Home » Warar »

Qaar kamid shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo qabtay Aqoon Is-weydaarsi la xiriira shaqada

Mogadishu,30, October 2014– Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarrada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ayaa aqoon isweydaarsi soconayay hal maalin u qabatay qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska, kaasoo qeyb ka ahaa barnaamijka Tababarka iyo Tayeynta Shaqada iyo Shaqaalaha XRW oo uu ku dhawaaqay Mudane C/qaadir Cabdi Faarax Xog-hayaha Joogtadda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Tababarkaan oo ku saabsanaa Maareynta Xafiisyada, ayaa waxaa furey Agaasimaha waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tababarrada XRW, Mudane Maxamed Jaamac Yuusuf, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay shaqada iyo shaqaalahaba aqoon isweydaarsigani, isagoona ku booriyey dhammaan ka qeyb galayaasha in ay hormuud u noqdaan ka miro dhalinta tababarada noocaan ah, waxana uu ballan-qaaday in tababarro kale oo aqoonta shaqaalaha lagu kobcinayo ay qaban doonaan.

“Tababarkani ma noqon doono midkii ugu danbeeyay ee wuu sii socon doonaa, ujjeedka aan maanta u qabanay tababarka waa in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha Xafiiska si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo, ababarkaan wuxuu muhiim u yahay bilowga Soomaaliya cusub oo ku dhisan shaqo iyo fekrad lagu horumaro, adduunka maanta waa shaqo iyo shaqaale” ayuu yiri Mudane Maxamed Jaamac.

Ku-xigeenka Xog-hayaha Joogtada ee Xafiiska R.W Mudane Maxamed Maxamuud Cilmi, oo isaguna madasha ka hadlay ayaa ugu mahadceliyey Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee XRW iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysatay in kor loo qaado xirfadaha shaqaalaha, wuxuuna geesta kale sheegay in tababarkani wax badan uu kusoo kordhin doono aqoonta iyo kartida Shaqaalaha ka faa’iideysanaya.

Ugu danbeyn, waxaa gunaanadkii goobta lagu guddoonsiiyey shahaadooyin dhammaan howl-wadeenadii ka qeyb qaatey aqoon isweydaasiga.

—DHAMMAAD—
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Tel: +252-6988-88022
1

2

3

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.