Home » Faallo »

MA DOORAN INAAN DARBI JIIF NOQDO !

Dagaaladdii wadanka Soomaaliya ka dhacay dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ayaa waxay dalka ku reebeen, raadad kala duwan. kuwaasi oo saameyntooda laga dheehan karo, marka aad dhexmarto magaalooyinka waaweyn ee dalka. waxaa wadanka Soomaaliya aad ugu soo kordhay tirada caruurta darbiyada jiifta, iyaga oo la sarqaansan xabag ay dhuuqeen, taasoo la sheegay in caafimaadkooda ay dhibaato xoog leh u geysaneyso.

Darbi jiifnimaddu waxa ay soo jiidatay caruur badan oo nolol qariban kala kulmay qoysaska ay ka soo jeedeen. caruurtaasi qaar badan oo ka tirsan ayaa waxaa geeriyooday waalidkood. qaar kalena waxaa iyaga iyo waalidkood kala geeyey dagaaladdii dalka ku habsaday. halka kuwo kalena burbur uu ku yimid qoysaskii ay ka dhasheen.

Darbi jiifnimada waxaa ka jirta xaalad ama nolol aanay iyagu ku talo galin ama aysan dooran, darbi jiifnimadu ma lahan caafimaad iyo mustaqbal midna.

Waxaad arki kartaa hadaad dhexmarto wadooyinka waaweyn ee loogu isticmaalka badan yahay magaalada Muqdisho oo ay inta badan maraan dadweyne isla markaana ay ku jiraan qaar mas’uuliyiin ah, caruur badan oo halkaasi ku dayacan, waxay dadkan dusha ka arkayaan dayaca caruurtan darbiyadda ku heysta cid dan ka galeysaa aan jirin.

“Hooyo iyo Aabbe waa ay kala tageen, sidaas darteed baa noloshii qoyskeena halkaas ku burburtay, waxaana doorbiday inaan darbi jiif noqdo, maalinkiina qashinka reeraha ka qaado si aan nolol maalmeedkeyga halkaasi uga raadso, dhaxan baa halkaan igu dishay, caafimaad iyo waxbarasho toona halkan kuma heysto”

C/laahi oo 11 sano jir ah kana tirsan caruurta darbi jiiftka ah, waxaana uu ku nool nahay nolol qiyaali ah waxaana uu ku hoydaa halka uu gabalku ugu dhoco, ma garanayo halka ay waalidkeyga ku nool yihiin, waxaana jeclaan lahaa in layla baadi goobo waalidkeyga. Ayuu hadalkaas yiri C/laahi oo matalaayay dareenka boqolaal caruur ah oo isaga la mid ah.

Waxaa jira dhibaatooyin ka dhasha, waxa ay cunaan, cabaan iyo halka ay ku hoydaan. qaarkood waxa ay cunaan cuno ay qashin qubka u dhow maqaayadaha kala soo baxaan, waxay ku hoydaan dhismayaasha qadiimiga oo burbursan sida xaruntii baarlamaankii hore, Eeneeyo hoosteed, iyo buundada hor marta D/Sare ee Farsamada Gacanta ee agagaarka lambar afar “KM4”

Waxaa jira dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isu geystaan hadba sida ay u kala xoog badan yihiin, tusaale ahaan waxay haystaan hub isugu jira mindiyo, dhalooyin jaban, sakiimo iyo budad qalabkaasi oo ay mararka qaarkood isku dhaawacaan, iyadoo aanay cid kala dhicisa, iyo cid gargaar degdeg ah intaba siisa oo ay u baahan yihiin

image

Kuma koobna darbi jiifnimadu wiilasha oo kaliya balse waxaa jira iyana gabdho Soomaaliyeed oo xabagta wax ka dhuuqa lana nool wiilasha darbi jiifka ah, gabdhahan ayaa iyagana noloshooda dhibaatooyin ay kala kulmeen dartood nolosha ku kaliftay inay darbi jiif noqdaan, qaar baa caruur ay dhaleen oo lagu furay wata, halka qaar kalena maskax ahaan aanay u fayoobeyn

.

Faadumo waxay haysataa 5 caruur oo ay aabbahood kala tageen, iyada iyo caruurteedaba waxay la nool yihiin oo ka mid yihiin darbi jiifka, waxaana nolosheena ku maareynaa luflufka ay ilmaha ka keenaan waxyaabaha ay maqaayadada iyo xaafadaha iska soo daadiyaan, iibinta garaabada iyo xabagta

.

Cidna dabool kama saarna dhibaatada ay leedahay gabar darbi jiif ah, waxa ay kala kulmi karto wiilal iyaga la mid ah ee ay xabagta ay wada dhuuqaan. “Hadaan helno nabadgelyo, wax nolosha naga taageera, oo caafimaad iyo waxbarasho aniga iyo ilmahayga inoo balan qaada waxaan diyaar u nahay inaan noloshaan xun ka baxno.

Waxaana ognahay in aysan jirin hadda Dowlad qaada mas’uuliyadda ka saaran daryeelka iyo xanaanada caruurta Soomaaliyeed ee darbiyada daadsan.

Dhalinyaradan oo isugu jirta wiilal iyo gabdho ayaa Dowladda iyo Ummadda Soomaaliyeed-ba ka codsanayaa in la gargaaro loona furo xarumo si ay waxbarasho iyo xanaano labadaba u helaan.

W.Q Sucdi Daahir Qajaf Weyn

adminofficer@soscensa.org

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.