Home » Archive Maalinta October 30th, 2014

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo geeriyooday

Oct 30, 2014
Muqdishu: General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Muqdishu. General Maxamed ayaa u geeriyooday si dag dag ah, ilaa hadana lama xaqiiyin wax sababay geeridiisa, Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa magacaabay gudi xaqiijiya Geerada taliyihii Ciidanka Booliska. Bahda Somalitalk ayaa ka tacsiyeynaysa geerida ku timid Taliyaha ciidanka Soomaaliyeed, General Maxamed... 

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed

Oct 30, 2014
Warsaxaafadeed Muqdishu 30 Oktoober 2014: Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General Maxamed Xasan Ismaaciil oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri... 

R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii Taliyaha Ciidanka Booliiska Gudi baarisna Magacaabay

Oct 30, 2014
R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Mogadishu,30, October 2014– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo... 

Qaar kamid shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo qabtay Aqoon Is-weydaarsi la xiriira shaqada

Oct 30, 2014
Mogadishu,30, October 2014– Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarrada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ayaa aqoon isweydaarsi soconayay hal maalin u qabatay qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska, kaasoo qeyb ka ahaa barnaamijka Tababarka iyo Tayeynta Shaqada iyo Shaqaalaha XRW oo uu ku dhawaaqay Mudane C/qaadir Cabdi Faarax Xog-hayaha Joogtadda Xafiiska Ra’iisul... 

Khilaaf Soo Jireen Noqday !!

Oct 30, 2014
Xasan Shiikh Magacaabisitii Saacid wuxuu yiri “Intii aan eersani lahaa nin la ii keenay waxaan eersanayaa nin aan aqaano” Xasan Shiikh Magacaabisitii Cabdiweli wuxuu yiri “Ra’iisul Wasaarahan kala soo dhex baxay in ka badan 40 Siyaasi” Xasan Shiikh ma u adkeysan doonaa sidii Madaxwayne Aadan Cabdule Cisman !! La yaab ma laha in maanta iyo berriba la maqlo waxaa is khilaafay madaxda ugu saraysa... 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdiraxmaan Bayle oo Dubai kaga qeybgalay Shirka Burcad badeeda,lana kulmay Wasiiro iyo Mas’uuliyiin.

Oct 30, 2014
  Dubai, October 30, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa muujiyay in dalkiisu u baahan yahay taageero caalami ah oo suuragelin kara in fursado shaqo loo abuuro kaluumeysatada iyo dadka xeebta degan si loo baabi’iyo jiritaanka falalka burcad badeednimo. Wasiir Dr. Cabdiraxmaan D. Bayle oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...