Home » Warar »

Suldaan Dhiirane Muxumed  oo Dhaliil u jeediyey Taliska Ciidamada Amisom iyo Dowladda Federaalka.

 

Suldaan Dhirane Muxumed Nuuriyow oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka oo ku haybta ah Marxuum Saalax Maxamed Nuur oo Bishii Janaayo 28 2014  ay dileen Ciidamada Amisom  ka dib markii si bareer ah u jiirsiiyeen Gaari ay lahaayeen ayaa dhaliil u jeediyey Taliska sare ee Ciidamada Amisom

“ Balan qaadyadii ay u sameeyaan Taliska Amisom  Qoyskii Marxuum Saalax iyo weliba Bixinta Diyadii Marxuumka ilaa iyo hada  ma jiraan wax ka fuley Balamadaas” ayuu yiri Suldaan Dhiirane oo sheegey   in ay weli uga fadhiyaan Taliska Amisom   dhamaan Balan qaadyadii ay u sameeyaan Qoyskaas

“Dhowr jeer ayaa la kulaney qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amisom kuwaa oo  balan qaadey in ay wax u qabanayaan Qoyska Marxuum Saalax  hase yeeshee waxaan ogaaney in Balanqaadyadaas ay yihiin kuwa aan dhaafsiisaney Afka Baarkii” ayuu yiri Suldaan Dhiirane  oo ugu Baaqay Dowlada Faederaalka in ay gacan ka geystaan sidii Qoyskaas uu u heli lahaayeen  Xaquuqdooda

“Dowladda Federaalka iyada ayaa laga doonayaan in raadiso Xaquuqda Muwaadinitooda waayo waxaa  uu Xil ka saaran yahay in ay Dabagal ku sameeyaan Xadgududbyada loo geysto Shacabkooda,  Dowladaha aduunka  iyagaa u raadiya Muwaadiniintooda  Xaquuqaha ka maqan” ayuu yiri Suldaan Dhiirane  oo sheegey in hadii aysan Dowlada  dabagal ku sameyn   Xaquuqda dadkeeda ay  Arintani ayaa muujinaysa in qofka muwaadinka Soomaaliyeed uusan qiimo ka ag laheyn

oday

Marxuum Saalax Maxamed Nuur  oo ka tagey ilaa Sagaal Caruur ah ayaa qofkii doonaya in uu Gacan siiyo Ogoontaas waxay kala soo Xiriiri karaan

Suldaan Dhiirane Muxumed Nuuriyow

Tel 00252615824754

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.