Home » Warar »

Guddoonka Baarlamaanka Oo Xildhibaannada La Qaatay Kulammo Wadatashi Ah Oo Ku Aadan Xasilinta Siyaasadda Dalka

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga
soo bilaabo xalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 07-November,maanta ilaa
caawa fiidkii waxa uu kulammo wadatashi ah oo la xiriiray xasilinta
siyaasadda dalka si kala gaar gaar ah ula qaatay Xildhibaannada
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

somali175

Inkastoo kulammadii xalay ay bilow iyo gogol xaar u ahaayeen kulammadii
ballaarnaa ee iyagu kala qabsoomay duhurnimadii maanta iyo fiidnimadii
hore ee caawa waxaana kulammadaasi uu Guddoonka Golaha Shacabka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya lakala qaatay Xildhibaanno kala aragti
duwan ayadoo kulamadaasi oo uu shir guddoominayey Gudoomiyaha Golaha
Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay goobjoog ka ahaayeen
Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo
Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii
kulammadaasi ay soo gebageboobeen kadib la hadlay saxaafadda ayaa
tilmaamay in maanta Guddoonka uu la kulmay Xildhibaannada dhowaan usoo
gudbiyey mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda islamarkaana ay ka
guddoon ahaan ka codsadeen in fursad la siiyo dadaallo lagu dhex
dhexaadinayo madaxda DFS taasina ay garawsadeen Xildhibaannada, sidoo
kalena gelinkii dambe ee maanta uu la kulmay Xildhibaannada kasoo horjeeda
in mooshin ka dhashay kala aragti duwanaanshaha madaxda ayaguna ay
codsigii hore u jeediyeen islamarkaana ay ogolaadeen.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u mahad celiyey
Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u ogolaadeen codsiga Guddoonka waxaana
uu markale muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan
iyo sidoo kale dalalka caalamka ee taageera Soomaaliya ka codsaday iney ka
qeyb qaataan dadaalladan shex dhexaadinta ah islamarkaana uu rajo weyn ka
qabo in kala aragti duwanaanshaha jira xal laga gaari doono insha Allah.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.