Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFS: “Xukuumadaydu waxay samaysay horumar ballaaran oo aan dib looga noqonayn”

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo hadal ka jeediyey Shirka Hay’adda Horumarka iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF):

Muqdisho – 10 November 2014….. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hadal ka jeediyey shirka wada jirka ah ee Hay’adda Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) iyo Golaha Sare ee Shuraakada Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (HLPF) oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ka-qaybgalayaashii shirka ee ka socday beesha caalamka iy Somaaliya u sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay horumar ballaaran oo aan dib looga noqoneyn ka samaysay arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo xaqiijinta aragtida siyaasadeed ee 2016-ka ee dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin xor ah oo hufan, waxana uu ballan qaaday in la laba laabayo dadaalka xukuumadddiisa ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga qaran ee 2016ka-isagoo tilmaamay in aanu jirin waqti iyo dadaal la beeldareeyo.

image
Shirkan SDRF waxaa ka soo qaybgalay saaxiibada iyo daneeyayaasha horumarka ee Soomaaliya iyo madaxda sare ee Dawladda Federaalka iyo wakiillo metelayey Dawlad Goboleedyada , waxana diirada lagu saarayey horumarka la sameeyey, iyadoo la isu diyaarinayo shirka magaalada Copenhagen ee looga hadlayo barnaamijka Hiigsiga Cusub.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo shirka ka hadlayey waxa uu yiri”

“Xukuumadda Soomaaliya waxa ay horumar ka samaysay dhinaca ammaanka waxana la qaaday hawlgalo militari oo lagu wiiqay kooxaha nabadda diidan, waxaa horumar laga sameeyey siyaasadda iyadoo la abuuray Dawladihii Xubnaha ka ahaan lahaa Dawladda Federaalka, dhinaca bulshadana waxaa la sameeyey dib-u-heshiisiin la dhex dhigay dadka Soomaaliyeed, dhaqaale ahaanna waxaa si xawli ah u kobcaya maalgashiga iyo dhaqaalaha sida gaarka ah loo leeyahay.

“Dhammaan horumaradan waxay ku qabsoomeen dadaalka Xukuumadda Federaalka, taageerada dadka Soomaaliyeed iyo tan beesha caalamka oo ah mid aan hore loo arag. Iyadoo guulahaasi la gaaray maanta waxaan joognaa meel aan gadaal looga noqon Karin”

Intaasi waxaa dheer, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxa uu qiray xaaladda siyaasadeed ee xilligan lagu jiro, isagoo sheegay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaago rajada ah in xal siyaasadeed dhowaan la gaari doono.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Garoowe-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.