Home » Warar »

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mahad Salad oo kala hadlay dowladda Finland fulinta mashaariic iyo tababarida Salaadiinta beelaha Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS:

Mogadishu, October 31, 2014- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalka Finland , ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo si weyn loogu soo dhoweeyay kaga warbixiyay guulaha socdaalkiisa .

H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa xusay in dowladda Finland uu kala xaajooday siideynta muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran gudaha dalkaasi iyo joojinta musaafurinta Soomaalida , iyadoo la tixgelinayo Siyaasadda iyo sharciga arrimahaas uga degsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caalamka.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo mudadii dalka Finland uu booqashada ku joogay la kulmay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ku jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi H.E. Erkki Tuamioja ayaa sheegay in dowladda Finland iyo hey’adeeda horumarinta u qaabilsan uu kala hadlay fulinta mashaariic horumarin oo la gaarsiiyo gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya .

H.E. Mahad Salad ayaa sidoo kale carabaabay in dowladda Finland uu kala hadlay fulinta mashruuc dhaqan-celin iyo shaqo-abuur loogu sameynayo dhalinyarada ka tirsaneyd kooxda Al shabaab ee isku soo dhiibtay hey’adaha ammaanka iyo tababaridda Salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed si ay kaalin muuqata ugu yeeshaan xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

somali174

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.