiga xildhibaanada iyo shacabka,

Eedaymahaas oo dhamaantood ah kuwo run ah, ma jirto wax kula xisaabtamaya madaxweynaha, waxaana eedeymahaas ku biyo shubteen in loo balan qaado xildhibaanadii hor boodayey diyaarinta moshin ka dhan ah madaxweynaha, waxaa qaarkood la siiyey Lacago, Qaarna loo fududeeyey Qandaraasyo halka qaar kalana loo balan qaaday Wasiiro kolka xukuumadda isku shaandhayn lagu sameeyo.

Dhamaadka bishii May 2014. Safar uu madaxweynuhu kaga soo noqday dalka Ethiopia ayaan waxba ka soo qaadin eedeynta xildhibaanada, wuxuuna saxaafada horteeda ku tilmaamay shacab xildhibaanada Baarlamaanka “Shacabka Soomaaliyeed xor bay u yihiin iney cabiraan mowqifkooda, waana soo dhaweynayaa,waxaan ku faraxsanahay in Dowladnimadeena ay keentey in Shaqsi walbaa si xor ah uu u hadlo, Dowladihii hore afkaa la is qaban jirey”.

Gunaanad dulucdaydu waxaa weeyey in xildhibaanada baarlamaanku qaarlkood ay caqabad ku yhiin shaqada dowaldda, mana ahan kuwo ka turjumaya danta shacabka Soomaaliyeed, waxaa intaas ka daran xataa go’aamada ay soo saaran maahan kuwo shaqeeya, sababtoo ah markii ay go;aan gaaraan waxaa habeenkii loo keenaa lacago go;aankaasna waxaa uu noqdaa hal bacaad lagu lisay, dib u fiiri qoraalkaan ka soo baxay golaha baarlamaanka, kaas lagu laalay heshiiskii dhex maray dowaldda iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu wareejiyey Dekeda Muqdisho, waxaana si bareer ah heshiiskaas uga dhega adaygay shirkada Turkiga oo howlaheeda si wanaagsan u wadata,

Taabo halkaan hoose si aad u akhrisato qaraarkii ka soo baxay golaha Baarlamaanka, kaas oo lagu laalay heshiiskii lala galay shirkada turkiga ee lagu wareejiyey Dekeda Muqdisho.

https://somalitalk.com/2014/04/03/qaraar-baarlamaan/

 

Gacal Axmed Daahir

Gacalaxmed6@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.