Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk  4-11-2014

 

. Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ka Hadley Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha

Tan iyo markii uu soo shaac baxay Khilaafka ka dhax aloosan Madaxweynaha soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihiisa ayaa waxaa isa soo tarayay Talooyinka iyo Aaraada laga soo saarayo  Khilaafkaas iyo waxa uu keeni karo. Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Khilaafka haatan soo kala dhax galay labada Mas’uul ee Xukuumadda ugu sareeya inuu yahay mid Dalka dib ugu celin kara  Dagaal sokeeye.

bashiir5Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in haddii Khilaafkaasi uu sii socdo in ay suurta gal tahay in la wajaho faragelin  Shisheeye taasoo Soomaaliya dib uga abuuri karta dhibaatooyinkii dalka uu hore u soo maray kuwo la mid ah ay soo laabtaan Sheikh Bashiir ayaa dhankiisa ku biiriyay in gabi ahaanba la joojiyo Khilaafka haatan jira isla markaana xal loo helo sababta keentay in Khilaafku abuurmay si looga samata koro Dagaalo iyo fara galin shisheeye oo dalka dib u galo.

Hadalka Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambaba ay isa soo tarayeen talooyinka loo soo jeedinayo Xasan Shiikh iyo Cabdiweli Shiikh Axmed iyadoona loogu baaqayo in Khilaafka la xakameeyo.

Guddiga Arrimaha Gudaha Barlamaanka oo eedeyn kulul u soo jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 Guddiga arrimaha gudaha ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn u soo jeediyay Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdullaahi Goodax Barre iyagoona ku eedeeyay habkii uu u wajahay Maamul u samaynta  Gobolada Dalka.Guddoomiye ku xigeenka Guddigaas Daahir Amiin Jeesoow oo sharaxayay qaladaadka uu Wasiirku sameeyay ayaa sheegay in ugu horeynba wax wada tashi ah laga samayn magacaabista  Maamul Goboleedyada haatan jira.

Guddoomiye ku Xigeenka ayaa farta ku fiiqay in xitaa soo xulista Xubnaha ee maamulada ee la sameeyay aan lagala tashan dadka u dhashay Goboladaas arrintaas oo uu sheegay in ay tahay mid u gaar ah Wasiirka.Xildhibaan Jeesoow oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Goboladii Maamulada loo dhisay haatan uu ka jiro Khilaaf iyo is qab qabsi halkaa ka jira taasoo sida uu sheegay aan loo marin habkii sharciga ahaa.

Guddiga Arrimaha Gudaha ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhankooda wax wada tashi ah aan lagala samayn qaabka loo dhisay Maamul Goboleedyada dalka laga dhisay sidaa darteedna  ay suurta gal tahay in Fashil uu ku yimaado Maamuladaas hore loo dhisay.Guddiga oo la hadlay Xildhibaanada Barlamaanka  ayaa sheegay in ay hor keeni doonaan Caddeymo muujinaya qaladaadka uu galay Wasiirka arrimaha Gudaha ee Xukuuadda Federaalka Soomaaliya.

Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis cusub kala saxiixday

Iyadoo maalmihii u dambeeyay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uu safar ku joogay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu kulamo la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Keenya.Arrimaha kulankaas ay wada yeesheen labada dhinac looga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa dhibaatooyinka haysta Diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya oo ku sii dega Garoonka Diyaaradaha Magaalada Wajeer oo dhibaatooyin fara badan la kulma inta halkaa lagu baarayo Rakaabka doonaya inay gudaha u galaan Kenya.

Wasiirka Xuukamadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gaadiidka  Siciid Jaamac Qorsheel oo kulamadaas kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Xukuumadda Kenya laba  Arrimood oo midi ay tahay tan Diyaaradaha lagu baaro Magaalada Wajeer iyo qodobka labaad oo ah sidii loo samayn lahaa Waddo dhinaca Dhulka ah ee ka soo baxda Magaalada Gaarisa timaadana Xadka Soomaaliya.

Wasiir Qorsheel ayaa sheegay in arrimahaas oo dhan is af garad laga gaaray iyadoona la magacaabay  Guddi heshiis sii meel mariya kuwaasoo sida ugu  dhaqsiyaha badan oo hawshaas u daba galaya.Wasiirka ayaa intaa ku daray in Magaalada Muqdisho ay ku casuumeen Wefddi ka socda Xukuumadda Keenya kuwaasoo uu sheegay in dhawaanay soo gaarayaan Soomaaliya si la isula sii anba qaado heshiiskaas dhaxal galka ah oo labada Dawladood ay kala saxiixdeen.

Qaramada Midoobay  oo ka digtay Fatahaad hor leh oo uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee  Soomaliya ayaa ka hadlay Fatahaadaha uu haatan ka samaynayo Webiga Shabeele Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe oo hadda ka horba Fatahaado hore u sameeyay.Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ay suurtagal tahay in Wabiga Shabeelle uu sameeyo fatahaadyo sababi kara Xaalad ka sii xun tan haatan ka jirta degaanadii uu hore u sameeyey Wabiga Shabeelle gaar ahaana Gobolka hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa ka hadlay waxa ay xukuumaddu ka qabatay illaa iyo iminka fatahaadyada uu wabigu sameeyay.Cabdullaahi Goodax Wasiirka ayaa tilmaamay  in Xukuumaddu aanay hayn awood ballaaran oo ay kaga hor tagto Fatahaad uu sameeyo Wabiga isagoona ka hadlay Farahaad uu Wabigu ka sameeyo Gobolka Shabeelaha Dhaxe oo uu sheegay in ay halis galinayaan wadad isku xirta Magaalooyinka Jawhar iyo Muqdisho.

Daraasad la sameeyay ayuu Wasiirku sheegay in  Xukuumaddu aanay xiligan ku filayn in laga hor tago Wabiga oo haatan Biyihiisu aad u badan yihiin balse ay baaq u direen Beesha Caalamka sidii gacan looga siin lahaa in la joojiyo Fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.Khatarta ka dhalan karta ayuu Wasiir Goodax sheegay in dhul beereed aad u ballaaran uu baabi’in karo isla markaana keeni karo dad fara badan  oo halkaa isaga bara kaca sida hadda ka horba dhacday taasoo uu sheegay in ay dhaawci karto wax soo saarkii.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.