Home » Maqaallo »

OLALAHA HORMARINTA REER MIYIGA OHRM ( DEGMADA TAYEEGLOOW ) !!!!

HORUDHAC:
Akhristoow ololaha hormarinta reer miyiga (OHRM) wuxuu ahaa olole waxbarasho oo dadka reer miyiga ah farta soomaaliga qoristeeda lagu baraayey ,wuxuuna dhacay inta u dhaxeysa Aug,1974-Mar.1975 , anniguna waxaan ka mid ahaa ardeydii ololahaas ka qeyb gashay oo muddo 7 bilood ah reer keena waan ka maqnaa.
Waxaanna ka qeyb qaatay Ardeydii dugsiyadda sare iyo dhexe marka laga reebo fasaladda form 4 iyo Sideedaad ee dugsiga dhexe oo ayagu lahaa imtixaankii ( central Exam) oo labadaas fasal laga qaadi jiray.
Dugsigeena 21ka oktoobar ee dhexe wuxuu aaday gobolka bakool ,anniguna waxaan nasiib u yeeshay in la i geeyo Degmada Tayeegloow oo aan markaas uun aan magaceeda maqlay.
Maalintii Ardeydu baxayeen maalmo ka hor ayaa waxaa Dugsigii loogu qeybiyey Ardeydii Sabuurad yar oo isku laabmeysa,oo Busto ku dhex jiro iyo Buraashad yar , kadibna waxaa la balamiyey in ay Maalin Hebel Dugsiga isku soo Xaadariyaan ayagoo Nin ba Sanduuq uu Dharkiisii ugu jiro wata, sidaas bayna u Dhacday oo Maalintii la balamay ayey Dugsigii yimaadeen ayadoo Baabuur u Diyaar tahay waa Baabuurtii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa Ardeydii Dugsiyadda Xamar oo dhan la iskugu geeyey Tarbuunka si uu Khudbad Dardaaran ah ugu jeediyo Madaqxweynaha Jaalle MOHAMED SIYAAD BARRE , kadibna halkaas ayey Safarkoodii ka bilaabeen ilaa Maqribkii ay ka gaareen magaallada Baydhabo
janaay, halkaas oo Casho loogu diyaariyey se Nasiib xumo Soor iyo maraq iyo Hilib baa lagu sooryeeyey se Ciyaal Xamarku waagaas Soor cunowga wey ka faani jireen, oo waxay jeclaayeen Bariis iyo Baasto.
Markii Cashadii loo soo dhigay oo kooxba xeero loo soo dhigay sidii sabtii ayey intey Hilibkii ka Boobaan Soortii isku tuur tuureen .
Alloow Nin aan wax ogeyn ha cadaabin wallee wey ka shalaay doonaan Soortaas oo waxa gadaal ka dhici doonta ayadoo Caano iyo Hilibba laheyn in ay Mudan doonaan ileen Abaartii Daba dheer ayaa soo socotee !!!!
Habeenkii Magaalladii bay aadeen oo Shaneemadii ugu danbeysay ayey galeen ileen Toddobo Bilood ku dhan Baadiyo ayey u socdaane.
Subaxdii goor hore ayaa la Quraacday kadib Safarkii Gobolka Bakool ayey Bilaabeen Duhurkii ayey Degmada Waajid Gaareen Qeyb ka mid ah Ardeydii oo uu ku jiro Saaxiibkay Hunboow ayaa lagu dejiyey oo Degmadaas loo qeybiyey, waa qeyb ka mid ah Dugsigii 21 Oktoobar.
Galabtii ayey haddana gaareen Magaallo Madaxda Gobolka Bakool ee Xudur halkaas ayaa casho fiican Bariis iyo Hilib laga siiyey.
Subaxdii danbe Safar kale ilaa Degmada Tayeegloow waxaan galnay Habeenimo Tayeegloow , aniga iyo Ardeyda kaleba waa markii ugu horeysay ay maqlaan Magaallada Tayeegloow .
Magaallada Tayeegloow waa Degmo ka tirsan Gobolka Bakool waxayna u dhaxeysaa Magaallada Xudur iyo Baladweyne oo ah magaallo Madaxda Gobolka Hiiraan.
Tayeegloow waa magaallo yar oo Dhismaheedu yahay Carshaan iyo Mudul iyo Xero weyn oo Wareegsan oo Dhagax adag ka sameysan oo ahaan jirtay Qalcad ka mid ah Qalcadahii Sayid Mohameed Cabdille Xasan !!!!
Xeradaas ayey Daawladda oo dhami degan tahay Boliiskii iyo Maamulkii Degmada iyo , wasaaradihii sida Boostada Iwm , Xaruntii Dawladaha Hoose ee Munashiibiyo , Ambulatooriyadii iyo Farmashihii oo isku yaala Iwm.
Subaxdii Danbe Ardeydii Baabuur ayaa laga buuxiyey si loogu qeybiyo Tuulooyinkii ay ka koobneyd Degmadu , waxaana ugu weyneyd Tuulooyinkaas tuulada Caanka ah ee Bilooyeey Xarunta uu ku aasnaa Shiikh Awees AL-Qaadiri ee Siyaaradiisa loo tagi jiray.
Galabtii danbe markii ardeydii la wada qeybiyey ayaa qeybtii ugu danbeysay lagu dajiyey Tuulo la yiraahdo Haraarsame, Ardeydii halkaas lagu dajiyey waxaa ka mid ahaa Ostan Saaxiibkiis Maxamuud ooy isku xaafad ahaayeen.
Qoraxdii oo sii dhaceysa ayaan Allaah ka baryey in aan meeshaan cidlada ah lagu dajin, Allaahna waa iga aqbalay waxaana na la soo celiyey aniga iyo seddex Saaxiibaday ah sida kii ka anniga iyo afar saaxiibadey ah Tayeegloow .
Afarteenii waxaa la yiri tuulooyinka Degmada u dhaw ha la kala geeyo, Markaas ayaa xuseen iyo Cumar is doorteen waxaanna la geeyey Xero Ciidan oo ku taal Duleedka Degmada lana oran jiray Misir.
Waxaa Xeradaas ku jirayu Ardey Reer Xamar ah oo Fasalka Sideedaad ku soo dhacday oo Ciidan la qori jiray, waxaa ka mid ahaa wiil Kubbadda Cagta Laacib ku ahaa oon haatan magaciisii Hilmaamay.
Aniga iyo Saaxiibkiis Xasanna waxaa la geeyey Tuulo u muuqata Degmada oo la yiraahdo Shiimo, waxaa tuuladaas deganaa Dad dan yar ah oon xoolo laheyn oo Beeraleey ah oo Ugaarato ah sida Sagaaradda iyo wixii la mid ah .
waa inoo qeyb labaad iyo sheekaddii ololaha hormarinta reer miyiga oo haatan laga joogo 40 sano .

fii amaani laah .
sahid mohamed yusuf
USA,VA
sahidyusf@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.