Home » Warar »

RW. Cabdiweli “Waa inaan meel uga soo wada jeedsano ilaalinta Dastuurka KMG iyo Shuruucda dalka”

Warsaxaafadeed:
Muqdisho, 11, Nov, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feederaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku tilmaamay khilaadka siyaasadeed ee hadda dalka ka jira inuu u baahan yahay in lagu xaliyo wada xaajood iyo is qancin
.
Ra’iisul Wasaarhaa ayaa ku tilmaamay khilaafka siyaasadeed noocaan ah uu dalka u horseedi karo in aan si wanaagsan loo xaqiijin Hiigsiga 2016, oo la rabo Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho ay ka qayb qataan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray 24-kii sano ee la soo dhaafay colaado, abaaro, qalalaaase siyaasadeed oo u horseeday bur-bur soo gaara haykalkii dowladnimo ee dalka. Anagoo ka tusaale qaadanayna dhibaatooyinkaas na soo maray, waa inaan dhamaanteen u wada istaagno samatabixinta dalka iyo dadka. Waana in aan meel uga soo wada jeedsano sidii aan u ilaalin lahayn ku dhaqanka dastuurka KMG iyo sharuucda kale ee dalka u yaala” ayuu yiri RW Cabdiwali.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkisa sii wata ayaa yiri “ Wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ah waxaa haboon in loo maro hab ku dhisan wada xaajood, is qancin iyo u turid dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ku tilmaamay arrimaha hadda socda in ay yihiin kuwo saamayn kara nabad ku soo dabaalida dalka iyo ciribtirka argagaxisada, hirgalinta iyo xaqiijinta nidaamka federaalka. Waxaa sidoo kale mudan in la tixgaliyo lana dhiiri galiyo dadaaladda beesha caalamku ee ku aadan di u dhiska dalka iyo xaqiijinta higsiga 2016-ka.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha C/wali wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in loo baahan yahay in awooda dhan laysugu geeyo taaba galinta howlaha qorshaysan ee lagu gaarsiinayo dalka doorashooyin xorr ah oo ka dhaca sanada 2016.

—-DHAMAAD—
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Tel: +252-6988-88022
Twitter
Facebook

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.